Hambalyo iyo bogaadin ku socota dhammaan Bah waynta Somaliland

 

 


Aniga oo ku hadlaya magac Guddida Fulinta, Guddiyada Gobalada iyo taageerayaasha U.K ee Ururka Umadda , waxaan tahinyad iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulsha waynta re er Somaliland Debed iyo Gudaba meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Ciidda Qaranka Somaliland ee 18ka May oo maanta 21 tan jirsatay.

Waxaan mudnaansha kobaad siinaya ee hambalyada iyo bogaadinta CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND ee jiidaha horaye fadhiya oo aan leeyahay  NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN oo maanta iyaku heegankii ugu sareeyay ku jira si aanu cadawgu uga faaiidaysan maalint an qiimaha iyo qaayaha leh ee inteeni kale ku mashqulsanahay.

Anaka oo ah URURKA UMADDA waxaanu leenahay HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO wa xaanu ilaahay ka baryanaa inuu maantan maalinteeda inu gaadhsiiyo guulshii aynu rabnay inaka oo gaadhnay, waxaannu markasta ku adkaynanaa in la ilaasho nabadgelyada iyo mid nimadda oo ah furaha horumarkeena iyo qaranimadeena.
 

 


ALLA MAHAD LEH
 

 


Faisal Farafidiye
Xidhiidhiyaha Debada ee
Ururka Umadda
E.mail: said.faisal1@googlemail.com