HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA WADDANI EE SANNADKA CUSUB

 


 


Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magacisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Som aliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Di rayaa Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaa nba shucuubta aduun weynaha, Curashada sanadka cusub ee Miilaadiga Awgeed 2016, kaas oo uu curashadiisu ku beeganyahay habeenka Jimcaad Ee Caawa Ah.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland inay sanadkan, sanadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba ictiraaf buuxa, Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo Ictiraaf buuxa oo aynu helno & caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban, ha ha inagu gaadhsiiyo

Aamiin Aamin Aamin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,



Waaxda War-faafinta Ee Xisbiga WADDANI