Hayaddaha Caalamiga Ah Oo Madaxtooyada Somaliland Ka Dalbanaya In Wasaarada Hawlaha Guud Laga Hoos Saaro Hayadda Waddooyinka

 



Hargeysa (TNN) :-Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dib u dhiska wadd ooyinka dalka, ayaa dib u dhiska waddooyinka dalka shuruud uga dhigay in hay’adda wadd ooyinka ee SRA (Somaliland Road Authority) la madaxbanaaneeyo oo laga hoos saaro was aaradda hawlaha guud, noqotana hay’ad madaxbanaan sidii ay ahaan jirtay dawladihii hor e.

Warar xogogaala oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hay’adaha caa lamiga ahi go’aansadeen inay madaxtooyada Somaliland u gudbiyaan dalabkooda ah in ha y’adda waddooyinka loo sameeyo xeer gaar ah iyo guddi madaxbanaan oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta. Hay’adahan ayaa aaminsan in mar haddii ay lac ag badan gelinayaan dhismaha iyo dib u dhiska waddooyinka dalka ay muhiim tahay in la he lo komishan gaar ah oo ay hay’aduhu si gaar ah ugala xisaabtamaan.

Hay’addan oo bilowgii dhismaha dawladnimo ee Somaliland ku hoos jiri jirtay isla wasaaradd a hawlaha guud ayaa mar dambe uu madaxweyne Cigaal ka hoos saaray, gaar ahaan xilligii uu soo baxay mashruuca dhismaha waddada Berbera Wajaaale ee lagu magacaabo Berbe ra Corridor. Xilligaas oo midowga Yurub iyo hay’adihii mashruuca la’ waday Somaliland dalb adeen in la madaxbannaaneeyo hay’addan, laakiin madaxweyne Siilanyo ayaa markii uu ta lada dalka qabtay wasaaradda dib ugu soo celiyey dhismaha wasaaradaha waxa aanu hoo s geeyey wasaaradda madaxtooyada. mar labaad ayaa uu haddana ka hoos saaray oo uu dib ugu celiyey wasaaradda hawlaha guud.

Lama oga go’aanka uu madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono soo jeedinta hay’adahan, s ida oo kale maadaama oo sababaha hay’adaha arrintan ku kallifaysay ay ka mid ahayd iya ga oo danaynayey hufnaanta xisaabeed iyo la xisaabtan lama garan karo in uu jiro madma dow xisaabeed oo xilligan soo dhex galay iyaga iyo wasaaradda, oo arrintan soo dedejiyey.

Wasaaradda hawlaha guud oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.