Hargeisa Xashiishka Tuulan Yaa ka masuula Ma dawlada Dhexe , Ta Hoose Mise Dadweynaha

 

 


Salaanta islaamka ka dib.

Sida uu qof kasta oo bulshada reer Somaliland ka mid ahi la socdo waxaa jirta in wadeecooyinka dalka ka muuqda ay faro badan yihiin, oo dhamaanba dalku uu ka dhigan yahey Guri qabyo ah oo dhan kasta ka daloola misana la degan yahey oo lagu dhexnool yahey.

Hadii Qabyooyinka dalka ka muuqda qaarkood sida hagaajinta wadooyinka, dhamastirka tacliinta, dhaqaajinta hawalaha Caafimadka iyo qaar kaleba ay u baahan yihiin aduun badan oo aan xerade ena iyo xero xigaalkeen midna ku jirn , waxaa jira Qaar dawlada dalka ka jirta iyo dadka dalka ku nooliba ay faryaro bidix wax kaga qaban karaan.

Inkasta oo aan filayo in guud ahaan dalku ka siman yahey, hadana waxaan indhaheyga ku arkey in magaalada Caasimada ah ee Hargeisa gidaarka aaad ka wareegtaba aad indhaha ku arkeyso Xashiish tuulan oo naftii damiir wadanimo ku jiraa ay ka yaxyaxeyso. Somalilada Hore ugu maahmaahdey Aradna waa Dan uskagna waa Doqoniimo.

Malaha dadka dalka ka nool indhahooda ayaa la qabsadey oo dareemimayaan in hadhaaga wixii ay isticimaaleen ay darbiyada u yaalaan, lakiin indhaha ku cusubi waxey arkayaan oo nafta ka naxey sa Qashinka meel kasta tuulan

Maxaa talow xashiishka loogu sameyn waayey kaalmo innta lagu ururiyo hadhowna laga qaado?.
Markaad suaasha is weyidiisaba waxaa Qalbigaaga ku soo dhacaya su`aal kale oo ah. Waa tan wax walba citiraafka fgaadey lala sugayo e malaha xashiishka iyo qashinka oo la iska basriyaana citiraafka lumay ayaa shuruud looga dhigey.

(Ninka intaa xoogu leeg yahey inanteyda kamuu dhali kari waayin ee wuu hagranayaa). Anigu wax aan is idhi umada dhan ee dalkan ku nool shicib iyo dawladba may kari kari waayin iney iska basriy aan xashiishka gidaarada tuulan ee way hagranayaan.

Guntii iyo gebagabadii su`aasha keliya ee uu is weydiin karo qofka damiirkiisu diidayo foolxumada magaalada Hargeisa gudaheeda daadsani waxa ay tahey.
Kumaa gabey xilkiisii ama yey aheyd iney foolxumadan muuqata wax ka qabtaan`?.

Ma dawlada Dhexe ee dalka ka muusula ayey aheyd iney Qabyooyinka is dul tuulan ee kudaafadu ka mid tahey ay inta awoodoodu tahey wax ka qabtaan?.
Ma dawlada Hoose ee Hageisa oo Mayerka caasimadu hor jooge u yahey ayaa gabey xilkoodii oo iyaga ayaa ah qaar liita oo shaqadoodii ka seexday`?.
Mise dadweynaha caasimada iyo dalkaba dhamaan ku nool ayaa ah qaar aan looba dhigin inuu xil ka saaran yahey hagaajinta dalkooda ay ku nool yihiin?.

Inkasta oo sadexda dhinacba door muuqaku leeyehiin dayaca amuurta hadana Anigu ka Qoraa ah aan waxaan canaanta inteeda badan saaraya baldiyaha magaalada ama dawlada Hoose ee Harg eisa, sababta oo ah dabcan waa iyaga cida ka masuulka ah nadaafada Caasimada Qaranka, waana waajib saaran iney issue ka dhigaan nadaafada Caasimada oo xitaa hadii aaney dhaqaale u aheyn in ay dadka baraan iney iska wax u qabso ( Volunteer) iskaga guraan kudaafada ku hareeraysan.

Hadaba halkaa markey sheekadu mareyso sow lama odhan karo yaa leh go`aanka Dawlada Hoose arintaa wax kaga qaban karto. Jawaabta oo koobani waxa weeye cidaasi waa Mayer Jiciir.

Anigoo hadaba ku hadlaya afka dadka ka damqanaya Xashiishka magaalada wadhan ayaa waxaan Miayer Jiciir cod dheer ku weydiin lahaa. Ma itaal baad u weyday inaad magaalada nadiifiso, ma hawlo kale oo mihiima ayaa jira oo adiga iyo staffkaga idinka mashquuliyey nadiifinta magaalada? Mise arintadu waxa weeye mar hadii aan Madaxweyne Riyaale la saaxiib ahaa, Axmed Silaanayana la saaxiibey sideed sanana aan Mayer ahaa maxaa iga daadanaya!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.



Alla mahad leh

 

 

 

 

Osman Omar Dool
Hargeisa Somaliland