Hay’ada USAID Oo W/Ganacsiga Ku Wareejisay Dhismeyaal Iyo Baarnaamij Lagu Kobcinayo Dhaqaalaha
 

 


Hargaysa (TNN): Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa ma anta laba xafiis oo qalabaysan iyo barnaamij la yidhaahdo mashruuca kobcinta iyo is-kaashiga dh aqaalaha.kuwaasi oo ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulinayso hay’ada DAI.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta agabkan kala duwan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ganacsiga ee magaalada Hargaysa, waxa ka soo qayb gaalay wasiirka ganacsiga C/rasaaq Khaliif Axmed, wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shirre, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, masuuliyiin ka kala socday hay’adaha DIA, USAID, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md. C/rasaaq Khaliif Axmed oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada USAID wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaadhsiisay wasaaradda, waxaanu tilmaamay in hay’ada USAID ay tahay hay’adii ugu waxqabadka ugu bada n soo gaadhsiisa wasaaradda ganacsiga.

Waxaanu sheegay C/rasaaq Khaliif Axmed in hawlahan ay hay’ada USAID ka wado dalka ay taha y talaabo ganacstada iyo maalgashatada shisheeyahay ku dhiiri gelinaya in ay dalka yimaadaan, waxaanu wasiirku shaqaalaha wasaaradda kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan qalabkan loogu dee qay isla markaana ay sida loogu talo galay uga faa’iidaystaan.

Saleebaan Maxamed oo ka socday hay’ada USAID oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay barn aamijkan kobcinta dhaqaalaha, waxaanu sheegay in ganacsatada gaarka ah ee Somaliland ay yihiin halbawlaha nolosha bulshada. “ganacsatada gaarka ahi waa halbawlaha dhaqaalaha, waan a qaybta ay bulshada reer Somaliland ku dhaq-dhaqaaqayso, ganaaacsiga gaarka ahina waa tiirka ugu wayn ee haya dhaqaalaha, markaa labadaasi haddii ay wada shaqeeyaan ayuubaa la heli karaa kobcin dhaqaale, labadaa qaybood in aanu la shaqayno ayaa barnaamijkan loogu talo galay” ayuu yidhi Md. Saleebaan.

Waxa kale oo uu sheegay Md. Saleebaan in ay dhawaan bilaabayaan barnaamij la yidhaahdo ha gaha Maalgashiga Somaliland, kaasi oo ah mareeg xagga Internet-ka ah iyo buug ka hadlaya fu rsadaha maal gashi ee Somaliland ka jira isla markaana lagala socon doono wixii caqabado ah ee hor taagan maalgashiga Somaliland, shuruucda maal-gashiga, nooca ganacsiga ugu badan ee Somaliland ka jira iyo sidoo kale khayraadka dalka ku jira.

Waxaanu tilmaamay Md. Saleebaan in marka hagahaasi la diyaariyo uu ganacsiga dalku kobci do ono isla markaana ay dadka maal-gashiga u baahani heli doonaan xogoo badan, waxaanu yidhi “waxaan aad ugu rejo waynahay in marka barnaamijkaasi Hagaha maal-gashiga Somaliland la diyaariyo in uu gacsigu kobci doono, dadkuna ay heli doonaan xoggo badan oo la xidhiidha fursa daha maal gashi ee dalka ka jira”.

Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo ah madaxa qaybta maalgashiga ee hay’ada USAID oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si balaadhan uga waramay faaa’iidada barnaamijkan iyo wada shaqaynta ka dha xaysa wasaardaha dawlada, waxaanu sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu ururinayo xo gta ganacsatada laguna diiwaan gelinayo, waxaanu sheegay in marka la sameeyo diiwaan gelin ta in ganacsatadu ay si fudud u helayaan macluumaadkooda.Waxaanu tilmaamay in sidoo kale barnaamijkani uu suurta gelinayo in wasaaradda ganacsigu ay hesho ganacsatada liisamada qaatay iyo dhaqaalaha ay soo xereeyaan.

Waxa kale oo uu Dr. Aadam ka waramay mashaariicda kala duwan ee ay fuliyaan iyo xidhiidhka ka dhexeeya wasaaraddaha dawlada, waxaanu sheegay in ay hay’adaha dawlada kala shaqeeyaan sharciyaynta ganacsiga iyo tababaro ay siiyaan shaqaalaha wasaaraddaha, isaga oo xusay in dhinaca ganacsatadana ay deeqo dahqaale ku caawiyaan taasi oo ay ku kobciyaan ganacsigooda.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wasaara dda ganacsiga ku hanbalyeeyay dadaalka ay ugu jirto kobcinta ganacsiga dalka isaga oo sidoo kalena u hanbalyeeyay hay’adaha USAID iyo DAI mashaariicda kala duwan ee ay u fidiyeen wasa aradda ganacsiga.


Waxaanu sheegay in xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay madaxwayne Siilaanyo himilooyin keeda ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, waxaanu tilmaamay in ganacsiga gaarka loo lee yahay uu dhaqaalaha dalka udub dhexeed u yahay, waxaanu yidhi “dawladan uu madaxwaynaha ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) himilooyinkeeda waxaa kow ka ah horumarinta dhaqaalaha, dhaqaaleheenu wuxuu ka yimaadaa saddex meelood oo kala ah, ganac siga gaarka loo leeyahay, dhaqaalaha dawlada iyo ka dibada inooga yimaada, dhaqaalaha dawla du aad ayuu u yar-yahay oo waa 10%, deeqda diabda ka timaada ee la ina siiyaana waa waxaa n ka badnayn 8%, halka 85% dhaqaaleheenu wuxuu ka yimaadaa ganacsiga gaarka loo leeyah ay, markaa haddii aan ganacsiga gaarka loo leeyahay aan la kobcina ganacsigeenu horumari maayo”.
 

 


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk