Haddaanu Nahey Dhaliinyarada Beesha Gabooye Hana Loga Daayo Meel ka Dhaca Magac Gabooye

 


Ku :Bahweynta Beesha Habaryoonis.
Ku:Salaadiinta Iyo Hogaan Dhaqameedka Bahweynta Habaryioonis.
Ku :Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahanka Beesha Habaryoonis.
Ku:Culimaa,udiinka Iyo Wax-garadka Iyo Ururada Dhaliinyarada Beesha Habaryoonis.

Ujeedo Codsi Iyo Tabasho ..


Toranto-17-December-2009(Gabooyenews)-asc,anigoo ah [barkhad xaaji cabdi mr  gabo ye]marka ugu horeysa waxanu si xushmad iyo qadariinleh ku salaameyna dhamaan  sala adiinta iyo hogaan dhaqameeedka iyo aqoonyahanka ,siyaasiyiinta iyo culimaa,udiinta beesha habaryoonis.haddii aanu nahey ururada dhaliinyarada ee qurba joogta ee beesha gabooye ,waxaanu rabnaa inaanu halkan ku muujino oo aanu u cadeyno hadalo aanu ka tabaneyno bahweynta beesha habaryoonis oo meel ka dhacyo iyo dhaawacba nagu ah haddaanu nahey dhaliinyarada ku abtirsaenysa magacan aanu ku bahoowney haddaanu nahey beelaha gabooye kuwaasoo naga soo gaaraya marka aad ka jawaabeysaan  ariint an kuulcareynta ee aad xaqa u leehdihiin inaad ka hada shan kana jawaabtaan .balse marka aad ka jawaabeysaan anaga magacayaga gabooye ku ah dhaawac iyo bahdiliid.

waxaanu aaminsanahey iney bahweynta beesha habaryoonis ay xaq iyo xaquuq u  leehyi hiin iney ilaashadaan sharaftooda iyo karabmadooda wixii wax u dhimaayana ay ka hadli karaan kana jawabi karaan ,waxeynu wada ogsoonahey in baryahanba warbaahiinta iyo saxaafada ay ku soo badaneysey hadal haynta beel ka mida beelaha gabooye iney tiri waxaanu nahey beel horey uga luntey bahweynta habaryonis beeshaas oo la yiraahdo beesha SICIID-KUUL.kana mid ah beesha ,maxaad bare ee madhibaan.ayna u olaleeyaan dad ka soo kal jeeda labada beelood ee maxaad bare iyo beel idiinka mida shaqsiyaad u dhashey .


waanu idiinku taageersanahey ineyduun ka jawaabtaan kuna cadeysaan mooqifkiina  idiin koo dhowraya sharaftiina iyo karaamadiina ,balse waxaan idiin cadeyneyna inaaydaan waxeydan qaadankariin ay anaga naga kiin soo gaadho oo wax u dhimaaya sharaftayada iyo karamadayada hadaanu nahey bahweynta beelaha gabooye ,tusale ahaan hadii beel ka mida bahweynta habaryoonis ay beelkale wax ka tirsaneyso oo looga jawaabayo wixii laga tirsanayo oo la yiraahdo

"beesha bahweynta habaryoonis waxaanu cadeyneynaa inaaney naga mid aheyn iney noqoto beesha gabooye ..

waxaan filayaa ineydaan yeesheen oo aydaan naga ogolaateen .jawaabta sidaasa  ,,bal se haddaanu niraahdo oo aanu uga jawaabno sidan ,
beesha kuul-caro ee ka mida beel weynta habaryioonis waxaanu cadeyneyna inaaney ka mid noqoeynin beesha gabooye ,

waxaan filaya inaney labadas jawabod isku aragti iyo isku daren ineyna aheyn .waxaan halkan idiinku tuseysaa waxa nagu kalifey inaanu maqaalkan soo qorno oo ah qoraalada ka mida jawaabaha ay beesha bahweynta habaryoonis jawaabta uga dhigtaan marka ay ka jawaabayaan ariintan kuul-caareyta..ee bal nala eega ..

Beesha Habar-Yoonis Ee Gobolka Togdheer Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Inaan Gabooye Ku Biiraya Wax-ba Ka Jirin,

halku dhiga ciwaankaasi wuxuu yahey shirkii ka dhacey burco ee lagaga jawaabayey kuulcareynta ee lagu soo daabacey warbaahiinta,,

waxeynu wad ogsoonahey magacan gabooye inaanu aheyn mid u gaaro reerka idin  shee ganaya ee aad u jawaabeysaan ee ay ku bahoobeen beelo fara badan oo ay ka mid yihiin ,,BEESHA MUSE DHARIYE,BEESHA YIBRAHA AMA ANAASIINTA, BEESHA TUMAALADA .IYO BEESHA MADHIBAAN .oo ah beesha jilib ka midi uu hada sheeganayo beeshiina  kuulca ro..hadaba hadaanu nahey beelahaas anagu marnaba ma ogooliin in nasabkayaga iyo sharaftayada aanu wax u dhino oo aanu waxaan dadnimadayada iyo karaamadayada wax u dhimaaya aanu ku dhaqaaqno oo ah inaanu sheegano beel nala mida oo nala sharaf iyo karaamo ah oo waxey nagaga nasab fiicantahey aysan jiriin balse aadamuhu ay ku kala fadli iyo sharaf wanaagsan yihiin uun ay tahey ,ALAH KA CABSIGA IYO CIBAADA ALLAH UUN..



hadaba waxaanu si xushmad iyo qadariin mudan aanu ka codsaneyna beel weynta  habar yoonis ee walalahayo ee xushmada iyo qadariinta aynaga dhaxeyso hadaanu nahey beelaha gabooye iney magaca gabooye ka daayaan jawaabtooda ee ay si toosa beeshan sheeganeysa ugu jawaabaan iyagoo magacooda beesha iyo qabiilkoodaba yaqaana oo ah beesha maxaad bare ee ka mida beel ka mid ah beelaha gabooye..taasina tahey tan ku haboon jawaab kasta oo ay ugu jawaabayaan beeel weynta habaryoonis ee ay xaqa iyo xaquuqda ugu leehyiihiin iney dhoowrtaan sharaftooda iyo karaamadooda ..waxanan ka codsaneynaa iney haddii aanu nahey dhaliinyarada beesha gabooye hanaloga daayo meelka dhaca magac gabooye..


ugu dambeytii waxaan ugu baaqeyna beesha walalahayo ee maxaad bare in kastoo  aan ey isku raacsaneyn moqifka ariintan kuulcareyta ah inta u olaleyneysa fikirkan iyo  ariina tan foosha xun iney ka waantoobaan ariinatn iyo wixii sucmadooda iyo karaamadoda wax u dhimaaya ee ay ilaashadaan sharaftood iyo karaamadooda ilaahey siiyey ee ah  beesh ooda madhibaan ee heybada iyo sharafta badan,,

 



Qore-Wakiilka Qurba Joogta Beesha Gabooye Ee Yurub Iyo Waqooyiga America..Mudane Barkhad Xaaji Cabdi Mr Gaboye.
email:abokoriye1@hotmail.com,
email:mrg@gabooyenews.com.
.Ontario Canada..