Haweenka Qurbajoog ee ku bahoobay ururka walaaha Arabsiyo Oo Xadhiga Ka Jarey Laba Fasal Oo ay Ku Kordhiyeen Dugsiga sare ee degmada Arabsiyo

 



haweenka walaaha arabsiyo ayaa balan qaadey inay dadaalkooda sii laba laabi doonaan, haw eenakni ayaa dhisay ilaa sagaal dugsi, waxayna bulshada ugu baaqeen wada jir iyo midnim o.......... Daawo Sawirro Aad U Tirro badan


Arabsiyo (TNN):-Haweenka qurbajooga reer arabsiyo eek u bahoobay ururka walaalaha arab siyo ayaa xadhiga ka jarey laba fasal oo ay ku kordhiyeen dugsiga sare ee degmada raabsiyo, xaflada xadhiga laaga jarey oo ay kazoo qayb galeen maamulka degmada arabsiyo, gudoomi yaha waxbarashada gobolka gabiley cali aadan bayle, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada gabiley,gudoomiyaaha ururka haween ka now farduus maxamed xasan, gudoomiyah a waxbarashada degmada arabsiyo fadxiya maax xasan, haween tiro badan iyo dhalinyaro . xafladani oo lagu qabtey hoolka dawlada hoose ee degmada arabsiyo.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley gudoomiyaha degmada arabsiyo c/laahi cabdi faaraax, waxaanu u mahad celiyey hablaha qurbajooga ee walaalaha arabsiyo, waxaanu ku amaaney doorka horumarineed ee ay ku leeyihiin horurmarka degmada arabsiyo, waxanau ugu baaqay inay halkaasi kasii wadaan dadaalkooda.

Xildhibaan c/casiis c/laahi . Xildhibaan nimco axmed, xildhibaan cibaado maax , oo dhamaan ka tirsan golaha deegaanka degmada gabily ayaa aad usoo dhaweeyey haweenka qurbajooga ee walaalaha arabsiyo, waxaaney balan qaadeen inay gacmo furan kusoo dhaweynayaa, diyaarna u yihiin inay la sheqeeyan, waxaaney bulshada ugu baaqeen inay u diyaargaroobaan wakhtigii horumarka degmada arabsiyo, waxaaney haweenka qurbajoog kula dardaarmeen inay dadaalkooda sii laba laaban.

Haweenka socdey ururka walaalaha arabsiyo oo halkaasi ka Hadley ayaa ka warbxiyey ujeedooyinkii ururka loo aas aasay ,Shuun c/laahi cabane, faadumo cumar liiban, maxamed sici, waxayna dhamaan tooda sheegeen inay ururkan u aas aaseen markay arkeen baahiya ka jir degmada arabsiyo, waxayna balan qaadeen inay halkaasi ka sii wadi doonaan dadaalkooda, waxayna dadweynaha reer arabsiyo ka codsadeen inay muujiyaan wada jir iyo isku duubni, si ay u gaadhaan horumar

Gudoomiyaha waxbarashada degmada arabsiyo fadxiya maax xasan, Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka now farduus maxamed xasan,ayaa iyaguna aad usoo dhaweeyey haweenka qurbajoog ah, waxaaney ka warbixiyeen halka ay mareyso xaalada degmada arabsiyo, waxaaney haweenka ku amaaneen sida ay ugu heelan yihiin horumarka degmada arabsiyo, waxayna balan qaadeen inay la shaqayn doonaan

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka gabiley Cali aadan abayle, oo xafladaasi soo afmeerey halkaasi ugu duceeyey hablaha walaalaha arabsiyo,waxanau ilaahay ugabaryey inuu badal khayra qab ugu badalo, waxaanu ku booriyey haweenka qurbajoog ah inay dadkooda u horseedaan horumar, kuna dhiirigaliyaa isku duubni.

Maah markii ugu horey ee hablaha walaalaha arabsiyo, ay dugsi waxa ku kordhiyaan,balse ilaa inta la ogyahay hada waxay dhiseen ugu yaraan sagaal dugsi, dadweynaha ku dhaqan magaalada arabsiyo ayaa aad ugu diirsadey wax qabadka faraha badan ee ay haweenkani ka fuliyaan deegaanada arabsiyo.
 


C/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Arabsiyo, Somaliland