Hayada Wadaniga ah Ee ODHA oo kaashaneysa madamatu dacwatu alkhayriya oo Deeq Raashin Gaadhsiiyey Dadka Agoomaha Iyo Danyarta ah Ee Kunool Berbera…

 


Waft balaadhan oo ay Horkacaysey Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee ODHA Marw o Faadumo Siciid Ibraahim ayaa socdaal ku tagey Magaalada Berbera.
 

 

Berbera (TNN)-Waftigan oo kakoobnaa Odha Iyo Jimciyadda Khayriga ah Ee Madamatu Dacwatu Alkhayriya ayaa socdaalkoogani ujeedadiisu waxay aheyd iney deeq raashin ah gudoonsiyaan dadka Agoomaha iyo danyarta Ah ee kunool xaafadaha Kalla Duwan Ee Magaalada Berbera.

Dankan Agoomaha Iyo Danayrta Ah Ee Deeqda rashinka ah lagudoonsiiyey oo dhamaa 50 qoys ayaa waxaa uu qoys waliba uu hellayey tanag timir ah,haaf sonkor,haaf bariis ah iyo haaf daqiiq ah.xaagad saliid.

Dadkan deeqda lagaadhsiiyey oo ay wajiyadooda kamuuqatey farxad kadib markii deeqdan oo ay sheegen iney aad ugu baahnayeen lasoo gaadhsiiyey .

Ugu Horey Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo kahadashey goobtii raashinkaasi loogu qaybinaayey dadkaasi ayaa ugu horey umahadnaqdey madamatu Dacwatu alkhayriya oo iyadu deeqdan raashinka soo gaadhsiisey waxay sheegtey iney aad ugu faraxsan tahey iney maanta dadkan Agoomaha iyo Danyarta iskujira deeqdan soo gaadhsiiso.

Marwo Faadumo Siciid Waxay intaasi kudartey in maadama oolagu jiro Bishii Ramadaan waliba 10kii ugu dambeeyey ee danbidhaafka iney bulshadu ummadeeda inta baahan ay taageerto oo ay caawiyaan.

waxay bulshada somaliland ugu baaqdey Faadumo siciid iney caawiyaan dhamaan dadkooda baahan ee kunool gobolada somaliland Alle Sxw ayaa inoogu dambi dhaafayee.


Gabogabadii waxay Marwo faadumo Siciid Ibraahim ugu baaqdey Dhamaan shacabka somaliland ee kunool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba iney soo caawiayan dadkooga inta jilicda san meelkasta oo ay kaga noolyihiin Somaliland.


Sidoo kalle waxaa iyana halkaasi kahadashey mid kamid ah dadkii deeqdan lagudoonsiiyey oo sheegety ineya ad ugu faraxsan yihiin deeqdan soo gaadhey ayna umahadnaqayaan Hayada wadinag ah Ee ODHA iyo mudamtu dacwatu alkhayriya.waxaaney sheegetey iney ilaahey uga baryeyso inuu miisaanka xasanaadka ugu daro ajarkaa ay kashaqeysteen...



Sidoo kale waxay Waftigu komreer kusoo mareen oo ay soo indhoindheyeen xaafadah magaalada Berbera sida jaamalaaye,Burcosheekh,Laynka boliiska. kuwaasi oo ay kusoo arkeen qoysas inshoodu xuntahey oo ubaahan gargaar.


Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@hotmail.com
Hargeysa Somaliland