HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA UCID EE SANNADKA CUSUB



Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo ku hadlaya magaciisa ka hogaanka xisbiga Ucid, golaha dhexe ee xisbiga Ucid iyo guud ahaan taageer ayaasha xisbiga Ucid waxa uu hanbalyo u dirayaa guud ahaan bulshada caalamka gaar ah aana shacabka somaliland curashada sanadka cusub ee 2016-ka, kaas oo curashadiisu ku beegan tahay caawa.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland inay sanadkan, kiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba ictiraaf buuxa oo somaliland caalamka ka hesho,waxaanu dhambaal duco ah u diray bulshada som aliland inta xanuusanaysa inuu caafimaad deg deg ah siiyo, inta dhimatayna ilaahay jano oyinkiisa geeyo.

Waxaanu gudoomiye Faysal Cali Waraabe Leeyahay Hambalyo Hambalyo, ilaahay sanadkan sanadkiisa haynu gaadhsiiyo nabad galyo buuxda iyo caafimaad qab.

Aamiin Aamin Aamin

 


Xafiiska Warfaafinta xisbiga Mucaaridka Ah Ee ucid