Anigoo ku hadlaya magacayga,Maxamed cali Muse,ka dhammaan maamulayaasha ,weriyayaasha iyo dhammaan hawl wadeenada  shabakadda wararka ee LongLiveSomaliland.com , oo ku kala sugan adduunyada dacaladeeda,waxaan hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan maamulka iyo shaqaalaha wargeyska caanka ah ee Jamhuuriya , oo ay ka soo wareegtay muddo 17 sanno ah markii dhidibada loo aasay.

Run ahaantii , waa wax aad loogu farxo , looguna faano in maanta wadankeenii ay ka soo baxaan wargeysyo waaweyn sida Jamhuuriya.

Saxaafaddu sideedaba , waa muuqaalka dhabta ah ee laga  daawado ummad kasta horumarkeeda,dib u dhaceeda , xadaaradee da , heerka kolba uu wadankaasi marayo, iwm.

Haddaba , hawshaa culus  ee lama huraanka ah , ayay Jamhuuriya hormood ka noqotay, seeskana u taagtay 17 November 1991.

Mar labaad , walaalayaal naga gudooma hanbalyo wadaninimo
,waxaanan  idiin rajaynaynaa guul iyo  horumar joogta ah.

 

 



Maxamed Cali Muse

Tafatiraha Guud & Webmaster
www.longlivesomaliland.com