Haatuf
Iyo Yuusuf Gaboobe: Cambaar Ku Taala Saxaafadda Somaliland
Wargeyska Haatuf, oo ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada
Hargeysa, ayaa m uddooyinkan dambe noqday cambaar ku taala
saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland .
Haatuf, oo uu guddoomiye u yahay Yuusuf Cabdi Gabobe, xiliyada
qaarna ahaan jirtay jar iirad magac leh, ayaa muddooyinkan
dambe noqotay magac u yaal, ka dib markii ay ka ha yaameen
saxafiyiintii wargeyskaas hagi jirtay oo ah rag magac ku leh
mihnadda saxaafa dda. Ka dib markii uu Wargeysku u xuub
siibtay Afhayeenka xukuumadda.
Haatuf, waxa ay la soo baxday
inay weerarto saxafiyiinta kala duwan ee Somaliland, kuw aas oo ay
ku cambaarayso gudashada waajibaadkooda iyo soo bandhigidda
dhaliilaha xu kuumadda Somaliland oo uu Wargeysku difaaco, si
gaar ah waxa uu Wargeysku ugu caan baxay muddooyinkan dambe inuu u
difaaco Wasiirka Arrimaha gudaha oo Adeer u ah Yu usuf Cabdi
Gabobe iyo Madaxtooyada oo la sheego inay Wargeyska ku samayso naas
nuu jin.
Guddoomiyaha Haatuf, waxa uu dhawaan ka masayray saxafiyiin reer
Somaliland ah oo d a’yar kuwaas oo damacsanaa inay tababar u tagaan
magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, balse arrimaha socdaalka dartood
uu u hirgeli waayay qorshahoodii, waxaanu wargeysku si qaawan u
weeraray weriyayaasha oo waxa keliya ee uu ku haystay ahayd
tababarka as ay tagayeen oo iyaga u suurto geli waayay.
Sidaas oo kale waxa uu Wargeysku dhawaan weeraray Wargeyska Geeska
Afrika oo ay markaas is qabteen madaxtooyada, iyadoo Haatuf xiligaas
la safatay madaxtooyada, ka na gudubtay bahda ay mihnadu walaalaysay.
Waxa keliya ee uu Guddoomiyaha Haatuf ku la caloobay
Wargeyska Geeska Afrika, waxa ugu
horaysa dhinaca suuqa oo uu Wargeys ka Geeska Afrika,
jariirada Haatuf ka saaray suuqii, ka dib markii ay noqotay jariirad
u sa maysan buqdi iyo xiqdi, been abuur iyo wanjalaad. Halka
uu Geeska Afrika noqday warge ys ay bulshadu ku soo hirato.
Sidaas oo kale waxa uu Wargeysku weerar ba’an oo qaawan ku hayaa
shirkadaha madax a banaan ee Somaliland oo malaha marka uu ka
waayo laaluush; uu ku qaado weerar qaa wan iyo eedaymo aanay
waxba ka jirin. waxa uu ku hayaa dacaayad been abuur ah oo ay
faafiyaan dad ka xun horumarka shirkadahan, kuwaas oo adeegsada
Haatuf.
Wargeyska Haatuf iyo guddoomiyihiisa is bed-bedelka badan ee Yuusuf
Cabdi Gabobe, cid kasta oo uu u arko inay danihiisa qarsoon turqayso
waxa uu u arkaa argagixiso isagoo ku eedeeya inay taageeraan kooxaha
xag jirka ah ee Somaliya. Arrintan oo ah wax uu Yuu suf Cabdi
Gabobe ku qadhaabto, waxa ay ka socon weyday xukuumada uu indho
la’aanta ku taageero oo dhawr goor xisbiyada
mucaaradka ku eedaysay inay ka tirsanyihiin
koox aha xag jirka ah ee Somaliya.
Waxa kale oo la xasuusan yahay in uu Yuusuf Cabdi Gaboobe weerar ku
qaaday rag reer Somaliland ah oo ay qaarkood xilal ka hayeen
wakhtigaas Somaliland, kuwaas oo uu shee gay in ay u adeegi
jireen NSS-tii Siyaad Barre, isla markaana ay u xil saarnaayeen
boqno goynta dadka reer Somaliland, laakiin markii si dhab ah loo
baadhay arrintaas waxa soo baxday in uu Yuusuf shakhsiyaadkaas ka
waayay dano gaar ah oo uu markaas ka doona yay. Waxa taas
caddayn u ahayd markii ay daboolka saareen in ay soo gudbiyaan xogta
dadkii ugu cadcadaa ee NSS-tii Siyaad Barre ee ku suntanaa xasuuqa
iyo gudbinta xogta lagu laynayo shacabka Somaliland iyo saraakiisha
ururka SNM.
Ugu dambayn Haatuf iyo guddoomiyihiisu oo col la’ ah fikirka xorta
ah iyo kobaca da’yarta saxaafadda Somaliland ma jecla inuu arko
amaba maqlo saxafi reer Somaliland ah oo mag ac iyo milgo ka
gaadhay mihnadda uu isagu ku qadhaabto. Bal xasuuso sidii
xaasidnimada lahayd ee uu uga horyimid markii sannadkan uu
guddoomiyaha Golaha Guurtidu Md. Sal eban Maxamuud Aadan
xubinimada komishanka doorashooyinka u xulay
Weriye Xasan Siciid Yuusuf oo ah saxafi magac ku leh mihnadda
saxaafadda ee Somaliland. Yuusuf, wax a uu xilligaas Xasan Siciid u
jeediyay eedaymo aanay wax ka jirin oo keliya uu ku doonay ay
inuu kaga hor istaago jagadaas oo magac u soo hoyn lahayd saxaafadda
Somaliland g uud haanteedba. Xilligaas waxa la isku raacay in Haatuf
fulisay qorshe uu Rayaale doona
yay inuu Xasan Siciid kaga hor istaago komishanka doorashooyinka.
Haatuf iyo guddoomiyahooda marka loo yimaado difaaca Qaranimada
Somaliland waxa uu dadka isu tusaa inuu yahay nin u dagaalama,
laakiin taas waxba kama jiraan. Dhawaan w axa dalka yimid
Safiirka Masar ee Somaliya oo si cad Hargeysa uga sheegay inaanay
jirin wax Somaliland la yidhaahdaa, waxaana warkaas safiirka si
hufan u baahiyay iyo wuxuu yidhiba Jamhuuriya iyo Geeska Afrika oo
umadda tusay ujeedada ninkaas Masriga ah. Laakiin Yusuf Gabobe waxa
uu hadalkii safiirka u dhigay nin nasteex u ah Somaliland.
Si kastaba ha ahaate, Haatuf iyo guddoomiyihiisa oo dagaal ba’an
kula jirta saxaafadda madaxabanaan iyo shirkadaha madaxabanaan, waxa
ay kharibtay mihnadii saxaafadeed.
Cabdiraxmaan Axmed
faarax.jaamac@yahoo.com |
|