Hebel ayaa dal-ka ima-naaye Madaar-ka ha-la ii furo ani iyo dhamaan waxa ila socda.






Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu iyo ciid wanaagsan kuli caam wa antum bil kheyr.



Hebel ayaa dal-ka ima-naaye Madaar-ka ha-la ii furo ani iyo dhamaan wixi aan wato, sidoo ka le qol-ka nasashada"VIP-ROOM" isna waa in la-loo fura.

Wasiir-ku hadii uu diidana wax kale u jeed weeyi, umana dul-qaadan doono waxaas iyo wax la mida.



Waxa laga yaaba dad-ka qaar inay taageeran sida muuqa-taba xisbiya-da iyo shaqsiyaad-ka sidan ku doodaya inay sax sanyihiin ayna khalad tahay in laga hor is-taago Madaar-ka in ay gudaha la isla jiidho iya-doo la soo dhaweynaayo qof shaqsiya.



Waa ayaan daro weyn in qof-ka muwaadinka ahi uu kala garan waayo waxa ay dawladiisu xa qa ugu leedahay iyo waxa uu isagu xaq ugu leeyahay dawladiisa.Waxaynu wada ognahay ama dabcan sida sharciyan ahba mamnuuc ah in shacbi waynuhu ay madaar gudaha u wada galo ama qolka nasashada la yidhaa noo fura,

qof-ka qudha ama dad-ka madaar-ka gudihisa gali kara waa qof ama dad dani kaga xidhan ta hay oo ka dhoofaya ama ka soo dagaaya ku-waas oo sifo sharciya uga dhoofi kara ugana soo dagi kara.


Wasiir-ka waxaan ka codsa-naya saaxib-key ayaa soo dagaaye in uu madaar-ka noo furo si anu u soo dhaweyno hadii kale wixii meeshaas ka dhaca adaa ka masuula.



Wasiirka Duulistana waxa lagu haysta waa khalad maaha in uu qof kastaaba ama urur walba uu yidhaa hebel iyo heblaayo ayaa soo dagaaye madaar-ka noo fur,meeshu maaha sayladii x oolaha,  waa madaar caalamiya wuxuuna la qawaanuun yahay sida Madaara-da caalamiga oo kale, dad-kiinan qaylinaya ee ogol in Madaar-ka qof walba loo furo ordoo gala madaarada ku yaal dalalka aydu ku nooshihiin oo dhaha hebel ayaanu soo dhaweynayna ee madaarka noo fura bal in la idin-ka yeelo, hadii la idin-ka yeelo wasiir-ka duulustu wuu khaldanyahay, hadii la idin-ka diidana bilaa caleek in nin xil-kiisa gudanaaya ciyaar iyo cataw loola taga ma wacna.



Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo dhamaan Agasimka Wasaaradaas, waxaan ku h ambalyaynaya shaqada wanaagsan ee dadaalku ka muuqdo aydu qaranka u haysan halkaas ka sii wada,ha-na u joojinina dad-ka raba in ay qaynuunka iyo shuruucda dalka ufuraan ama u daciifiyaan hebel waa la garanayaa iyo heblaayo qof wacan ayay ahayd, qof walba marsiiya sharciga iyo qaynuunka lagu dhaqo haayadaha dawliga iyo meelaha dad-ka loogu adeegaba.



Maxamud Xaashi Cabdi ,halyeey qaranka .ka mudan xushmad iyo qadarin. muwaadinka dhabta ana waa in uu ku xushmeeya masuulkiisa wax qabad-ka muujiya uuna ku hambalyeeya, ta-lab aadna waxa wacan in aynu uga dambeyno masuuliyada iyo go`aan qaadashada masuuliyiinta aynu dalka u dhiibanay maaha in aynu la-maamulo.



NB: Waa waxaan cilmiga dawladnimo caarif ku ahayne, waa waxan caddaalad aqoon caaya wa x mooyaane.

 

 

 

 

Abdifatah O. Abdi (Abdi Kling king)
Alta Finnmarka
Norge
kling_king@hotmail.com