Hargeysi Lafihii Dadkeeday Ku Dul Dhisan-tahay, Inan London iyo Turkiga Tagaa Waxba Kama Badali Karo Go’aanka Shacabka” Siyaasi Cali-guray



Hargeysa (TNN)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mud. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa sheegay in wada-haddalada dalka Turkiga ku dhex-ma raya Somaliland iyo Somalia ay Xukuumadda ku taageersan-yihiin, isla-markaana ay soo dhaw eynayaan Safarkii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagay Imaaraadka Carabta.

Cali-guray oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa kale oo uu sheegay in wadda-hadala daasi aanay waxba u dhimayn qaranimadda iyo jirtaanka Somaliland, balse aanu waxba ka ba dali karin go’aanka shacabka Somaliland.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xukuumaddau marna may diidin wadda-hadaladda Somalila nd iyo Somaaliya , markaas mabda ahaan maanaanu diidin, laakiin xaga farsamadda aad baan u ugu kala duwanahay”ayuu yidhi

Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in wadda-haddaladda Somaliland iyo Somaaliya ay ku ye elaanayaan Dalka Turkiga aanu waxba u dhimayn Qaranimadda Somaliland, waxaanu yidhi “ Hargeysi Lafihii Dadkeeday ku dul dhisan-tahay, Inan London tagay iyo Inan Turkiga tagay midina waxba kama badali karo go’aanka Shacabka Somaliland waana kaas ka muhiimka ahi, Inamaddani haddii ay Diyaaradda sii fuulaan oo ay soo fuulaan wax- wax yeelo ah oo ay keen ayaan ma jirto wax ay soo kordhinayaan ma jirto, Turkiguna Safarkasi hore laftiis ayaanu qa bnaa inuu wax tar u lahaa Somaliland, waayo imika-ba soomuu bilaabin sahamintii Shidaalka, Turkiga waanu raacsanahay Xukuumadda ayuun-baanu leenahay Farsamadiidu waxay xun tahay”

Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee Xisbiga UCID Cali-guray oop hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wadda-hadda Somaliland iyo Soomaaliya waanu jecelnahay, ka Qadar waddo ee ay Hubka ku siinayso Somaliya, waxaanu ka jecelnahay kan Turkigu waddo, Imaaraadka Carabta ee Maal-gashanaya Somaliland wanu la jirnaa oo Safarkii Madaxweynuhu mid guul ah ayaanu u aragnaa, waa Qadar waxa aanan hawsheedda iyo arrinkeedda la socon”
 

Source: Waaheen