Hayadda Human Rights oo ku Baaqday  Baarit aan o lagu sameeyo Wararka Sheegaya in la dilay Hogaamiyihii Kooxda islaamiga ee Boko Haram


New York (Longlivesomaliland News) Haaya’adda qaramada midoobay ee u  do oda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch saldhigeedana uu yahay  mag aalada New York ee Dalka Mareekanka ayaa codsatay In Baaritaano Lagu  Sam eeyo Wararka Sheegaya in Ladilay Hoagaamiyhii Kooxda Islaamiga ee Boko Har am ee lagu Haystay Weeraro Taxane ah oo ka Dhacay Gudaha Wadanka  Nige ria,Gaar ahaan Waqooyiga dalkaasi oo ay Ku dhinteen dad farabadn

Hayaddan Humran Rights oo War Bixin ka soo Saaray Magaalada New York ee Dalka Mareekanka ayaa Sheegtay Inay Tahay Arin si Ween Looga Naxo Warar ka soo Baxay Ciidamada Bileeska ee Dalkaasi oo Sheegaya Maxmed Yuusuf oo ahaa Hogaamiyihii Kooxda Boko Haram in La Toogtay islamarkaana uu  Geeriyo oday Maalintii Jimcaha ahayd ee la soo Dhaafay

Danbi Baare ka Tirsan Hayadda Human Rights oo la Yiraahdo Mr Eric  Guttsc huss Ayaa Sheegay Talaabadii lagu Dilay Hogaamiyahan uu ahaa Mid Cayb ku ah Sharciga Booliska ee Dalkaasi Waxaana uu Sheegay in loobaahnaa in La Horkeeno Cadaaladda Si Loogu Qaado Danbiyada uu Galay

Hadalkan ka soo Baxay Hayadda Human Rights Watch ayaa ku Soo Aadaya Xilli Afhayeen U Hadlay Dowladda Nigeria uu Sheegay inay Toogasho Ku Dileen  Boo li ska Dalkaasi Maxamed Yuusuf oo ahaa Hogaamiyihii Kooxda Boko Haram ee Wadankaasi Xili uu Ka Baxsanayay Guri uu Si Dhuumaalaysi ah uu ku Noolaa Oo Ku Yaalay Magaalada Maidguri ee Ku Taala Waqooyiga Dalkaasi

Maxamed Yuusuf Waxaa Dilay Ciidamada amaanka ee Dowladda Xilli uu isku  Da yay Inuu Baxsado Waxaana Xaqiijin Karnaa Dilkiisa Waxaana Gacanta Ku Haynaa Jidhkiisa ayuu Yidhi mr Moses Anegbode Xillu uu La Hadlayay TV Maxali oo ku Yaalo Wadankaasi oo la Yiraahdo BRTV

Si Kastay Ahaatab Majirto Ilaa iyo Iminka Cid ka Tirsan Dhinaca Jabhadda  Isla amiga ee Boko Haaram War ka soo Baxay oo Sheegaya in La Dilay Hogaamiyihii Jabhadda

Jabhadda Boko Haram ayaa Baryihii Ugu Danbeeyay Dagaalo adag Kula Jirtay Xukuumadda Wadankaasi iyo Dadka aaminsan Diimaha Kirishtaantka ah ee Ku Dhaqan Waqooyiga Nigeriya

Boko Haram ayaa Micnihiisa Waxaa uu Yahay Waxbarashada Reer Galbeedka Waa Mamnuuc Waxaana Kooxdasi ay Leedahay Magacyo Kalle Duwan oo ay Ka Mid Tahay Ahlu sunnah Waljamaaca oo ah Intii Raacday Dariiqii Nagayna Suuban ee Muxamed (CSW) Waxaana Kooxda laga aasaasay Sanadkii 2002 Magaalada Maydguuri ee Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Borno Waxaana aasaasay Hogaamiyaha Kooxadani Maxamed Yuusuf oo ahaa Macalin Wax Dhiga Diinta Islaamka

Sanadkii 2004 Ayaa Kooxda Waxa ay Isku Fidisay Maamul Goboleedyada  Kan ama iyo Burno State oo Ku Yaala Dhanka soohdimaha ee Wadankaasi Nigeria

Waxaana Kooxda Ku Midaysan Ururo Dhinaca Diinta oo sidoo Kalle Qaar Kood ka soo Jeeda Wadanka Chaad Waxaana kooxdaasi ay Ku Eedaysaa Dowladda Nigeriya Danbiyo ay Ka Mid Tahay Qaraxyo ka Dhacay Wadankaasi Meelo Ka Mid ah taasi oo ay Ugu Wayneed Weerarkii Sandkii 2007 Lagu Qaaday  Maga alada Jos ee Caasimadda Maamul Goboleedka Plateau state Xilli ay Socd een Doorasho Madaxtinimo
 

 


Longlivesomaliland News Desk
New York Office