Hambalyo iyo bogaadin

 


Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha , Mudane Cali Warancade


Jaaliyada Somaliland – UK (SSUK) waxay aad iyo aad ugu faraxsantahay, hambalyo iyo bog adina ugudiraysa Wasiirka Arrimaha Gudaha talaabadii geesinimada lahayd iyo go’aankii uu ku mamnuucay ka hadalka qabliika iyo qabyaalada warbaahinta lala Soo fadhiisanjiray ee sida qaawan ee xishood darada iyo madax taagu ka muuqato la isugu faanijiray, ummadda Somalilandna loogu kala fogaynayay, ee diinteena, sharcigeena iyo kala dambeynteenana bal marsanayd.


Waxa cad oo aan cidna ka qarsoonayn in aduunyadii oo dhami ka gudubtay ku dhaqanka qabiilka iyoQabyaalada inana aynu gaadhnay marxalad aynaan indhaha ka qarsan karin haddii aynu doonaynu Inaynu la sinaano ummadaha aduunyada ee horumarka gaadhay.
Waxaanu ka codsanaynaa shacbi weynaha Somaliland, Xukuumada, golayaasha sharci dejinta iyo dhammaan Axsaabta qaranka Inay taageeraan arrinkan oo olole iyo dhaqdha qaaq muujinaya foolxumada ku dhaqanka qabiilka iyo Qaabyaaladu leeyihiin la sameeyo oo la bilaabo xoojinta jacaylka dalka iyo isu soo dhaweynta qaybaha bulshada Somaliland.
Waxaanu leenahay qabyaaldu ha dhacdu.
 

 


Abdalla Salim
Gud/ Jaaliyada Somaliland UK