HOGAAMIYE AHAAN IYO SIYAASI AHAANBA WALIGAY DAGAAL DADKAYGA IYO DALKAYGABA UMA QUUDHEEN

 

Waxaa Jira Dawlado Afrika iyo Caalamka Ka mida Oo Iskaba Daayay Door as hooyinkii; Reer Galbeedkana La-dagaalanka Alqaacida Taageero kaga Doona . - Axmed Siilanyo.


Magaalada London Galbeedkeeda waxaa shir balaadhan ku qabsadey Xisb iga Mucaaridka ee Kulmiye, shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye - West London. Haddaba shirkan oo ahaa shir balaadhan loona diyaariyay qaab casri ah waxa ka soo qayb galay badi tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee cariga Ingiriiska, iyagoo isaga kala yimi badi xaafadaha London iyo gobolada dalkaba.

Waxaa shirkan ka soo qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo), la-taliyaha Arrimaha Cafimaadka ee Xisbiga Kulmiye Dr Cumar Cilmi Dixood, Xoghayaha Arrimaha Debeda Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, Xildhibaano, Xubno guddida fulinta, madaxda laamaha iyo dadweyne tiro badan.

Ugu horreyn waxa shirkaa furay oo xidhiidhinaayay Jibriil Muuse oo ah afh ayeenka Xisbiga ee UK. Wuxuuna ku soo dhaweeyay Guddoomiyasha  laam aha, iyagoo ka hadlay arrimaha qaadhaanka ee laan waliba xisbiga kaga  qa yb qaadanayso. Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamuud Raage iyo Kayse Xiddig oo ka mid ah aqoonyahanka Xisbiga iyagoo ka hadlay arrimaha  wad dankii ka taagan, waxaa isna halkaas ka hadlay Xasan Cali Weyd oo ka mid ah odoyaasha magaalada Bristol, isagoo ugu baaqay qurba-jooga inay  tag aan waddankii doorashada oo ololaha ka qayb qaataan. Axmed Cilmi Barre oo ka mid ah guddida fulinta ee Kulmiye, ayaa isna halkaas ka hadlay.

Dr Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ah asaasayaashii Ururka SNM haddana ka mid ah Madaxda Xisbiga Kulmiye, ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dadkii ka soo qaybgalay jeclaysteen. Wuxuu sheegay in aanu maanta ahayn  Cum arkii geesiga ahaa, isagoo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “Maanta ma’ihi Cumar Dixoodkii geesiga ahaa waxaan taas u leeyahay 6 April wixii ka  dha cay Hargaysa ‘waxaan aan caadi ahayn’ saddex jeer baan anigu ku dhacay dhulka maalintaas oo ahayd Xuskii SNM waxaa naloogu jawaabay oo aanu ku xusnay xabad nalagu furay, haddaanu Kulmiye nahay waxaanu  balanqa adaynaa in aan maalin danbe xabad dadka lala dhici doonin oo dadka muda haraadayaa ee ra’yigooda cabiraaya aanu siin doono oggolaansho, annagu ma toogan doono ardeyda iyo shacabka Somaliland”.


Xoghaya Arrimaha Debeda ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa isna halkaas ka jeediyay barmaamijka Xisbiga iyo Manafee stadii Xisbiga. Ugu danbayntii waxaa halkaas lagu soo dhaweeyay Axmed Maxamed  Maxam uud (Siilanyo) wuxuuna hadalkiisi ku bilaabay: “Somaliland waa wadan nabad ah oo degen, oo ku naaloonaya nabad. Adduunkoo dhan taas baynu ugu faanaa, marka na loo eego waxaa ka socda Geeska Afrika. Waxaynu nahay wadan degen oo nabad ah, Somaliland dhib iyo inay wax noqoto midna lama jeclin, maalintii qaraxyadii cadowgu dhaceen daqiiqad ka dib anniga iyo Faysal waxaanu taagnayn madaxtooyada, annagoo aan muddo arag meelu uu ku nool yahay Riyaale. Waxay taasi naga ahayd wadan jacayl iyo dal jacayl”.


Mudane Siilanyo isagoo ka hadlaya wuxuu aaminsan yahay wuxuu yiri  ho gga amiye ahaan iyo siyaasi ahaanba weligay dagaal dadkayga iyo  dalkay ga uma quudheen, waan u soo halgamay dhisidiisana ka soo qaybqaatay, weligay xumaantiisa kuma fekerin, kuna fekeri maayo, taas macnaheedu ma’aha in aanu xaqa aanu u leenahay tartanka iyo doorashada uga  hadh no. Maanta waxa jira Dawladdo Afrika ama Caalamkaba ka mid ah, ‘annigu odhan maayo dalkaas iyo dalkaase’ oo iska daayay doorashaba oo laabay, dabadeedna wadamada reer galbeedka tageero kaga doona waxaanu la-dagalamaynaa Alqaacida” ee taas nagu taageera oo iska daaya  doorasha daanu ilownay. Riyaale iyo Xukuumadiisu taas bay ku dayanaysaa. Taasi kama suuro-gelayso Somaliland”.


Axmed-Siilaanyo wuxuu ka hadlay hantidii laga dhacay haweenka Somaliland. Wuxuu mas’uuliyadda arrintaas dusha ka saaray Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuuna yiri “lacagtii haweenka iyo hoyooyinka Somaliland laga dhacay waxaa mas’uul ka ah Baanka Dhexe, isaga ummadda uga wakiil ah wixii hanti ah. Wuxuu noqdey mid gabay kaalintaas oo musuqmaasuq ku caanbaxay. Waxaa Hargeysa laga furay Baan ajaanib leeyahay, miyaa ganacsatadeenna laga waayey inay mid furaan, maya ee waa loo diiday, waxaana looga ogolaaday Jabbuuti iyo Yemen”. Axmed Siilaanyo wuxuu ammaan aan xad lahayn u soo jeediyay Qurba-joogga, wuxuuna sheegay inay yihiin mashiinka waddanka wareejiya, wuxuu ka codsaday inay waddanka yimaadaan oo ka qaybqaataan doorashooyinka, wuxuuna sheegay in uu safar ku tegi doono wadamo Yurub ah oo uu magacaabay Swedan.


Shirkan oo ahaa mid ay soo agaasimeen Xisbiga Kulmiye garabka Haweenka West London waxaa ka soo qayb galay bulsho badan oo iyagu ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska, wuxuuna ahaa mid habaysan, waxaan idin soo gudbin doona warbixino kale oo ka hadlaya shirkan.

 


Muniir Axmed Cigaal

freelance Journalist
E-mail muniir10@gmail.com