Hargeysa oo la Haraadan Biyo la’aan

 

Hargeysa (Timacade News)-Magaalada Hargeysa oo inta badan xaafadaheeda qaarkood a il darnaayeen biyo la’aan ayay labadii toddobaad ee u danbeeyay ay ku sii korodhay biyo la’aan baaxad lihi

Biyo la’aantan ayaa waxa ay ka dhalatay mishiinadii yaalay xarunta biyo soo saarka Geed-deeble oo ay qaarkood xumaadeen ilaa hadana ciladoodii xal loo la’yahay

Cilada mishiinada gashay ayaa loo aanaynaa inay ka dhalatay culayska saaran mishiinadaasi oo afar iyo labaatanka saacadood shaqeeya, kuwaasoo aan  hay san dayactir ku filan iyo mishiino kale oo lagu nasiyo inkastoo warar aanu ka   helay ilo u dhaw wakaaladda Biyaha ee Hargeysi ay sheegeen in laba mishiin oo cusub la keenay balse iyaga laftoodii ay shaqayn waayeen.

Ilaa hada wax war ah wakaaladda biyuhu kamay soo saarin arrintan balse  wa xa si weyn looga dareemayaa magaaladda Hargeysa dhibaatada ay arrintani ku keenatay. Waxaanad ka dareemaysaa xaafadaha iyo meheradahaba iyadoo la isla daba wareegayo jirikaano, kuwaasoo meesha loola kacaba lagula soo hungoobayo

Mushkilada biyo yaraanta ama biyo la’aanta oo in badan cabshadeedu soo  no qnoqonaysay ayaanay marnaba suurto galin in xal loo helo. Markastana waxa wax ka qabashadeeda lagu dhaafaa waa arrin qaran oo u baahan in loo helo kaalmo hase yeeshee la isma weydiiyo halkee laga helayaa iyo soo afjarideeda waxaanay arrintaasi sababtaa in mar walba ay biyo laa’aantu taagnaato oo aan waxba laga qaban

Biyo soo saarka Geed-deeble ayaa ah awood ahaan kuwo aan kafayn karaynin baahida biyood ee caasimada taasoo ay ugu wacan tahay wakhtigii dawladda shiinuhu ay samaysay ee ay dadku yaraayeen kabacdi inaan waxba lagu darin arrintaasoo keenta inta badan inuu culays ku yimaado awooda mishiinada oo shaqaynaya wax ka badan kutalagalkoodii

Si kastaba ha ahaatee biyo la’aanta haysata guud ahaan bulshada Somaliland ayaa ah mid ay dadweynaha iyo dawladuba danbigeeda leeyihiin sababtoo ah midkoodna wali kamay faa’iideysan dhibaatada haysata oo ay ku dhaafaan calaacal mooyee inay ka faa’iidystaan biyaha ay helaan.
 


Source:Waaheen