Hees Cusub oo loo Sameeyay Ururka Hidaha iyo Dhaqanka ee Murtimaal.Erayadii: Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
 

 

 

Madashii Abwaanada

Dhaqankii Mudnaa iyo

Maansooyinkeenii

Hal abuurka maantiyo

Heesaaga Meel maray

Maahmaahiyihii hore

Miligihii Aqoontiyo

Hiddihii Mudnaa iyo

Ma hadhooyinkii jiray

*******

Madal laga mabsuudoo

Midho fiican haysaa

Murti kaydinaysaa

Ku madhxisay bogoodee

Murtimaal ha moogaan

*******

Inta maanku dihinyahay

Maskadaadu taam tahay

Macagacaagu wali jiro

Een mawdku kuu iman

Waa maalmo duniduye

Taariikhdaada Mudan iyo

Aad mahadho reebtide

Talo lagama maarmee

Murtimaal usoo tabi

*******

Madal lagu mabsuudoo

Midho fiican haysaa

Murti kaydinaysaa

Ku madhxisay bogoodee

Murtimaal ha moogaan


 

Erayadii: Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland