Haweenka Burco oo u Halgamaya Hogaanka Siyaasadeed
 

 

Burco  (Timacade News)-Aqoon-isweydaarsi soconaya mudo 3 cisho ah oo  lag aga hadlayo siday haweenka u fahmi lahaayeen maamulka iyo inay weliba ka qayb qaataan hogaaminta siyaasada ayaa manta laga furey Hotel City Plaza oo ku yaala Magaalada Burco.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen in ka badan 30 Haweena isla  ma rkaana ay fulinayso xarunta Akadeemiyada Nabada iyo Horumarka ee  Hargey sa iyo Burco waxaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay tahay sidii haweenka loogu dabaali lahaa inay door muuqda ku yeeshaan dhinacyada Maamulka iyo Siyaasada.

Isuduwaha Wasaarada Qoyska Caasha Cali Qabile oo ka hadashay aqoon  iswe ydaarsigan ayaa waxay ugu baaqday haweenka Somaliland inay midoobaan siday u dabooli lahaayeen dayaca ka haysta hogaanka maamulka iyo  siyaasa da waxaa kale oo xustay in Wasaarad ahaan ay garab taagnaan doonaan.

Ifraax Maxamed Cabdi oo ah Sarkaal ka socda waaxda lamaanaha ee  Akaadee miyada oo ka hadlaysay aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ay xustay in la  ga adhay xilligan in haweenka cududooda u midayn lahaayeen doorna ka qaataan dhinacyada siyaasada.

Haweenaydani waxaa kale oo ay xustay in aqoon-isweydaarsigan uu fure u no qon doono siday haweenku u abuuri lahaayeen dalad kulmisa, mabaadiidooda, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo siyaasada, sidoo kalena Kinsi Faarax oo ah haweenayda u qaabilsan lamaanshaha Xafiiska Akadeemiyada Burco ayaa iyaduna waxay xidhitaankan ka sheegtay in haweenka ka qayb galay aqoon-isweydaarsigan oo laga soo xulay asxaabta Qaranka, Ururada Wadaniga ah, Haweenka Gurya jooga ah, iyo weliba kuwa Ganacsatada ah ay ka soo saareen xidhitaanka baaq loo jeedinayo haweenka Somaliland inay noqdaan awooda keliya ee wax qaban kara .

Haweenaydani waxaa kale oo ay cadaysay inay haweenku isla qaateen in  doo rashooyinka soo socda ee ka dhici doona Somaliland ay door muhiima ku  yeel an doonaan, aqoon-isweydaarsigan oo lagaga hadlayo dhiiri gelinta haweenka ee dhinaca siyaasada ayaa waxaa uu salka ku hayaa loolan xoog leh oo ay  xilli yadan danbe haweenku ugu jiraan inay saami ku yeeshaan kuraasta loogu taliyo goloyaasha Somaliland.

 



Reported By: Yusuf Ibraahim Warsme

Ilka Case, Burco
Email: xagaa67@hotmail.com