Halkay marayaan xaalka ciyaaraha gobolada ee dhowaan lafilaayo in la qabto



 



Burco (TNN)-Maalmihi u danbeeyay ee qaban qaabada ciyaaraha Gobolada dalkani Somaliland ayaa , magaalada Burco ee xarunta Gobolkani Tog-dheer, si wayn looga dareemaayaa qaban qaabo balaadhan oo loogu jiray sidii looga qayb qaadan lahaa qabsoomida koobka Gobolada dal kani Somaliland.


Magaaladani Burco , ayaa waxaad ku arakaysaa isbedel balaadhan oo ka muuqday maalmahani danbe,dhanka socodka hawlaha ciyaaraha iyo hadal hayntiisa oo aad uga soo ifbaxay goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo madalaha cayaaraha fudud ee ka baxsan alamsay stadium ee ma gaaladani burco


Dhanka garoonka kubada cagta ee Alamsay ee ay ka qabsoomi doonaan ciyaarahani ayaa wa xaa si wayn looga dhex arkayaa bilic aad u heer saraysa oo aanu qiyaasi karayn qof arka mooy ee qofka.


Afaafka hore ee garoonkani ayaa sidaad sawirada ku aragtaan waxaa ka muuqda bilic aanaad qiyaasi Karin ,xayaysiisyada shirkadaha Gobolka ka hawlgala ayaa waxaa ay si heer sare ah ug u xardheen magic yadooda.



Calnka Qarankani Somaliland, ay ku caanka tahay ayaa ah ka qudha ee meesha ka dhex muuq da,albaabada iyo inta badan rinjiyada lagu xardhay garoonka bayaa u badan astaanta qaranka iyo astaamaha kala duwan ee shirkadaha wadanka kuwooda ugu caalamisan



Dhanka bulshada magaaladani Burco ayaa waxaa ka muuqdata xamaasad iyo farxad aan lasoo koobi Karin kuwaasi oo mid mid ugu faraxan ciyaaaraani manta ka qabsomaaya gobolkoodi iyo goo sheegay in ay wajiyo farxad iyo kalgacal ku dheehan yahay ay kusoo dhowaynayaan ciyaa rtooyada u dheeli doona gobolada dalkani Somaliland



Mar aanu la kulanay qaar kamida dhalinyaada Gobolkani Tog-dheerb gaar ahaan kuwa xiiseeya cayaaraha,  ayaa iyagoo aad u faraxsan u sheegay shabakada Timacade News, in ay si hagar la aana u so dhowaynayaan walaalohooda ka soo boqoolaya goboladoodii si ay uga qayb qaataan ciyaarahani ka dhici doona alamsay ee magaaladani burco


Wasaarada ciyaaraa ee Gobolkani Tog-dheer, ayaa iyana si wayn uga qayb qaatay diyaarinta ciyaarahani isla markaasina guntiga dhiisha iskaga dhigay si aan ciyaarahani u yeelan wax dhal iil ah.

Cabdikariin muraad , isuduwaha Wasaaradani Ciyaaraha ee Gobolkani Togdheer , ayaa sheegay mar u ka hadlaayay waxyaabaha ay ka qabteen garoonka iyaga oo kaashanaaya gudida qaban qaabada ciyaaraha ee gobolkani ayaa sheegay ion ay wasaaradu ku talaabsatay waxyaabo la taaban karo kuwaasi oo guul balaadhan gaadhsiindoona sumcada dalkani Somaliland.


Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee dalkani Somaliland waxaa ciyaarahani lagu marti gelin doona masuuliyiinta ciyaaraha ee dalka jabuuti ee ay nu jaarka nahay. waxaa maanta ilaa xalayy soo gaadhaayay magaaladani Burco,  ciyaartooyadii gobolada somaliland il aa hadana waxaa magaaldani ku sugan gobolada sool iyo sanaag

labadani gobol ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaaladani Burco iyadoo lagaga hor tagay duleedka magaaldani Burco.Hadaba mar aanu ku booqanay goobaha laga dejniyay magaalaani , ayaa ay noosheegeen in ay nabad qab ku soo gaadheen magaalada iiyo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ku rajo wayn yihiin qaadida koobkani,maalinta beri iiyo wixii ka danbeeyan a waxaa soo baxaayay gobolada galbeedka oo iyana


Wixii la sugaabaa waa qabsoomida xaflada furitaanka ciyaaraha,  oo ka filaayo in ay ka qabsoo nto gudaha garoonka kubada cagta ee Alamsay maalinta ay bisha desembar ay ibo furanto.w axaa na maalintaas goobtani kulmin doontaa kumanaan dadweayne ciyaaraha xiiseeya,hore ug asoo ciyaari jiray gobolka iyo madaxda dalaka iyo dalalka anu jaarkanahay



Wixii warara ee ku soo kordha ciyaarahanina, waxaa si toosa aanu idinkala socodsiin doonaa sh abakada Timacade News , xafiiska ay ku leedahay magaalda Burco , ee xarunta Gobolka Togdhe er iyo Weriye Hahad



 

 



Axmed Maxamed Ismaaciil {Hanad}
Hanad080@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco , Somaliland