WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu dh ambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa haweenka Somaliland meel kastoo ay jooga an guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba haween weynaha Adduunka dabaal-degga 8da March, maalinta Caalamiga ee Haweenka.
 
Mdaxweynuhu munaasibada 8da March awgeed, wuxuu haweenka Somaliland u rajeey ey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.Dhambaa lkiisan hambalyada ah, Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyey haweenka laf dhabar iyo Xo og mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dibu-dhiska iyo horumarka waddanka.
Dhinaca taageerad, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxuu sheegay in sidii uu horeba ugu taliyey, imikana ay ka go’an tahay in haweenka Somaliland saami go’an (Quota) ka helaan Barlamaanka dalka, golaha wakiiladuna meelmarinyo kootada ay hawenku dalba deen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey sida uu diyaarka ugu yahay in haweenku qayb ka ahaadaan meel kasta oo talada dalka lagu go’aaminayo kaalmo muhiim ahna ka galaan saaxada siyaasada, dawladda iyo asxaabta qarankaba.


Gebegebadii Madaxweynuhu wuxuu xusay in haweenkii uu ku soo daray xukuumaddiisu iyo kuwa ka tirsan shaqaale weynaha dawladduba muujiyeen dedaal iyo howlkarnimo mudan ku dayasho, hawlaha ay qaranka u qabteen awgeed.


ALLAA MAHAD LEH


Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.