Hal qof Ayaa Dhintay 2-kale-na Way Ku Dhaawacmeen Kadib Markii Nin Hubeysan Rasaas Kaga Qaaday Dad ku Sugnaa Masaajid

 

Chief Caaqil Maxamed Nuur Xuseen ( Bitijoor)

Alle ha u naxariistee Chief Caaqil Maxamed Nuur Xuseen (Bitijoor) ayaa dhintay laba oday oo kale oo magacyadooda la kala yidhaahdo Shide Diiriye Cali iyo Khadar Nuur Biixi way ku dhaawacmeen,kadib markii nin hubeysan oo aan heybtiisa la garanayn uu rasaas ooda kaga qaaday iyaga wakhtigaa isu diyaarinayey tukashada Salaada Subax masaajid ku yaala magaalada Aw-Barkhadle ee Gobolka Hargeysa.

Dhaawaca labada oday iyo mayadka ayaa la keenay magaalada Hargeysa iyada oo lagu daawaynaayo labada oday ee dhaawaca ah Cisbitaalka Dr Cagaweyne ee magaalada Hargeysa halka Marxuumka dhintay Caaqil Maxamed Nuur lagu aasay maanta duhurkii Xabaalaha xaafadda Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa

Iyada oo jinaasanada Aaska Marxuumka ay ka soo qeybgalaeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed [C/raxmaan Cirro], Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare], Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Axmed Keyse, Xildhibaano labada Gole Barlamaan [Guurtida Iyo Wakiilada] iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuummada iyo Axsaabta Mucaaridka, Culimo Awdiin, iyo boqolaal qof.

Ilaa hada lama aqoonsan gacan ku dhiiglaha dilkan geystay cida uu ahaa iyo sababta keentay inuu dilkan geysto, ilo wareedyo ka ag-dhow qaraabada marxuumka la dilay ayaa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey inay Ciidamada Boolisku ilaa hada u qab-qabteen dilkan foosha xun ilaa iyo 6 qof.

Mana jiraan War rasmi ah oo ay ciidamaa Boolisku ka soo saareen dhacdadan,hasayeeshee mar ay shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews khadka telefoonka kula xidhiidhay Taliyaha Qeybta Booliska Bariga Hargeysa Khadar Jaamac Cilmi ayaa sheegay inay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen sida ugu dhakhsaha badan gacan ku dhiiglihii ka danbeeyey dilkan foosha xun, waxaanu Taliyuhu intaa ku daray inay ilaahaatan gacanta ku soo dhigeen hal qori oo noociisu yahay Beebeeshey oo lagu aasay meel digo ah, qorigaas oo uu taliyuhu ku tilmaamay inuu yahay kii lagu fuliyay falkaa.




 

 


Hadhwanaagnews