Hanbalyo boqorka cususb ee Habar awal : Beel waynta Subeer Awal ee qurbaha oo hanbalyo u diraysa Boqor Muxumad Geele Seed




Bismilaahi Raxamaani Raxiim.

Hanbalyo. hanbalyo, hanbalyo Boqorka cusub ee Beesha Suber Awal ( Habar Awal ), Boqor Muxumad Geele Seed.

Hadii aanu nahay waxgaradka , odayaasha iyo dhamaanba  bee sha
faca-wayn leh ee Habar Awal , ee qurba joogta ah waxanu duco, hanbalyo iyo hib-ba halkan ugu diraynaa boqorka cusub  e e beelwaynta Habar Awal ee maanta ( 12-11-2009 ) lagu shuu may magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiiley, waxanu  leenah ay Ilaahay xilkaa muga wayn leh ha kuu fududeeyo, ha kugu as duro oo ha kula garaab galo.

Waxanu Ilaahay uga barayaynaa inuu Boqorka Cusub ee Subeer awal (
Boqor Muxuxmad Geel Seed ) uu ka dhigo mid isku soo jiida, isku xidha oo walaaleeya guud ahaan dadka reer Somalil and, gaar ahaana beesha Facawayn leh ee uu boqorka u yahay ee Subeer Awal oo uu u hayo xil mudnaanshahiisa leh.

Waxanu ugu danbayntii ugu baaqaynaa Boqorada Somaliland, Suldaamada iyo Cuqaashoba guud ahaan inay si samo iyo  wan aag leh oo ah sida ay danta dadka iyo dalkuba ku jirto u wada shaqeeyaan. had iyo jeerna ka horaysiiyaan danta guud ee  dad keena iyo dalkeena wax kale oo kaleba.

Ugu danbayntii guud ahaanba dadka xilalka
boqornimo, suldaan imo iyo caaqilnimo Somaliland sida ( haya ) waxan leenahay, no qda kuwa colaada iyo naca hira oo hakiya, nabada iyo  naruurad ana hinjiya oo hanta.


- Hanbalyada waxa diraya,
afhayeenka Beesha Subeer Awal ee qurbaha oo ka wakiila ah dhamaan beesha Habar Awal ee qurb aha ku dhaqan, Xaaji C/kariim sheekh Ismaaciil Aadan ( Holla nd ) iyo waxgarad kale oo ay ka mid yihiin:

1- Xaaji Cabdi Kariim Sh., Adan.

2- Sh, Maxamad xaaji Yuusuf .

3- Cali aw Cumar

4- Dr, C/ nuur Xaaji.

5- Daahir Ismaaciil.

6- Maxamuud Ibraahim.

7- G/ leh dhexe Ibraahim qaasaali

8- Haaruun Cismaan Axmad.

9- Dr, Ibraahim Axmed.

10- Gahayr xaamud.


Wa bilaahi Tawfiiq


 


Posted by:  Cali Cumar Xasan