Gabiley:Taliyaha Madaxtooyada Somaliland oo Hadhimo Shar af u Samaeeyey Fanaaniintii Waawaynad ee ka Qayb Gashay Xuskii 18ka may ee ka Dhacay dalka



Fanaaniinta Loo fidiyay Casuumada waxayna sheegeen,inay aad ugu mahad celinayaan Taliyaha Madaxtooyada soomaliland sida balaadhan ee uu soo dhaweeyay waxayna xuseen in sidii ay u yimaadeen xuskii ..........


Gabiley (TNN):-Taliyaha madaxtooyada Soomaliland ayaa hadhimo sharaf u sameeyay qaar kamida fanaaniinta waa-wayn oo ay ka mid ahaayeen Khadra Daahir,Saynab Cige,Sahra Axmed,Nimco Yaa siin,Ruun Xadi,Nuur Daalacay,Abwaan Cali seenyo,iyo Fanaaniin kale oo kamida fanaaninta qaranka soomaliland.

Hadhimo sharefeedkaasi ayaa waxa ay ka dhacday mid kamida bustaanada waa-wayn ee Dagma da Arabsiya waxaana Casuumadaasi loo sameeyay faanaaniitaasi kala soo qaybgalay Xubno ka mida Golaha wasiirada Soomaliland,oo ay kamid ahaayeen Wasiirka

Casuumadaasi kadib waxa mahad-celin halkaasi ka soo jeediyay Fanaaniinta Loo fidiyay Casuumad a waxayna sheegeen,inay aad ugu mahad celinayaan Taliyaha Madaxtooyada soomaliland sida bal aadhan ee uu soo dhaweeyay waxayna xuseen in sidii ay u yimaadeen xuskii laba iyo labaatan Gu uradii ka soo wareegtay qaranimada soomaliland ay markasta loo fidiyo casuumad isdaba jooga balse ay manta halkani u yimaadeen soo khatimidii casuumadahaasi noosocday,

Waxa kale oo casuumadaasi kazoo gabgaley wasiiro ka cosda xukuumada Somaliland wallow ay diideen inay saxaafada la hadlaan, waxaan ka mid ahaa wasiiradaasi wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada c/laahi ismaciil geeljire, wasiirka dib u dajinta Somaliland saleebaan ciise xaglo sootiye, wasiirka xanaada xoolaha dr cabdi aw daahir, Taliyaha madaxtooyada faysal kaamil ciise.
 

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley , Somaliland