Hargeysa waa degmo ee maaha Suldan Yusuf-xiirayow


 

 

Dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa aan ku hambalyaynayaa bisha Ramadaan barakadeeda,waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu bisha ramadaan khayrkeeda inna siiyo.

Waxaynu ognahay oo aynu sugaynaa inay qabsoonto doorashadii deegaanku,waxaana ku tartami doona sida la filayo 3da xisbi qaran iyo 6dii urur siyaasadeed ee u soo gudbay ware ega labaad.Nabad iyo degenaansho ayaynu allaah ka filaynaa inuu tartankaa deegaan ka inoogu dhamaystiro,insha allaah.

Dawlada maanta ka talisa Jamhuuriyada Somaliland ayaa suurta gelisay qodob ka mid ah balanqaad-yadii ay taageerayaasheeda ugu ballan-qaaday waagii tartanka xisbiyadu ugu jireen hogaanka dalka.Qodobkaas oo ahaa inuu Kulmiye furi doono ururo siyaasadeedyo ku tartama doorashada deegaanka,kadibna inta soo gudubtaa la tartanto xisbiyada qarank a,kana soo baxaan 3dex xisbi qaran.Talaabadani waxay keentay weji kale oo ka duwan qors hahii xisbul xaakimku ku talo galay.Wejigaasi waxa uu dawlada ku riday khalkhal aan ay tan iyo maanta xal u helin,una eg inay faraha ka qaaday sidii ay xal ugu heli laha yd.Waxaanad moodaa inay dawladu isku hawshay wax ka badalka iyo kaabista xeer No.20 iyo Xeer No.14. Wejigaas qaldan ee qorshahii Kulmiye ka dhashay waxa kale oo uu saameeyay qaabkii loo qaban jiray doorashada deegaanka, degmooyinka ay tartamayaashu iska soo sharaxi jiree n.Waxaanad arkaysaa xisbiyadii qaranka,ururada siya a sada,tartamayaasha deegaanka iyo taageerayaashooda.Arintaasi waxay curisay iska hor imaad deegaan.


Waxaanay maraysaa heer ay Madaxdhaqameedyo,waxgarad iyo waayeel soo fadhiisanaya saxaafada,kuna doodaaya inuu muwaadin kastaa ka tartami karo deegaan aanu ka soo jeedin ama degmada uu doono. Muran aragti kale keeni kara ayaa ka dhalan kara,tusaale Hargeysa ayay madaxdhaqameedyada qaar ka tirsani u arkaan inay tahay caasimad  muwa adin kastaana iska soo sharxi karo,waxa ku lid ah aragtida kale ee ay rumaysan-yihiin mad ax dhaqamedyada badi Hargeysa inay tahay degmo marka loo tartamayo xildhibaanada dee gaanka,lana mid tahay degmooyinka A.

Labadaa aragtiyood ee isku lidka ah ma jirto talaabo ay dawladu ka qaaday,xaaladan hurda da ah ee ay ku jirto xukuumadu ayaa ururada siyaasada qaarkood ku dhiiri gelisay inay tart amayaal ka soo sharaxaan degmooyin aanay ka soo jeedin,siina xoojisay inay Salaadiinta qaarkood muujiyaan inay taageerayaan aragtidaa dalka ku cusub ee aan sharci iyo xeer toona loo dejin.Dastoorkuna aanu qeexayn inkasta oo Suldaan Yusuf-xiiray xalay ku adkay nayay carabka inuu dastoorka iyo xeerkuba u ogol-yahay inuu muwaadin kastaa ka tartami karo degmo aanu ka soo jeedin,gaar ahaan Hargeysa oo u ku tilmaamay caasimad dadka u dhaxaysa.Waxan u malay-nayaa Suldan-Xiiray inuu ilawsanyahay inaanay Hargeysa caasim ad ahayn ilaa Jamhuuriyada Somaliland ay aqoonsi hesho.Waxa kale oo uu hilmaansanyahay tirada xildhibaanada ay leedahay inaanay ahayn 25xildhibaan balse ay tiradu noqon lahayd 40 ilaa 43 xildhibaan.

Waxa kale oo murankan u bud-dhig ah golaha xeer-dejinta,fulinta oo dawlada ah iyo Komish anka qaranka oo dhamaantood ka seexday ka hor inay xeer u dejiyaan seeraha Hargeysa ,tartamayaasha aan ka soo jeedin inay ka tartami karaan iyo xeerkii ay dawlada iyo baarla manku ku laaleen diiwaan gelinta.Tani ayaa aragtida shacabka qayb ka ah muranka curtay iyo mugdiga ku jira qabsoomida doorashada deegaanka.


Suldan-Yusuf-na waxa aan farayaa inaanu ka mid noqon talaabooyinka kicin kara aragtiya ha shacabka, waxa haboon inaad nabada,degenaanshaha iyo isu soo dhowaynta shacabka Jamhuuriyada Somaliland wax qabadkaagu u ehel noqdo inta aad xilka cumaamada haysid. Xaqa iyo cadaaladana dhamaanteen aan u hiilino.Hargeys-ana waa degmo ee maaha caasi mad Suldan-Yusufow markay tahay tartanka doorashada xildhibaanada deegaanka.
 

 


Xuseen Xasan

Hargeysa/JSL