HADDI ANAY XUKUMADU FARAGALINTA KA DAYNIN KOMISHANKA DORASHA DALKU XAALAD HALISA AYUU GALI DOONAA

 

Mujaahid Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa ku eedeeyay xukuumadda Riyaale faragelinta ay ku hayso komishanka doorashooyinka qaranka inay keeni karto xaalad nabadgelyo daro isagoo intaa ku daray in khilaafkii xisbiga Kulmiye shirweynihiisii ku dhex maray garabkooda ay weli sidii u kal maqan yihiin kuna baaqay in xaalada diiwaangelinta iyo doorashooyinka wada tashi qaran laga yeesho sidii doorashooyin xalaal ah oo xor ah ay dalka uga dhici lahaayeen.

Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay waxna ka weydiinay xaalada guud ee dalku wakhtigan xaadirka ah marayo iyo arrimo kale oo la xidhiidha diiwaangelinta iyo doorashooyinka madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh 29 March 2009.

Mujaahid Dhegaweyne mar aanu weydiinay siduu u arko xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo waxa uu yidhi “runtii xaalada uu dalku marayaa waa mid ciir ciira oo u baahan in wada tashi laga yeesho marxalada uu haatan marayo, kuwaasoo hadaan wada tashi laga yeelan inagu keeni kara xaalad halisa, tusaale ahaan komishanka doorashooyinka oo u muuqda xubno jilicsan oo ay xukuumaddu fara gelin ku hayso waxayna keeni kartaa hadii aanay xukuumaddu faraha kala bixin xaalad nabadgelyo daro.

S: Sideed u aragtaa hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota?

J: Runtii qaabka ay komishanka doorashooyinku u wadaan diiwaangelinta waxa ka muuqda dhaliilo farabadan marka loo eego dadka dhowrka jeer kaadhadhka qaatay oo la sheegayo in qaar kamida dadkaasi ay qaateen aqoonsiga muwaadinimada iyo kaadhka codbixinta markaa waxay ku xidhan tahay habka ay komishanku u saxaan tirada guud ee dadka Somaliland ee is diiwaangeliyay.

S: Waxaad sheegtay in dalku u baahan yahay wada tashi laga yeesho xaalada la marayo maadaama doorashooyinkii Madaxtooyada loogu tartami doono saddex xisbi diiwaangelintuna gabo gabo ay tahay maxaa keenay wada tashi hala isugu yimaado?

J: Marka la eego muddadii doorashada madaxtooyada loo cayimay inay qabsoontaa way soo dhowdahay faragelinta xukuumaddana waad aragtaa sidaa darteed hadaan laga wada tashan habkii ay doorasho xalaal ahi dalka uga dhici lahayd ma iman karto doorasho si xalaala u dhacdaa.

S: Waxa la sheegay in garabkiinii xisbiga Kulmiye ee ka biyo diiday qaabkii shirweynihii Kulmiye u dhacay aydun xisbiga UCID wada hadalo la sameyseen oo la sheegayo in dhowaan aad ku biiri doontaan?

J: Arrinkaa wada hadalku weli ma bilaabmin laakiinse arrinku maaha magac magac ku bedel balse waa in dastuurka iyo caddaalada wax ka bedel lagu sameeyo, anaguna magac magac ku bedeli mayno xisbiga Kulmiyena waxaanu ka doonaynay inuu xal keeno balse xalkii wuu diiday lagu wada joogi lahaa, sidii-baanuna u kala maqanahay xisbiga Kulmiye, dad door ahina way iskaga tageen mabda’ayaguna maaha magac magac ku bedel ee waa sidii isbedel siyaasadeed oo caddaalad ahi uga hirgeli lahaa dalka iyo xisbiyada gudahooda.


 

 


Togaherer