Hogaanka Sare Ee Kulmiye Oo Si Weyn U Dhaliilay Siyaasada Arrimaha Gudaha Ee Xukuumada Siillaanyo

 


Hargeysa, November 30, 2010 (TNN) - Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha gudaha ee xukuumada madaxweyne Siillaanyo ay dalka ku hogaa minayso, isla markaana ay ku tilmaameen hadalkii wasiirka arrimaha guduhu Dr. Maxamed Cabdi Gaboo se kaga hadlay waftiga Puntland ee socdaalka ku jooga Buuhoodle aanu ahayn mid ka turjumayay goni isutaaga madaxbanaanida Somaliland iyo barnaamijkoodii xisbiga KULMIYE lagu soo doortay.

Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay kiiska dhaqan xumada ah ee loo haysto ninka u dhashay dalka Jarmalka iyo arrimaha ku saabsan Sheekh Aadan Siiro.Sidaana waxay ku sheege en shir jaraa’id ay wada jir ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye ku xigeenka labaad C/raxmaan C/qaadir Faarax, guddoomiye ku xigeenka saddexaad C/ r amaan Maxamed Talyanle, xoghayaha guud Kayse Xasan Cige, guddoomiyaha garabka haweenka  Can ab Cumar Ileeye.

Masuuliyiintan waxa ay sheegeen in dalka ay ka dhaceen xad gudubyo baahsan iyo hadalo is burinaya oo ka soo yeedheeyey masuuliyiinta qaranka hogaamiya, mudadii gaabnayd ee ay xukumada cusubi ji rtay. Arimahaas oo ay ku sheegeen in ay ku soo beegmeen wakhti la filayey in xukumada cusubi la  tim aado wax qab muuqda oo ku salaysan siyaasad cad ee ay tahay in qaranka lagu hogaamiyo, iyadoo la fulinayo ballanqaadkii uu Xisbiga KULMIYE galay wakhtigii lagu jiray ololaha doorashadii madaxtooyada.

Masuuliyiintan Xisbiga tallada haya ee KULMIYE waxa ay hoosta ka xariiqeen xad gudubyo ay ka mid yi hiin dad jidh dil loo geystay, suxufiyiin xadhig lagula kacay iyo caga juglayn loo geystay iyo hanjabaado ka dhan ah qaar ka mida culimada waa -weyn ee dalka.

Madaxdani waxa ay sheegeen in xisbiga KULMIYE uu si cad uga soo horjeedo xadgudubyada foosha xun ee ay ku kaceen qaar ka mid ah masuuliyiinta xukumada cusub, iyagoo u soo jeediyey Madaxweyne Si ilaanyo si deg deg ah raali gelin uga bixiyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha mudadii ay ji rtay xukumadiisu.

Sidoo kale masuuliyiintani waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen dadaalada nabad raadinta ee ka socda Gobolka Buuhoodle ee lagu heshiisiinayo labada beelood ee walaal ah ee dhawaan dagaalku ku dhexm aray deegaanka Kal-shaale. Iyagoo rajo fiican ka muujiyey in xal nabadeed oo kama dambays ah lagu soo afjaro colaada labada beelood ee walaalaha ah.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE C/raxmaan C/qaadir Faarax oo ka hadlaya shirkaasina waxa ka mid ahaa hadaladiisii Yeelimayno in sharci aan ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo dabigaa uu galay, maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay in hogaanka xisbigooda ay ka soo horjeedo in la marin habaabiyo ama been loo sheego dadweynihii soo doortay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi “Annagu hadii aanu nahay hogaanka xisbiga KULMIYE ma doonayno inaanu marin habaabino shacbigii na soo doortay, waana in si daacad ah xukumadu ugu shaqayso.”

Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaa dir Faarax xadhig la sheegay in xukumadu la damacsan tahay Sh Aadan X Maxamuud (Aadan Siiro), ka asoo uu ku tilmaamay inuu xadhig sharci daro ah yahay, isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taalla. Iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo uu sheekhu galay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “ Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in lagu xidho Sh. Aadan Siiro, ani gu waaban la yaabay markii aan maqlay arintaas Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay arintan uga la xidhiidhayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweyne Siillaanyo marka uu dalka ku soo laabto, isa goo arintaas ka hadlayna waxaa uu yidhi “Arintan waxaanu kala xidhiidhaynaa Wasiirka la sheegay in uu amarka bixiyey Sheekha iyo Madaxweynaha marka uu dalka ku soo laabto.”


Source:Haatuf