Hambalyo Ku Socota Hogaanka Cusub ee Naadiga Akh riska
Timacadde iyo Heerarkii kala Duwanaa uu Soo maray.
Qalinkii: Mustafe Future
Waxaan Dareenka Farxadeed la Wadaagayaa Bahda Naadiga
Akhriska Timacadde ee Xilka la W areegtay, inta laga
Wareejiyay iyo inta kale ee Xubanaha ka ah, Waa
Dhalinyaro Hal Abuur le h oo Hiigsi iyo Hami ku soo
gaadhay halkaasi, Qaarkood waa Midhihii Naadiga oo
Maanta Noqd ay Hogaankiisii.
Wax kasta oo aad u samirtaa Maalin buu midho Dhalaa, Waa
Madal mudan in la Xuso oo lagu Cabiro Odhaahyo kala
duwan, lana dhiiri galiyo Jiilka Cusub ee Wakhtiga
uhelay inay Sii Ambo qaadaan Qabyo-tirka Habsami
usocodka Hawalaha Naadiga.
Timacadde Readers Club wuxuu soo maray marxalado kala
duwan oo maalinba heer taagan, K oox waliba Meel bay soo
gaadhsiisay balse waxaa wax lagu Faano ah in jiil waliba
helo jiilkii bad ali lahaa oo kula Wareega Firfircooni
iyo Hufnaan.
Hogaanka Cusub ee Naadigu Yeeshay waxay ka Nasiib
badanyihiin Asaasayaashii iyo Hogaank ii horeba waayo
waxay la Wareegeen Waxqabad iyo Nidaam ay Raaci karaan
isla markaana ay ku wax ku kordhin karaan, kana Tixraaci
karaan Ujeedooyinka laga leeyahay Naadi Wax Akhris.
Aniga Farxad Gaar ah ayay ii Tahay in Ujeedadii iyo
Fikradii aanu kalahayn Naadigu Gaadho me el Fiican isla
markaana jiilba jiil ku Wareejiyo si,aanay u tirtirmin,
Waan Jeclaa inaan idinla Wad aago Balse Wakhtiga oo ina
kala fogeeyay Awgii Ruuxdaydu way idinla joogtaa balse
qalfoof kayga uunbaa idinka Dheer, waanan idinla qabaa
Dareenka .Waxa aanan Waligay ilaawi Karin, Dareeno kala
Duwan oo aynu soo Wada Qaadanayo, Madallo kala duwan oo
ina kulmiyay iyo Waxyaabaha aan idinka Faa,iiday intii
aynu wadnay Hawlaha Akhriska iyo Qoraalka.
Naadiga Timacadde wuxuu Heerkaa ku Soo Gaadhay waa
Samirka, isku Xidhnaanta iyo Madax da Gobolka oo Si hagar
la,aan ah ula Shaqayn jirtay haba ukala badnaadaane,
waxaan jeclaan lahaa inaan Xuso Xubno Sharafeed Qaali ku
ahaa Naadiga oo iyana Garab wayn u ahaa Badha saabkii ugu
horeeyay ee Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo
isagu illaa hadda Gara b taagan, Ex –Maayar Aadan Muxumed
Badde, Ex-Maayar Khadra Xaaji Gaydh, Badhasaab ku Xigeen
Cali Case iyo Alle ha unaxariistee Maxamuud Yuusuf Xaaji
Cabdi.
Waxaa iyana Wax lagu Farxo ah in ay Maantana Xubo ka
yihiin Madaxdii Gobolku, Gudoomiye Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)
iyo Maayar Shucayb Maxamed Muuse oo Runtii haddii aanay
dhiiri galin dhalinyarada Qabyo badani ka imanayso Sii
wadida fikraddan.
Kuma Koobna oo kaliya Dadka Dadaalka iyo Dhiiri galinta
la Garab Taagan intaasi aan soo Xus ay Balse Waxaa iyana
Tan iyo Aasaaskii Si Hufan ula Shaqeeya, Qoraa Boobe
Yuusuf Ducaale, Qoraa Xasan Cabdi Madar, Qoraa Jaamac
Muuse Jaamac, Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xas an, Qoraa
Sayid Maxamed Yuusuf iyo Qorayaal kale aad utiro badan
oo Garab wayn u ah Naa diga isla markaana la Qaybsada
Dareenka Dhabta ah ee hadba Dhalinyaradu ku suganyihiin
isla markaana Buugaagtooda ugu Deeqay.
Waxaan mararka Qaar idhaahdaa malaha Timacadde inta uu
Dheeryahay Naadiyada kale Faa nna hanagu ahaatee waanu ka
Abwaano Badanahay, waayo waxaan la ilaawi Karin
kaalintood a labada Abwaan ee Cabdi Cali Xirsi iyo
C/raxmaan Maxamed Macalin Baas sidoo kale Abwaan Axmed
Awgeedi Dheeraad oo isna Kaalin Muuqda ku leh Dhiiri
galinta Naadiga.
Hawl kasta oo la Qabto lagama Waayo dhaliil iyo Dib
udhac balse in Aad Dhaliilahaaga ka Faa,ii daysta waxay
kuu Sahlaysaa inaad Hadafkaaga Gaadho, Waan idinku
hambalyaynayaa Hal Ab uurada Da,da yar ee maanta Haya
Hogaanka Naadiga midhaha Aad beertaana waxa ay noqon
doonaan kuwo dhamaanteen ina wada Anfaca, Fikirkiina
mideeya oo isku duubnaada, Una Samra Waxyaabaha Qabyada
idinka noqda.
Waxaan iyana Xusi lahaa Xubnihii Aasaasayaasha ee
Heerkaa soo gaadhsiiyay Timacadde oo kala ahaa Mahdi
Sheekh Cabdi, Axmed Sanyare, Axmed Sh.Nuur Ducaale
(Biito), Maxamed Art s, Naciima Yuusuf X.Cabdi, C/rashiid
Haybe (Daacad), Siciid Khadar C/laahi, Ayaan Gaangi,
Ax med Maxamed Shaqale, Jamiila Baxsan, Naciima Yuusuf
Cilmi, Axmed Ciisood, C/rixiin Axmed Ca rab, Mukhtaar
Maxamuud C/laahi, Nimco Muxumed Ibraahin, Amaal Shamax
iyo Bahda Warbaa hinta Gobolka oo kaalin wayn ka soo
qaatay in Heerkaa soo gaadho maanta Naadiga akhriska
Timacadde.
Waxaan kaga Baxayaa Wixii Rag ukaco Rabbina Aqbalo Wuu
Rumoobaa, u Samra Hawlaha aad gacanta ku haysaan hana ka
Rajo dhigin in Aad Dhamaystirtaan Fikirkii ahaa in
Naadigu Dhama ystiro Gabiley Public library oo dhawr jeer
oo hore aanay inoo Suurto galin Hirgalintiisu,
Garab kiina ayaanu taaganahay illaahayna ha idiin
fududeeyo hawlaha aad qabanaysaan.
Mustafe Future
Ex-Cordinator of Timacadde Readers Club
Berlin /Germany
|