togwajaale wakhti xaadirka waayaha kajira duruufaha ku xeeran maamul xumada soo wajahday musuqmaasuqa shaqaalaha dawlada hoose iyo saamaynta cabdi casiis maxamed samaale FG Qaybtii 4aad

 



Markii uu ogaaday in la badalayo , wuxuu bilaabay inuu sameeyo shabakad isku xidhan oo Kaar iyo ah,  isla markaana ka kooban 70 qof , oo laga ururiyey min 2000 kun oo Bir ,waxaana lagu sheegay nimanka lacagta laga ururiyey inay yihiin Iskaashato uu shariciyeeye Gudoomiyaha Tog-wajaale, Xaashi Maxamuud Cabdi, waxaana loo sheegay haday lacataas bixiyaan inay fad higa ku cuni doonaan kaarinimadaa ay ka qaybq aateen darteed iyadoo la adeegsanayo ciidan ka Booliska.

Waxaa lagu qasbay Ganacsatadii Ethiopianka ahayd ee Tog-wajaale alaabaha ka raranaysay, in ay bixiyaan lacago madax furasho ah , oo la yidhi waa lacago Kaarinomo oo qasab ah, oo lacag teeduna dhan tahay in gaadhigii Ethiopia loo rarayo laga qaado lacag dhan 3000 kun oo bir oo u dhiganta 150 Dollarka maraykanka hadii kale la xidho .

Arintaasi oo ka soo horjeeda Nidaamka Ganacsiga Xortaa, ee ay Somaliland qaadatay, Maamul ka Tog-wajaale,  oo kalsooni buuxda ka haysta Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland , isla makaana ku haya jagada Gudoomiyonimo , xigtana ay yihiin , ayaa dhawr jeer oo cabashadiisa la gaadhsiiyey balse aan cidi wax ka qaban in kasta oo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Wrimaha Guduhu Cali Maxamed Warancada sheegay inuu wax ka qaban doono tabashada bulshada.

Anag a oo ah dadka ku dhaqan degmada Tog-wajaale,  waxaan Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha , ku war galinaynaa innuu Maamulka hada Tog-wajaale ka taliya wuxuu imika bilaabay iibsadada jidadka dhexmara Tog-wajaale iyo  qiimana u kala samaystay baran dayaa sha ay iibiyaan,  kana siiya barandahan furan 600 oo Dollar , barandaha xidhan ee mar marka la dhigana ka siiyaan 1000 kun doolar .

Arintaasi oo dhawr jeer oo hore ay kala hadleen Gudiga mutadawiciinta ee Horumarinta Jidadk a Tog-wajaale, oo maamulkaTog-wajaale kula taliyey inay joojiyaan iibka jidadka , balse aan dh ag loo dhigin .Taasi oo sabab u noqotay inay joog sadaan mashaariicdii ay wadeen Gudiga Horu marinta jidadka Tog-wajaale .

Waxa kale oo dhibaato ka haysataa dadka reer Tog wajaale, wado xumo ka jirta xaga xaafada ha magaalada iyo Dawlada Hoose oo gabtay inay ka qaadaan Qashinka xaafadaha dhexdooda lagu gubayo , waxa kale oo jirta in Kawaanka xoolaha,  lagu gawraco uu yahay mid aad u cidhii dhiya isla markaana aanay jirin qorshe cad oo lagu maamulo Kawaanka, balse aad arkayso Aay farabadan , oo dumarka hilib ayaashaa fara baas ku haya , isla markaana dhibaato ka haysato weerarada Aaydu ku hayso Xoolaha a Toga bartankiisa ku qalayaan oo mar walba Aaydu ka bo obaan

Waxa kale oo aad arkaysaa Dhiigii iyo Uuskii , loogu tala galay in lagu shubo meelo gaara, ayaad arkaysaa isaga oo intuu isbadalay dirxigu dhex sulaakhayo ,isla markaana ay ka dhalan karaan cuduro , cabashana ay ka muujiyeen dadka jaarka la ah xero dhiigta Tog-wajaale

la soco
 

 

 


Waa Qallinkii Maxamed Cabdilaahi Qombor Tog-Wajaale Soomaaliland