Angioo ku hadlaya magacayga , Maxamed Cali Muse , ka marwadayda iyo ka caruurtaydaba,waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane , Engineer Maxamed Yuusuf Cisman.

Haddii ilaahay qadaro, waxaan Jecelahay Inaan wax yar  ka Idhaahdo qofka uu yahay Maxamed Yuusuf Cisman.Aniga iyo maxamed Yuusuf waxaanu ku soo wada kornay xaafadda Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waxaanan ka wada baxnay dugsigii farsamada gacanta ee la oran Jiray Hargeisa Technical Institute.

Maxamed waa nin aad u  qiimo badan oo runtii aan wax badan ka sheegi karo. Maxamed Yusuf waa nin aad u akhlaaqad wanaagsan , dad la dhaqan leh , aad u deggan , aamin ah ,  hawl kar ah , aadna u naxriis badan.

Intaa waxaa u dheer , Maxamed wuxuu ahaa arday waxbarashada aad ugu fiican,wuxuuna ahaa xidigihii ugu cad cadda fasal kooda ee Iskuulka magac u soo Jiiday.

Ka dib markii dugsigii sare dhammaaday , Maxamed waxaanu ku kulanay oon waxbarashadii Jaamcadda ku wada qaadanay jaamacadii Muqdisho ku taalay ee la odhan Jiray Jaamacadda Ummadda Somaliyeed (Somali National University) , halkaas oo aan ku wada qaadanay waxbarashada cilmiga dhismaha (Civil Engineering).

Sida ku cad khibradiisa shaqo iyo waxbarashaba, Maxamed muddo badan ayuu dibadda ka soo shaqeeyay, maantana wuxuu dalkiisii hooyo ugu noqday Inuu cilmigiisa , khibraddiisa iyo waqtigiisaba u huro dalkiisii hooyo.

Aad baanan ugu farxasanahay uguna  kalsoon nahay Inuu Maxamed muddo kooban kaga midho dhalin doono masuuliyaddaa loo Igmaday.Waxaanan Ilaahay uga baryayaa In  Ilaahay   u  fududeeyo masuuliyadaas.

Shaqaalaha wasaaraddana  waxaan leeyahay, walaalayaal si hagar la aana ula shaqeeya walaalkiin, dadka iyo dalkana si waddanimo leh ugu gar gaara , Ilaahayna hawshaa aad umadda u haysaan ha idinka jassaai siiyo dhammaan tiinba, waanad salaaman tihiin.







Wa Bilaahi Al-Tawfiiq



Maxamed Cali Muse

Civil Engineer
Senior Computer Networking Specialist
E
ditor in Chief
Webmaster@longlivesomaliland.com
www.longlivesomaliland.com