Halgankii Ummada & Hankii Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)

 



Halgankii Ummada
&
Hankii Cabdiqaadir Koosaar

(IHUN)
Qaybtii 2aad
Mareegaha Farshaxan
April 6,2014


Raqda aarka hore kii
dambuu reenka maqashiine
kuruskuu radhaayuu
hadana wax uga reebaaye
raxan baad ku cunaysaan
hashaan riiq walba u galaye
raambaha haddii lagu turbo
iyo raani iyo baashe
hadba yeekahaad noogu rogtaan
waysla ruga-gayne

Abwaan Cali Xasan (Banfas)-IHUN-


Gu’gii 1968kii bishiisii Oktoober 12 ayaa ku suntan xornimo-qaadashadii wadanka Equitorial Guinea. Wadankan intaanu xoriyada qaadan waxaa la odhan jiray Gini Isbeyn(Spanish Guinea). Dalalka Afr ika ayaa afaf badan oo shisheeye lagaga hadlaa.Taasoo loo tiriyo inay gumaysiyo kala duwan gac anta u galeen. Hase yeeshee wadankan ayaa ah wadanka kaliya ee qaarada Afrika lagaga hadlo Afka Isbaanishka. Wadankan ayaa sidoo kale ka mid ahaa wadamo uu faraha ka qaadey gumaysi gii Boortuqiisku muddo aan badneyn oo uu gacanta ku hayey.Taasoo keentay inuu si fudud gaca nta ugu galo gumaysigii Isbaanishka ahaa.Gumaysigaa Isbaanishka ayaa hagardaamo dhaqaale, siyaasadeed, iyo dadnimaba u geystay dalkaa.Ururkii isu-taga Afrika (AOU) ayaa aad ugu damqadey arintaa.

Damqashadaasi ayaa keentay in wadamadii qaarada Afrika ee xornimada hore u qaatey fidiyaan kaalmo. Wadamadii Afrika oo kaalmeynta iyo u gargaarka wadankaasi u heelan ayaa wadankii Ja mhuuriyada Soomaaliya uu ka dhacey afganbi Milatari bishii Oktoober 21dii, 1969kii. Hogaanka Af ganbigaa ayaa waxaa loo tiriyaa inuu hayey Ina Siyaad Barre(Afweyne). Waxaa xilligaa cusbaa wadamo dhawr ah oo awoodda dalkooga ku qabsadey inqilaab Milatari. Waxaa wadamadaa ka mid ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo waliba horumar ka muujisay korodhka tirada iyo tayada ciida mada xilligaa. Taasoo la odhan karo isbadal siyaasadeed ayaa ka dhacey wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya.


Inqilaabkaa Milatari oo aan la mahadin ayaa ka hanaqaadey dalkii Jamhuuriyadii Soomaaliya.Dad badani aad ayey u soo dhaweeyeen, sidoo kale ayey dad kalena muujiyeen diidmo qayaxan.Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ku hadlayey afka bulshada reer Soomaaliland ayaa ku cadeeyey hagardaamada reer Soomaaliland ku habsatey xilligaa Inqilaabku dhacey maanso, waxaanu yidhi:
Sasabada naftaydaay Janadaad ku sooryeeyn
waa sagaal gu’ iyo subax intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow Sahdanbena maxay noqo

Talo waxay la noqotay Ins Siyaad Barre(Afweyne) inuu kaalmadaa ka qayb qaato. Si uu u muujiyo awooda milatari ee wadankii JS ayuu codsi gudbiyey ah “inuu tababar milatari u fidin doono ciidamada wadankaa Equitorial Guinea”. Waxaa arintaa aad u soo dhaweeyey xubnihii ururkii AOU-da .Sidoo kale waxaa xilligaa codsigaa mid la mid ah hore u gudbiyey dawladii Itoobiya ee uu hogaanka u hayey Xayle Selaase. Awood muujinta ciidamada ee labada dal ayaa sidoo kale la soo bandhigayey marka dhinac kale laga eego, gargaarka ka sokow..

Tallo markaa waxay ku cadaatey Ina Siyaad Barre(Afweyne).Dib u xasuusay maalmihii uu noqday taliyaha ciidamadii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed .Gu’gan 1967kii waxaa dalka Masar si degdeg ah ugu soo dhameeyey tababaro sarkaalnimo koox uu ka mid ahaa mudane Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)oo dalka ku soo noqday. Aad ayaa looga waramey dadaalka iyo kartida uu muujiyey mudane Cabdiqaadir Koosaar intii uu joogay dalka Masar.Waxaa kaloo aad loo tilmaamey in ardeyda uu imtixaanka sarkaalnimada la fadhiistay ka wada yaraa gu’gii 1964kii. Sidoo kale ayaa aad loo tilmaamey inay ardeydaasi dugsiga sare wada dhameeyeen, halka uu mudane Cabdiqaadir Koosaar ku jiray fasalka labaad ee dugsiga sare xilligaa.

Siyaad Barre(Afweyne) oo aad xog-ogaal ugu ahaa warbixinahaa ayaa codsadey in ciidamada la dhex xullo, lagana soo saaro sarkaalkii hogaamin lahaa ciidanka loo dirayo wadankaa Equitorial Guinea,sidoo kalena tababarka fidin lahaa. Markiiba maamulkii Jamhuuriyadii Soomaaliya ayaa wada tashi sameeyey, indha-indhayna ku sameeyey saraakiishii ugu firfircoonayd. Waxaa la soo xulay afar sarkaal. Waxaa dhinaca darajada iyo waayo-aragnimadaba ugu hooseeyey mudane Cabdiqaadir Koosaar. Si kasta loo shaandhee, la kala xigsiisay saraakiishii, magac qaar lala doonay, waxayse arini ka fursan wayday in lays waydiiyo “Sarkaalkeebaa leh kartida iyo aqoonta wadankaa Equitorial Guinea loogu gudbin karo tababarka ugu wanaagsan, wadankii Jamhuuriyada Soomaaliyana magac iyo maamuus u soo jiidi kara?”

Af-kala qaad iyo amakaag ayaa ka soo hadhey kooxdii goobtaa fadhiday ee xulashada samaynaysay.Talana waxay ku soo gunaanad noqotay waydiintaa warcelinteedu waa Mudane Cabdiqaadir Koosaar. Waxaana la isla gartey in sarkaal Cabdiqaadir Koosaar uu xilkaa ka soo bixi karo.Geeljiruhu isagoo og halkuu gudinta ka goynayo ayuu wax wareystaa ayuu kaga dhigay Afweyne. Raaligalin kooxdan ku xeersan ayey u eekayd marka horeba.Afartu way kala mudnaayeen aqoon iyo kartiba, xigto iyo xigaal ayuunbaa lagu soo xulay inta kale.

Waxaa warqadii hawlgalinta iyo codsiga gudashada xilkaa loo gudbiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosaar. Sidaa darteed ayaa Sarakaal Cabdiqaadir Koosaar u hawlgalay inuu doorto xubnaha kala hawlgali kara hawshaa oo ka tirsanaa wasaarada gaashaandhiga iyo Wasaarada Caafimaadka. Dhinaca caafimaadka wuxuu sarkaal Cabdiqaadir soo xushay Dr.Cabdilaahi Diiriye iyo kalkaaliye caafimaad Saynab. Dhinaca wasaarada xoogga dalkana waxaa uu ka soo xushay ilaa dhawr isbatoore oo tababarkaa la fulinaya,uuna aad ugu kalsoonaa inay kaalintooda buuxin doonaan.
Sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar wuxuu dib ugu noqday xaruntii tababarka ee Xalane, kana soo xushay askar ay darajadoodu u badneyd saajin.Aqoon ayuu u lahaa inta badan,kuna bartey xaruntaa.Waxaa Sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar uu aad xil iskaga saarey astaamaha uu ku saleeyey xulashadaa.Maankiisa waxaa dhex maaxayey dal shisheeyaa la tagayaa,tababar la idinka codsadey ayaad gudbinaysaan,sidaa darteed xulashada iyo hawlgalkuba waa inay ku salaysnaadaan heerka ugu mudan ee loo fulin karo,guulna looga soo hoyn karo.Dalka codsadey oo tababarkaa u riyaaqa, dalkiisa oo magaca hanta ayaa u aheyd guul uu ku diirsan karo Sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar .
Dadka ku soo baxey xulistaa Sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar inay raacaan dhinaca wasaaradii caafimaadka waxaa ka mid ahaa sidaan kor ku soo xusnay kalkaaliye caafimaad Saynab. Waxay aheyd gabadh da’yar oo waxbarashadeeda kalkaalinimo ku soo qaadatey magaalada Cadan,waxaaney halkaa ku soo qaadatey aqoonta kalkaalinimo (Registered Nurse). Boholyow iyo dal jaceyl ayey u timid dalkeeda, waxaaney ku hanweynayd inay aqoonteeda uga fa’iidaynaysay dadkeeda.Waxaa Saynab u ahaa hogaan inay mar walba hawsheeda heerka ugu sareysa u gudbiso.Waxay reerkeedu ka mid ahaayeen dadkii u baqoolay magaalada Cadan xilligii wadanka Soomaaliland ku hoos jiray gacanta gumaysigii Ingiriiska.Waxaa ku ladhnaa oo horseed u ahaa Dr.Cabdilaahi Diiriye oo isaguna ka soo jeeday wadanka Soomaaliland.
Koox isku dheelitiran markuu sarkaal sare Cabdiqaadir isku keenay ayuu u anbabaxey dalkaa.Waxaa diyaar u ahaa soo dhaweyntiisa madax iyo dadweyne u heelanaa kuna faraxsanaa la kulanka sarkaalka dal dhan laga soo xushay inuu gudbiyo tababar milatari.
Dalkaa Equatorial Guinea waxaa noqday madaxweynihii xilligaa ay xornimada qaaateen madaxweyne Francisco Macías Nguema. Kamuu duwaneyn kuwii uu ku tilmaamey abwaan Qaasin(IHUN) maansadiisii aheyd:

Danbi ku hadli maayo'e
ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo
daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad
dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade
qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho
iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhiiyo
dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan
dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay
miyaan dawgii ka habaabay


Tababarkii ayuu si la yaab leh u fidiyey Cabdiqaadir Koosaar.Markii uu dhamaadey tababrkaasi ayey dawladii Equitorial Guinea codsatey in uu Cabdiqaadir Koosaar muudo la sii joogo,Intii uu joogay wadankaa oo dhameyd hal gu’ iyo badh ku dhawaad wuxuu bartey afka Isbaanishka.Waxay ka ocdsadeen inuu hogaamiyo wafdiga wadankaa ee ka qayb galaya shirkii Isu-tagga Afrika(AOU) . Si kal iyo laab leh ayuu uga aqbaley arintaa,waxaanu hogaanka u qabtey wafdigaasi.Taasina waxay magac iyo maamuu u soo jiiday wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale ayaa Afweyne aad ugu farxay kaalintaa uu buuxiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosaar.

Horaantii toddobaatanaadkii waxaa bilaabmey in dawladii JS ay safaarado ka furato dalalkii Afrika.Dalka Nayjeeriya ayaa ka mid ahaa kuwaasi. Mar kale ayaa Ina SIyaad Barre muujiyey dareenkiisa gaar ahaaneed iyo kalsoonida uu ku qabey aqoonta milatari ee Sarkaal Cabdiqaadir Koosaaar. Waxaa Afeyne Barre u magacaabey Cabdiqaadir Koosaar inuu noqdo hogaanka dhinaca milatariga ee safaaradaa(Milatary Attache).

Sidoo kale ayaa dawladii JS halgan dheer u gashey inay martigaliso shirkii ururkii AOU-da gu’gii 1974. Mar kale ayaa Dawladii JS soo xushay mudane Cabdiqaadir Koosaar inuu noqdo aftabiyaha qaranka ee raacaya wafdigii uu hogaanka u hayey Cumar Carte Qaalib.Waxaa aad loogu baahnaa inuu aftabiye ka noqdo siiba wadamada ku hadla afafka Isbaanishka iyo Boortuqiiska.Kaalin muuqata ayuu ka muujiyey socdaaladaasna.
Mar kale ayuu mudane Cadbiqaadir Koosaar noqday aftebiyaha gaarka ah ee Ina SIyaad Barre.Shirkii AOU-da yaa lagu qabtey magaalada Muuqdisho.Markan ayaa loo xilsaarey inuu mudane Cabdiqaadir Koosaar inuu noqdo aftebiyaha gaarka ah ee madaxweynihii xilligaas.


Sida ka muuqata tusaalayaasha aan kor ku soo xusnay aqoonta iyo dadaalka Cabdiqaadir Koosaar may aheyn mid qarsoon.Sidoo kale ayeynu qaybtii koowaad ku soo xusnay colaad loo qaadey mudane Cabdiqaadir Koosaar oo xataa Ina Siyaad Barre u socdaaley soo xidhidiisa,dilna keensan kareysay. Labadaa muuqaal ee aan is laheyn ayaa had iyo jeer lagu arkaa dawlad dadka ku xeeran aan aqoon iyo waayo-aragnimo lagu soo xulan.

La soco qaybaha soo socda..


Tixraac:
-Wareysi Sahra Maxmed Cajab (Xaaskii Cabdiqaadir Koosaar)
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi Cabdiraxmaan Koosaar
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi Ibraahin Maxamed Cigaal(Xuble)
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
-Kornayl Maxamed Cilmi Galaan
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
- Wareysi Saleebaan Shiine
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan

Qalinkii and tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org