Hanti-Dhawrka Guud Hadii Aanu Nus-Malyuunka Doolar Ee Chief Of Cabinet-Ku Lunsaday Sharciga Ku Horgeynin, Saw Xaalku Uma Eka Bah Geri Ma Xujawdo

 



Hant-dhawraha guud ee qaranku wuxu magaalada Berbera ka wadaa baadhitaan uu ku raad goobayo hanti da ummadda ee la lunsaday intii ay jirtey xukuumadda cusubi.


Hadaba waxaa is weydiin leh Hanti-Dhawraha Guud ,awood ma u leeyahay in uu galo albaab kasta, baadhisna ku samayn karo qof kasta oo ay gasho baadhista hantida uu ku raad joogaa, mise habka uu Hanti-Dhawraha Guud u shaqaynayaa waa bah geri ma xujawde’e dadka inta kale soo baadh, nus-malyuunka doolarka uu chie f of cabinet-ku soo qaadayna waa XAASIL WAASIL ,ee iyada iska dhaaf leyn waa tii hore loo yidhi subag wee l ku daatay, sina uma xamaadee.


Waxaanay dad badani is weydiinayaan haddii Hanti-Dhawraha Guud , uu Nus-Malyuunka Doolar meel ku tiirin waayo, sida uu u baadhi karo dadka kale?


Dadka gacanta ku haya hantida ummadda baqe badan baa galay , markii Maxamuud Aw Cabdi [Maxamuud D heere] loo magcaabay Hanti-Dhawraha Guud ee uu yidhi, iskaba dhaaf hantida imika la lunsade’e, waxaan ka dabo tegayaa hantidii la lunsaday xiligii xukuumaddii hore.


Guddoomiyihii hore ee Baanka C/raxmaan Ducaalena , uu Hanti Dhawraga Guud ka baajiyey safar uu ugu bixi lahaa jabuuti.


Hadaba haddii aad fadhiisato meelaha ay ku badan yihiin masuuliyiinta gacanta ku haya hantida ummadda, w axaad arkaysaa in ay qiil ka dhiganayaan haddii la xisaabin kari waay Nus-Malyuunkan Doolar ee chief of cabi net-ku soo qaaday,  in aan iyagana la xisaabin karayn, haddii ay taasi dhacdona wax dan ahi inoo kuma jirto oo xaalku wuxuuna noqonayaa QAATAYE QAADO.


Hadaba marka aan isku soo wada duubo madaxweyne Siillaanyo waxaan kula talin lahaa ha marin wadadii uu maray Maxamed Siyaad Barre, ee ahayd sanadihii hore ee kacaanka wuxuu ahaa madaxweyne soomaaliyeed, ka dibna wuxuu noqday madaxweyne daneeya arrimaha DAAROODKA oo keliya, ka dibna wuxuu u dhega nug laadey ninka yidhaahda waxaa i dhalay ama aan ka qabaa MAREEXAAN, muddo ka dibna wuxuu yidhi Mareex aan iskuma jirno’e reer DIINI baanu nahay, maalintii uu Xamar ka baxay 26/1/1991-kii wuxuu ahaa oday reer KOOSHIN ah.
 


Hadaba waxaan odhan lahaa Madaxweynaha, yaanu ku galaafan Chief of cabinet-ku.

 

 

 

 

 

C/risaaq Suudi Nuur
Hargeysa Somaliland
Tell: 4425243