Hadalada Aan Ka Fiirsiga Lahayn Ee Masuuli yii nta Xukuumada Rayaale Yaanay Noqon Ceeb Saxaafada La Marmariyo

 

Wasiirada ku jira xukuumada madaxweyne Rayaale ayaa  ca adaystay in  hada lada ay xanafta iyo xajiinta leh ee ay  fag aarayaasha ka yidhaahdaan marka ay iyaga ku soo  noqd aan hadaladaasi, waxay eedooda kula galgashaan ama  mari yaan saxaafada madax banaan,iyaga had iyo jeerna ku  and a cooda in  hadalad oodii si khaladan loo turjumay ama lagu been abuuray,si ay rayi’u caalamka u majaro habaabiyaan.

Wasiiradan oo aan hadaladoodu meel dajin hadaladood siyaayiga ah ee ay  od hanayaan,isla markaana marka qaarkood odhanayso waxa ay ka xishoodaan iyo cid ay ixtiraamayaan jarto,xataa madaxweyne Rayaale laftiisa.

Hadaladan waxay ka mid yihiin eryada ay halhayska ka dhigteen wasiirada  xu ukuumada Rayaale, marka uu la xumaado hadalka ay warbaahinta ku  faafiye en, kuwaas oo ay kaga soo noqdaan muuqaal aanay jeclaysan oo kaga  yima ada dadweynaha, hadaladaas waxa ka mid kan hoos ku xusan “Hadalkaygii si khaldan ayaa loo turjumay oo dad ujeedo gaar ka leh ayaa rogay, anigu sidaa u maan jeedin ee waa laga faa’iidaystay hadalkaygii, waxaan doonaya in aan beeniyo warkii aan hore u sheegay oo sidii aan ujeeday aan loo baahin oo dano gaar ah heli oo aan ognahay ayaa ummada u majar habaabiyaan si kale u fasiray, waa been aan sal iyo raadtoona lahayn.” erayadaas iyo qaar badan oo la mid ahiba waxay ka soo yeedhaan Wasiiro iyo masuuliiyin ka tirsan xukuumada rayaale

Arrintan ayaa ah mid caado u noqotay wasiirada xukuumada madaxweyne  Ra yaale in ay dafiraan hadalo hore uga soo yeedhay oo warbaahintu  faaf isa y,iyagoo saxaafada ku eedeeya in ay ka baahiyeen war been abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn waa sida ay ku doodaane, balse sida aynu ka  warqa bno saxaafadu wasiirada kaligood waxba uma baahiso, balse waxay saxaafadu warkoodu baahisaa dhinacyada kala bulshada oo ay ka mid yihiin xisbiyada mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada mana jirto cid kale oo aan ahayn Rayaale iyo Wasiiradiisa ku jira xukuumadiisa oo saxaafada ka sheegta eedo la xidhiidha hadalo ay sheegeen oo saxaafadu si kale u turjumtay iyo warar laga been abuuray labadaba, taasi waxay markhaati u tahay in  masuu liyiinta xukuumada Rayaale fashilka aan qarsoonayn ee ka muuqda ee ay ummada masuulka iyaga yihiin iyo hadalada deel qaadka ah ee ay la yimaadaan ay saxaafada xorta ah kula galgashaan,iyagoo kula kaca aflagaado iyo hadalo sumcadooda lagu dhaawacyo.

Anshaxa warbaahinta iyo shuuruucda saxaafada meelna kaga jirto in waxaanu odhan qofku laga sheego, laakiin hadalka wasiirka ka soo yeedha ha  khaladan aado ama ha saxnaadee saxaafada sida uu yahay ayay u baahisaa.

Inta badan marka ay wasiirada masuuliyiinta xukuumada madaxweyne Rayaale ay si beeninayaan, ayaa waxa ku keena arrintaasi cadaadis kaga yimaada  dad weynaha,kuwaas oo aan u arag in dantooda isla markaana mararka qaarkood keeni gaadha isku dhac bulshada dhexdeeda ah, waxaanay inta badan  hadal ada ka soo yeedha wasiiradan iyo masuuliiyinta kale ee xukuumada Rayaale ay dhaawac weyn u geysataa masuuliyiintaas iyo xukuumada ay ka tirsan yihiin.

Arrintan ayaa inta badan waxa ay dood xaasaasi ay ka dhex dhalisaa  dadwe ynaha,iyaga oo qaarkood ku jaahwareera hadalada si burinaya ee ka soo  yee dhaya masuuliyiinta xukuumada oo inta uu war sheego haddana dib u  beeni naya, waxaanay dadku inta badan si waydiiyaan sababta uu marka hore uga fiirsan waayay hadalka ka soo baxay afkiisa, waxaanay dadka qaar oo ah  into oda badan ay ku tilmaamaan in masuulkaas marka hore ku dayay dadweynaha dareenka ay ka bixiyaan hadalkiisa.

Haddii ay cadho ka muujiyaana inuu markiiba beeniyo hadalka uu hore u  shee gay, haddii ay sidaa ku qataana ujedadiisii marsaday.

Hadaba eedahan raqiiska ah ee ka soo yeedha masuuliiytinta xukuumada  mad axweyne Rayaale, kuwo ceeb ku ah caqliga dadka ay waxan u sheegayaan, isla markaana meel ka dhac ku ah milgaha iyo sharafta ay masuuliyadub  leeda hay,taas oo u baahan in qofka masuulka ah inuu la yimaado ilaalinta amaanada iyo dhowrsanaa xilka uu ummada u hayo, saxaafadu maaha waxa eeda iyo fashilaada maamulka dawliga ah ka timid la marmariyo ama lagula galgasho, waana caado ay leeyihiin madaxda dunida sadexdaa ama afrikaankuba intooda badan marka xilgudasho la’aan ka timid iyaga xagooda ay kula galgalashaan saxaafada xorta ah.

 

 

 

Saleebaan Ibraahin Xaashi
Email: saleban32@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland