Halgankii Ummada & Hankii Cabdi-Qaadir Koosaar (IHUN)
Khudbadaas waxaa loogu wanqalay oo ay taariikhda bulshada aduunka ku
gashey, qaarada Afrikiin a ku suntatey khudbadii (Qaybtii 1aad)...
Gurboodow yaryare Wey gabaabsidaye
Goormaa kacdeen Goormuu Nin ragi
Nacas garabsan jiray Goormuu hacoo
Geela raaci jiray Goormuu kasgaab
Garta qaadi jiray Goormuu bakhayl
Gool loogi jiray Goormuu fuluhu
Geli jiray rogaal Goormaa baroor
Baqal gaadhi jiray Goormay gabniyo
Madi geel sinmeen Goormaa halyeey
Gocor maagi jiray Goormuu atoor
Aar guhaadin jiray Goormay dhalool
Galool mudhay ahayd Goblantooy adduun
Waa galinba cayn Gedaan loo filayn
Ayey gudo wadhaa
Maansadii Agabare, Abwaan Axmed Aw Geedi
“Muxuu yeeli lahaa hadduu Hogaamiye Amikaar Kabral(Amílcar Cabral)
noolaan lahaa oo uu goobjoog u noqon lahaa geeridii shirqoolaysnayd
ee ku timid Sarkaal Sare Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)?” Waydiintaa
ayaan iswaydiiyey,waxaa markiiba maankaygu iigu warceliyey: “Si kale
Amikaar Kabral muu yeeleenee, khudbadii uu ka dul akhriyey aaskii
qaaradeed ee loo sameeyey halgame Nakruuma ayuu ku soo celin lahaa”...
Khudbadaasi Amikaar Kabral uu maalintaa May 12, 1972 akhriyey ayaa
waxaa lagu tilmaamaa khudbada ugu dhumucda weyn ee halgame qaarada
Afrika ahi uu jeediyo. Waxay aheyd khudbadaasi dhiirigalin iyo
toosin.Inkastoo dad badan oo taariikhda qoraa ay yidhaahdaan nuxurka
khudbadaa waxaa lagu soo ururiyaa sidii wax looga qaban lahaa
cudurka “is-boqno goynta” ee Qaarada Afrika la hadhey,horumarna u
diiday. Qaarada Afrika guud ahaan, gaar ahaana dalka Soomaliland
waxaa in badan hormoodkooga mashquuliyey oo waxqabad u diiday hebel
boqno goo, kaadhka ka gub, sun cagaaran qabadsii, taladiisa khilaaf,
yaanu muuqan,wanaagba ha u qirin, dhimashadiisa wax ku yeelo,
geeridiisa soo dhawee oo caleemo-saar,aaskiisa khudbad mashxaradeed
ka dul akhri,awooda dawladeed wax ku muquuni,dadka ku doortay
dibindaabyadooda ka shaqee,iwm.
Khudbadaas waxaa loogu wanqalay oo ay taariikhda bulshada aduunka ku
gashey, qaarada Afrikiina ku suntatey khudbadii kansarka is-boqno
goynta(Cancer of betrayal- Discours sur Le Cancer de la
Trahison).Horumar la’aanta iyo is gargaar li’ida ka jirta qaarada la
quudhsado ayaa loo tiriyaa inay khudbadaasi muuqaal guud kaa
siinayso. Amiikar Kabral wuxuu u dhashay wadanka Gini_Bisaaw,waxaanu
ahaa halgamaa lagu boqno-gooyey isla dalka uu khudbadaa ka jeediyey
hal gu’ dabadeed.
Dadka reer Soomaaliland haddii ay khudbadan eray-bixin u samayn
lahaayeen waxay ku ladhi lahaayeen magacyo siyaasiyiin u badan,
dalkana ka caan ah.Waa siyaasiyiin mabda’oogu ku salaysan yahay
“Waxay shalay diideen bay maanta doonaan, waxay shalay dooneen bay
maanta diidaan”. Mabda’aa cidii ka hortimaada kalgacal iyo gurmad
uma fidiyaan. Waa is-tiqiin is-ilawday.
Wadanka Soomaaliland ayaa dib ula soo noqday xornimadoodii ay u
gawraceen midawga shanta Soomaaliyeed gu’gii bishii May
18,1991.Dadaal dheer iyo halgan dheer oo loo huray ayaa xoriyadaa
dib u soo celiyey.Dad tiro leh ayaaney u suurtogalin inay midhaha
halgankoogii arkaan ama ku doogsadaan.Wadanka Gini_Bisaaw ayaa sidoo
kale xornimadiisii qaatey bishii Sebtember,1973.Inkastoo
aduunweynuhu aqoonsadey 10 Sebtember 1974.
Wadanka Gini-Bisaaw horaantii 1970-yadii waxaa ku wada sugnaa mid ka
mid ah hogaankii xisbiga PAIGC oo u halgamayey xornimada wadamada
Gini-Bisaaw iyo Gasiirada Kayb Feer( Cape de Verd) ahaana sarkaal
sare Amikaar Kabral(Amílcar Cabral) iyo sarkaal sare Cabdiqaadir
Koosaar oo xul ahaan loo doortay inuu ciidamada wadanka Gini-Bisaaw
siiyo tababar milatari iyo maamulba. Sidoo kale ayuu Cabdiqaadir
Koosaar ahaa hogaankii ciidamadii SNM ee u halgamey dib ula soo
noqoshadii xoriyada wadanka Soomaaliland. Labadaa hogaamiye midna
umay suurtogalin inuu goobjoog noqdo maalintii loo dabaal-degayey
guushii halgankaga ay kaalinta laxaad leh ka qaateen. Sidoo kale
ayaa labadoodaba waxaa geeridooda ku hogaamiyey dil lala beegsadey.
Horaantii 1971 ayaa hogaamiye Amikaar Kabral bilaabey inuu diyaariyo
hawlihii lagu soo dhaweyn lahaa xornimada dhalaneysa gu’ga 1973.
Gu’gani ayaa hawlahaa qaranka ee u diyaargarawga xoriyada waxaa ka
mid ahaa in la dhiso ciidan qaran. Waxaabu jaleecay wadamada Afrika
wadanka kaalmo laxaad leh arintan ka geysan kara. Waxaa xilliga
cusbaa wadamo dhawr ah oo awoodda dalkooga ku qabsadey inqilaab
Milatari. Waxaa wadamadaa ka mid ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo
waliba horumar ka muujisay korodhka tirada iyo tayada ciidamada
xilligaa.
Isbadal siyaasadeed ayaa ka dhacey wadankii Jamhuuriyada
Soomaaliya.Inqilaab Milatari oo aan la mahadin ayaa ka
hanaqaadey.Dad badani aad ayey u soo dhaweeyeen, sidoo kale ayey dad
kalena muujiyeen diidmo qayaxan.Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ku
hadlayey afka bulshada reer Soomaaliland ayaa ku cadeeyey
hagardaamada reer Soomaaliland ku habsatey maanso, una rajeeyey inay
mar uun la soo noqon doonaan.Soo noqoshadaa Cabdi Qays saadaalieyey
waxay dhabowday bishii May 18,1991.Waxaanu abwaanku yidhi:
Sasabada naftaydaay Janadaad ku sooryeeyn
Waa sagaal gu’ iyo subax intii aan ku sugayee
Haddana isa seegnee Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbe maxay noqon
Safar iyo naftayduna Sahan bay ku laalan tee
Salka kama fadhiistee socodkaagi baa i dilay
iyo soo noqoshadaadiiye Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbe maxay noqon
Si ay sababtu aheydba wadankaasi Gini-Bisaaw wuxuu codsigooda u soo
gudbiyey wadankii Jamhuu riyada Soomaaliya. Si kastaba ha u dhacdee,
Jamhuuriyadii Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay in dhaha wadankaa
cusub soo jiidato Maamulkii Jamhuuriyada Soomaaliyana waxay xilkaa u
cumaama deen sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar. Markii maamulkii
jamhuuriyadii Soomaaliya wada tashi sam eeyey, indha-indhayna ku
sameeyey saraakiishii ugu firfircoonayd xilligaa ayaa la isla gartey
in sarkaal Cabdiqaadir Koosaar uu xilkaa ka soo bixi karo, wadankii
Jamhuuriyadii Soomaliyana magac iyo maamuusba uu sarkaal sare
Cabdiqaadir Koosaar u soo jiidi karo.
Waxaa warqadii hawlgalinta iyo codsiga gudashada xilkaa loo gudbiyey
sarkaal Cabdiqaadir Koosa ar. Sidaa darteed ayaa Sarakaal Cabdiqaadir
Koosaar u hawlgalay inuu doorto xubnaha kala hawl gali kara hawshaa
oo ka tirsanaa wasaarada gaashaandhiga iyo Wasaarada Caafimaadka.
Dhinaca caafimaadka wuxuu sarkaal Cabdiqaadir soo xushay
Dr.Cabdilaahi Diiriye iyo kalkaaliye caafimaad Saynab. Dhinaca
wasaarada xoogga dalkana waxaa uu ka soo xushay ilaa dhawr isbatoore
oo tab abarkaa la fulinaya,uuna aad ugu kalsoonaa inay kaalintooda
buuxin doonaan.
La soco qaybaha danbe.
Ururintii iyo tifatirkii:
Fu,aad Sheekh
Fariin mareegeed: Somaliland@farshaxan.com
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo
www.farshaxan.org
|