HAYA ACHIEVEMENT AWARD MA SOOMAALIWEYN AYEY U ADEEGTAA MISE SOMALILAND DADKEEDAY DULEYNAYSAA…….

 


Marka hore dhamaan waxaan salaamayaa shacabweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joog aaan.

Intaas kadib sida shacabweynaha reer Somaliland la socdaanba waxa aynu dalkan joognay mudo oyin badan oo aynu dadka Afrikaanka ah iyo Somalida aynu jaarka nahayba kaga soo  horeynay,i nagoo weliba dadka reer Somaliland ay ka gaadheen dalkan waxqabad la taaban karo sidaa soo jirta ayaa dadka aynu jaarka nahay ee Soomaalida kale ay dhinaca kale ka sameeyeen horumar la mid ah ka reer Somaliland sameeyeen.


Inagoo reer Somaliland ah ayaa marka xaga kale laga eego aad arkaysaa dadka reer Somaliland ee dalkan degani inay ku dhex milmeen dadka reer koonfureedka ah iyadoo weliba awoodooda la adeegsanayo oo aan wax loo ogyahay aanu jirin. Tusaale yar hadii aan ku sameeyo waxa habeen dhaweyd ka dhacdey xaflad rag reer Xamara iyo dumar reer xamari ay soo abaabuleen oo loogu magac daran SOMALI ACHIEVEMENT AWARD.oo ay soo qaban qaabiyeen urur yar oo la yidhaahdo HAYA www.haya.org.uk oo aan awood badan lahayn dadka ka shaqeeyaana badankoodu ay yihi in reer Xamar.

Aniga oo xaflada joogay waxa iigu yaabka badnaa markii aan qaar meesha jooga ku idhi waxaan ahay Somaliland wey igu qosleen waxayna iigu jawaabeen “Waxa Somaliland la yidhahdo  meesha n lagama yaqaano”, dadkii la siiyey abaal marinta waxay badankoodu ahaayeen dad aan reer So ma liland u dhalan.


Waxa kale oo iga cajabisay Hobalka weyn ee Maxamed Ahmed Kuluc , oo si xun loola dhaqmay iy adoo inta meel shishe laga keenay, aan wax wanaaga la tusin,ragii kale ee meesha joogayna aad lo soo dhaweeyey, looguna rax raxleynaayey.sidasoo kale ay ahaayeen dadkan la siinaayey dad la soo qorsheeyey oo iswada garanaaya.


Dadka reer Somaliland ee qurbaha ku nooli waa inay awoodooda iyo magacooda isticmalaan oo aanay cidna u daba fadhiisan,Somalida kalena ay dantooda qabsadaan inaguna aynu teena qabsa n aa,oo la iska ilaaliyaa sharaf dhaca ay sameynayaan inamo yaryar oo Funding, (DEEQ) baryo da wlado wax kaga doonaaya.

Somaliland ha noolaato.

 

 

 

 

Cali Faarax Cilmi
isaaqw5@gmail.com