Guurtida oo ka Heshiiyey Khilaaf Muddo Dhex miranayey oo Golaha kala Qaybiyey

 


“Haddii caddaaladdii, sharcigii iyo nidaamkii aad diidana waa waxaad ku fadhido ee ma jiraysid ee golaha sidan u caafimaadi” Md. Muxumed Aw-Axmed



“Waa in aynu sharafta golaha ilaalino oo aannu dhexdiisa isku soo jeedsan oo aannu caalamku odhan Guurtidii baa is haysata… waxay ila tahay goluhu ha u qalmo sidii u shaqayn jiray oo ha isa saxo” Xaaji Cabdi Waraabe




Mudanayaasha Guurtida ayaa fadhigoodii shalay ee iskula qaatay in la soo af jaro khilaaf ka dhex cakirnaa oo laba u kala qaybiyey xildhibaadanada golaha, kaasoo ka dhashay go’aankii muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee lixda bilood ahayd.


Fadhigii shalay oo loo ballansanaa in goluhu gudo-galo doodda anjandaha kalfadhigooda 38-aad, ayaa ka hor intii aan dooddaas la bilaabin waxa Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan uu hadal siiyey dhawr xildhibaan oo u holladay inay kelmad jeediyaan, kuwaas oo ay ku jiraan mudanayaashii khilaafka adag kala dhexeeyey Guddoomiyaha, waxaanay soo jeediyeen in gebi ahaan la soo afjaro khilaafkaas, isla markaana loo baahan yahay in goluhu isku calool-xaadhnaado oo uu u shaqeeyo danta ummadda. Waxa kale oo la isla qaatay in aanay jirin baahi loo qabo waqtigan guddi dhexdhexaadin ka dhexsamaysa golaha, taas fadhigii kan ka horreeyey Guddoomiyuhu ku baaqay.


Xildhibaan Muxumed Aw-Axmed oo ka mid ahaa mudanayaashii khilaafka adagi kala dhexeeyey Guddoomiyaha, isla markaana hormoodka u ahaa mooshinkii muddo-kordhinta Madaxweynaha, ayaa ka hor intii aanu goluhu godogelin dooda ajandaha hadal uu codsaday oo uu Guddoomiyuhu siiyey, waxa uu ku sheegay in aannu jirin khilaaf golaha u dhexeeyaa, balse Guddoomiyaha looga baahan yahay fulinta wadahadalo turxaan-saar ah oo ay wadayeesheen.


“Waxa loo baahan yahay in aynu golaha ku soo celino sidii uu ahaan jiray, gole weynaha wax khilaaf ah oo ka dhexeeya anigu ma ogi, ashkhaasta wax ka dhexeeyaan in la dhammeeyo Shirguddoonka ayey u taalaa. Guddoomiye, waynu ka wadahadalnay sidii golaha loo turxaan-saari lahaa, nin walibana wixii uu tabanayay wuu sheegay, maanta golaha waxa u dhiman Guddoomiyihii Guurtida ayaad tahaye in aad tidhaahdo mudaneyaasha Guddoomiyihii golaha ayaan ahay, sharcina waan idinku dhaqayaaye aan caafimaad qab ku wada shaqayno inta lagaaga baahan yahay waa intaas. Haddii cadaaladii iyo sharcigii iyo nidaamkii aad diidana dee waa waxaad ku fadhido ee ma jiraysid ee golaha sidan u caafimaadi,” ayuu yidhi Md. Muxumed Aw-Axmed.


Sidoo kale, Md. Siciid Cabdillaahi Yasir oo isna ka mid ahaa mudanayaasha xurguftu dhextaalay Guddoomiyaha, ayaa sheegay in aanu khilaafka iyaga Guddoomiyaha ka dhexeeyey saamayn ku lahayn golaha intiisa kale, waxay isku haysteena ay ahayd wax xaq u leeyihiin, balse wanaag mooyee aanay dhibaato wadin.


Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Mudanayaal anigu ma qabo in dhibaato jirto golaha dhexdiisa, fikirka wa lagu kala duwanaan karaa, annaguna arrimihii aannu hore uga hadlaynay Shirguddoonka ayey ku koobnaayeen, xaqna waan u leeyahay in aan ku idhaahdo caddaalad-darro ayaad samaysay, sidani xaq maaha, sidaasaa habboon iyo waxaas burburi. Annagu Guddoomiye wanaag baanu wadnaa ee dhib ma wadno.”


Md. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo fadhigan ka hadlay ayaa sheegay in aan loo baahnayn in khilaaf golaha ka dhex abuurmo, waxaanu tilmaamay in codbixintii muddo kordhinta Madaxweynaha ee Goluhu ku kala qeybsamay ay dhamaatay, waxaanu yidhi “Goluhu codbixin buu galay, foodkii ayuu ku kala qeybsamay, markaana cudur lama qaado ee kolba halkii loo bato uun ha la raaco oo lagu raali noqdo weeye, haddii hadal soo galay golaha kale muu gelin ee Guddoomiyaha iyo col mudanayaal ah ayuu galay, iyaguna wada hadle oo dhammeeye, wax dhib ahi ma yaalaan, goluhu waa wada walaalo waxaana loo baahan yahay in aynu ilaalino magaca guurtinimo ee xilkeeda aynu hayno.”


Waxa kale oo uu xildhibaanada Golaha Guurtida kula dardaarmay inay ilaaliyaan midnimada iyo sumcada golaha, isagoo Shirgudoonkana ka dalbaday inay cadaalad ku hagaan mudaneyaasha.


“Waa in aynu sharafta golaha ilaalino oo aannu dhexdiisa isku soo jeedsan oo aannu caalamku odhan Guurtidii baa is haysata, Baarlamaanada caalamku way is khilaafaan oo way is dhexbaaraan, qabyaalada lagama dhego ee qoomiyad ayaa la isku saxaa, waxay ila tahay goluhu ha u qalmo sidii u shaqayn jiray oo ha isa saxo,” ayuu yidhi Md. Xaaji Cabdi Waraabe


 



Jamhuuriya Online