Ha tallaabsan beenoo
Ha ku tuman
distoorkoo
Waxa in dhawaydba dalka ka jiray ismari waa siyaasadeed kaaso runtii
had dan siduu yahay loo xalilin keeni
kara dhibaato iyo nabadgelyo hor leh. Sid aas darted waxan halkan
talooyin iyo tusaalooyin ugasoo jeedinayaa mada xwaynaha
jamhuriyadda Somaliland Md Dahir Rayaale Kaanin.
Marka ugu horraysa waxaad tahay odaygii beesha, waxad ku fadhidaa
title-kii ugu sarreeyay dalka, waxaa tahay qofka keliya ee manta
masuulka ka ah ummadda reer Somaliland ee ilaahay kala xisaabtamayo,
waayo waxa ad qaaday masuuliyad aad u culus oo qaro wayn,
sidaas darted madaxwa yne xaqbaa laguugu leeyahy in qofkastoo
muwaadin ahi kula hadlo, kula taliyo, wax kuu sheego, kuu
nasteexeeyo, ku cananto. Adiguna waxaad xaq u leedahay inaad
dhegaysato, taladooda wanaagsan qaadatid, xaalado hooda ka warhaysid,
dhibaatada dadkaaga haysata ka werwertid, ku feke rtid sidii wadanka
loo horumarin lahaa.
Marka xigta, muranada siyaasadeed waa inaad adigu noqoto ka ugu
debec san, ugu tanaasulka badan, ugu dulqaadka badan, dhegaystaa
talooyinka dadka macquulka ahi kusoo jeediyaan, waxa jira dadbadan
oo iyagu is xilq aama marka muran siyaasadeed yimaado,
dadkaasi cabasho badan iyo ixtiraam la’aan ayay kaa tirsadeen sida
ay ku baahiyeen isgaadhsiinta. Waxa iyana jirta cabashooyin badan oo
ka imanaya hay’adaha shaqadu idinka dhexayso sida baarlamaanka
Somaliland. In kastoo ay majaraha u hayaan kooxaha mucaaridka ahi,
haddana waa codkii shacabka, tixgelin iyo qaddarin ayaa idinka
dhexaysa, sidaas darted waa inaad isusoo taagtaa dalabaadka sharciga
waafaqsan ee kugu dhaliilayaan, waa in aad noqotaa qofka ugu
horreeya ee sharcigy qabto. Waa inaad adigu shacabka tustaa ka
sharciga jebinayaa, laakiin nasiib darrada jirtaa waxay tahay maanta
ummadd ree Somaliland waxay kuu aragtaa inaad ku tumatay sharciyadii
dalka u yaalay, inaad diidan tahay wada hadal, inaad tahay keligii
taliye aan cidna u joojin.
Umadda idinsoo
dooraytana waxa dhegohooda ka batay muran iyo is xag xagasho
joogta oo sanad walba soo noqnoqonaysa, taasina waxay marka
sta yaraynaysaa sumcadda dawlidnimo iyo haybaddii qaranku lahaa,
waxay dhaawacaysaa kalsoonidii laguu qabay, waxayna yaraynaysaa
suurto galn imada inay dadku mar dambe ku aaminaan.
Waxan xusid mudnayd, taladii Guddomiye ku xigeenka Baarlamanka
Somalil and Mudane C/casiid Samaale kuusoo jeediyay, runtii anigu
waxaan u arkaayay in Samaale kuula taliyay si ay ku jirto
lexejeclo,tolnimo, qadarin iyo nasteexo ay ku dheehan tahay ixtiraam
madaxwaynimo. Waxan aami nsanahay inaanu jirin nin sidaas
kuula taliyay xataa saaxiibadaada kugu dhaw, markaas M/wayne anigu
waxan ku odhan lahaa taladaasi waa mid dhaxal gal ah, waana mid dan
u ah dhamaan adiga iyo ummadda reer somaliand, waan tubta keliya ee
s/l ku caano mashay.
Gebagabadii,
waxan hadalkaygu kusoo koobayaa tixdan gaaban oo aan oda yga
ugu nasteexaynayo inuu hoos isoo dego oo uu aqbalo waxa dadkiisu
d albanayaan, haddii kale uu ogaado inaanay sidaasi meel gaadhsiin
Karin.
Waana tan tixdii
Madaxwaeyne
waxa tahay
Ruuxii tusaaliyo
Talo lagu negaadiyo
Tubta horumar loo maro
Iyo timnaan laga sugaayee
Sowdigan tu kale maray.
Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixin
Ha iska jabin tagoogada
Adiguna tusmada guud
Tusaalaha waxgaradkiyo
Taladii samaalee
Turxaanta aan lahayn iyo
Jidka toosan qaadoo
keligaa ha toocsane
U tanasul marar badan.
Tashibaa lagu negaadaa
Fikrado laysu tebiyoo
aan turxaan lahayn iyo
Shawr baa tusaale leh.
Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixin
Ha iska jabin tagoogada
Tawradduna sideedaba
tayo waxay ku leedahay
Tusmo laysku sheegiyo
toosin iyo wanaag iyo
Isu tanaasul dhab ah oo
Sharcigoo la tuuriyo
tayda ha la raaciyo
Toocsigu wuu burburiyaa
Runta way ku tarantaa
Tafaraaruq khayr maleh.
Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixino
Ha iska jabin tagoogada
|
Ahmed Saed
Abdi
Guanghou, China
ahmedyasins@hotmail.com |
|