HAMBALYO MADAXWEYNE
RAMDAAN KARIIM, KULLU CAAM WA-ANTUM BIKHAYR. ILAAHAY WAXAN KA
BARYAYAA INAYNU RAMADAANTAN TEEDA KALE INNAGU GAADHSIIYO BASH-BASH,
BARWAAQO, AMNI IYO IIMAAN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
isagoo ku hadlaya Magaciisa, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga
Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin u
dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Somaliland gaar
ahaan, isagoo ku tahniyadaynaya bilashada bisha barakaysan ee
RAMADAAN, kuna beegan hijriyada 01-Ramadan 1438, halka ay milaadiga
ka tahay 27-05-2017.
Madaxweynuhu waxa uu bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay
uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu
caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu
waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan
nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaaliga ah ee bisha
Ramadaan, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu
jannooyinkiisa ku waaran.
Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil
cibaado. Waa bis hii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta
Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow,
waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-dam qashada, iyo
waxyaalo kale oo wanaag ah oo tiro badan.
Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in
fadliga bisha ramadaan awgeed la isu naxariisto oo laga qayb qaato
taakulaynta dadkii abaaraha ku caydhoobay oo maanta iyaga ay u soo
gashay bisha ramadaan iyagoo caydh ah oo qaar ka mid ahi ay faro
madhan ka joogaan xoolohoodii, kana hayaamay degaamadoodi, inoog ana
baahan in aynu gacan ka geysano wixii aynu tarikarno .
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.
|