Hambalyo Iyo Bogaadin ay Dirayaan Ururka
Samafalka Saaxil Women UK

 

“MAHAD OO DHAN ALLE (SWT) AYAA ISKA LEH ”



Xubnaha Guddiga Ururka Samafalka ee Saaxil Women Uk, waxay si wada-jira mahadnaq ugu dirayaan aan la koobi Karin dhamaan cid kastoo nagala qayb-qaadatay hawshii samafalka kheyriga ahayd ee gargaarka loogu uruurinaayey cisbitaalada Berbera, Isla-markaana waxaan si gaara ugu mahad-celinaynaa Marwo, Jawaahir Adan Omar oo taakullo waxtar lahayd ururkan hore ugu keentay lana gaadhsiisay Cisbitaalka Nasashadda   (Ex-Dhimirka) Berbera, taasoo lagu fuliyey hawlihii adeegyadiisa gaar ahaneed.



Sidoo kale waxaa iyana mahad-gaara aanu gaadhsiinaynaa Marwo, Sahra Bare oo madashii shirka lagu   qabt ay iyadu ahayd qofkii suurta-geliyey ,isla-markaana si qiimo-Badan u hawlgashay ilaa dhamaystirkii  munaasib addaa samafalka ahayd.



Waxaan mar kale aad ugu mahadnaqaynaa oo leenahay dhamaantiin “Jazakum Allaah khayran” intii soo qaban-qaabisay , intii samafalka ku deeqday, intii ka soo qaybgashay iyo intii nagu garabtaag-nayd,dadkaas oo dhamaantood si lixaad leh ugu qayb-qaatay hawshaasi baaxada lahayd, “Ilaahayna haydinka jizaa,I Siiyo”.

 


 


-Allaa Mahad Leh-



Dhamaan Xubnaha Guddiga

Ururka Samafalka Saaxil Women UK