Guurtida Oo Soo Gebogabaysay Dood Ku Saabsan Doorashada Iyo Caqabadaha Horyaala

 

“Ninka Wasaaradda Qorshaynta Ka Shaqeeyaa Goormuu Siyaasada Galay” Md; Saleebaan Gaal

“Inta Aan Laynagu Eedeynin 27ka September Waa Inaynu Ka Sii Tashano Doorashada Madaxtooyada” Siciid Shire

“Mushkilada Interpeace Iyo Komishanka Waa In Guddi Xaqiiqo Raadina Loo Saaro”Md: Axmed Nuur

Hargeysa  (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha golaha Guurtida  Md;Sal eebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ayaa uga digay in shaqaalaha  da wladdu ay arrimaha siyaasada galaan, iyaga oo dhinaca kalana jawaabo kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Mr:Jeex oo ka mid ah agaasimeyaasha  waax yaha ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, kaas oo ku sheegay hay’adda  int e rpeace in aanay ka diiwaan-gashanayn Wasaaradooda, isaga oo  mudana yaasha Guurtidana uga digay in xisbiyada siyaasadda ay kala raacaan una soo jeediyey in dhexdhexaad ay u noqdaan xisbiyada doorashada ku tartamaya.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Md;Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo guddoominayey fadhigii shalay ee goluhu ku soo gunaanaday doodii ku saabsanayd doorka golaha Guurtida kaga aaddan doorashada  madaxto oyada ee la filayo in dalka ay ka qabsoonto 27ka September 2009, taas oo mudaneyaasha golahaasi ay doodahooda ku weerareen hay’adda interpeace ee la shaqaysa komishanka doorashooyinka, waxayse iskaga aragti ahaayeen in golahoodu wacyigelin balaadhan ka sameeyo diyaar garowga  doorashoo yinka, gobolada dalkana ay u kala baxaan iyo in komishanka doorashooyinka loo yeedho .

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo madasha fadhiga ka soo jeediyey hadalo ku waajahan eedaha laga soo jeediyey interpeace ayaa isagu yidhi “Interpeace komishanka doorashooyinka ayey la shaqaysaa haddaynu  qalad aad ku aragno komishanka ayuun baynu u yeedhaynaa ee wakhti haku  lumini na, waxaan maqlayey nin ka shaqeeya wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo yidhi hay’adda interpeace wax diiwaangelina kama haysato kamana  diiwaang ashana Wasaaradda, goormuu ninka ka shaqeeya Wasaaradda qorshayntu siyaasadda galay, looma baahna in dalka muran siyaasadeed la geliyo.

Waxa kale oo aan leeahay ninkii asxaabta siyaasada heeraamayow madashan maaha ee fagaarayaasha shirjaraa’id ku qabo, waa inaynu asxaabta siyaasda dhex u noqono o aynaan kala raacin maadaama aynu soo gebogabaynay doodiina waxaynu u yeedhi doonaa komishanka doorashooyinka”

Doodii mudanayashuna waxay u dhacday sidan.


Md: Cabdisalaan Maxamed Siciid ayaa isagu ku dooday “ dawladdaha qaadhaan bixiyeyaashu inagama mudna cambaarayn iyo eedayn ee waa in aynu xaal raali gelina siino, doorashada inay dhacdana dikreeto qaran ayey ku soo baxday waa inay qabsoonto 27 September,2009”

Md:Axmed Nuur Aw Cali ayaa isaguna ku dooday “ mushkilada ka dhex taagan komsihanka iyo qaadhaan bixiyeyaasha wax aan soo jeedinayaa Inaynu guddi xaqiiqo raadina u saarno”

Md:Farxaan Ciise Ubaxle “ InterPeace hadday carqalad inagu hayso waa inaynu Qaranka ahaan isku tashano sidii doorashooyinkii horeba aynu u qabsanay aynu uga maarano”

Md:Siciid Shire “ anigu waxaan aad ula yaabanahay Hay,adda Interpeace ee komishanka martida u ah ee tidhi komishanka hala kala beddelo caalamka laguma arag nin damiin kiisii yidhaahda hala eryo, waxaan soo jedinayaa intaan laynagu eedaamin inaynu ka tashano hay’addan interpeace”



Source: Haatuf