HOGAANKA XISBIGA KULMIYE, HA KALA DOORTAAN GO’II SHAALKA AHAA, GIDAAR RAACII IYO NABADA

 

Somaliland waa dal aan wali icitiraaf helin, balse ay ka qabsoomeen sadex doorasho oo kala duwani, kuwaas oo aan inta badan ka dhicin Qaaradda Afrika, Doorashooyinkaas oo kala danbeeyey, waxa ugu horeysay Doorashadii Golayaasha Deeganadda ee qabsoontey 2002, Doorashadii Madaxtooyadda ee iyana qabsoontey 2003 iyo Doorashadii Golaha Wakiiladda JSL oo iyana qabsoontey 2005.

Dhamaan doorashooyinkaa dalka ka dhacay waxay ku qabsoomeen si nabadgleyo iyo cadaalada ah, guushaa u soo hoyatey Somaliland waxa sheegan kara Xukumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo shacbiga sharafta leh ee reer somaliland, waxaaney hirgelinta doorashooyinkaasi saxadda siyaasadda ku soo celisay rag badan oo damacoodii siayaasadeed meel iska dhigey xilgii Maxamed X.Ibraahim Cigaal uu talada dalka hayey, sida gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, oo hore ugu dhawaaqey inuu siyaasadda ka fadhiistey, waxaana ay tahay inuu qiro wax qabadka xukumadda oo isaga ku soo noqoshadiisa siayaasadu kawo ka tahay.

Haddaba waxa hagardaamo ku ahaa horumarinta dalka JSL Xisbiyadda mucaaridka ah, oo markasta caqabado joogto ah kala hor imanaayey talaabo kasta oo xaga saxda ah loo qaado, iyagoo ka doorbidaayey danta ummadda, sidii ay kursiga u fuuli lahaayeen qiimo kata oo ay ugu kacayso, halka ay xukumaddu ay markasta xooga saarto horumarinta bulshadeeda danyarta ah, arrinka Kulmiyina waxa uu ka dhigan yahay (hal booli ahi ma dhasho nirig xalaal ah).

Waxa jirta in aad moodo in xisbiyadeena macaaridka ahi ay daruus ka qaateen qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gobolka, duruustaas oo ay hada muuqato ifafaalaheedi, waxa aynu ka dhadhasan karnaa habdhaqanka xisibiyadda mucaaridka ee hadda jira, kuwaas oo hada ka soo horjeestay in ay dhacado doorasho xor ahi, balse ka doorbidaaya in ay muran geliyaan xeerarka iyo Dastuurka Qaranka.

Waxaana jirey safaro kala duwan oo ay hogaamiyaasha muwcaaridka ahi ugu baxeen mandaqdda aynu ku nool nahay, sida safarkii uu gudoomiyaha Xisbiga kulmiyey ku tagey dalka Kenya, iyadoo websaadyadda somaliland lagu baahiyey, in Gudoomiyaha xisbiga kulmiye is arkeen Nuur Cadde iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Somaliya, ihalkaana ku wada qaatey awaa-miir iyo arrimo badan oo ka dhan qaranimadda Somaliland, waxaana la sheegay in ay isla qaateen sidii aaney doorashadu ugu qabsoomi laheyn dalka, taas ay muuqato sida Kulmiye diyaarka ugu yahay fulinta arrimhaas, waxaana marag ma doon ah sida Xisbiga Kulmiey uga soo horjeestay qabsoomida doorashadda Madaxtooyadda ee Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimay 31/05/09. Iyadoo aaney jirin door uga banaan Golaha Wakiiladda, balse ay tahay arrin u taal sadexda haay’adood ee kala ah Komishanka, Xukumadda iyo Guurtida.


Xukumadda somaliland oo marwalba u taagan horumarinta, iyo hirgelinta dumuquraadiyadda Dalka somalilland, waxa ay marar badan ka dhawaajisey, in ay diyaar u tahay qabsoomid doorashadda Madaxtooyadda JSL, iyo fulinta doonista shacbiga somaliland, iyadoo waliba kaga dhawaajisey in hadii laga guulaysto ay si niyad sami ah ku wareejin doonto xukunka, waxaana masuuliyadda dib u dhaca doorashadda leh kulmiye, oo ka baaqsadey magacaabida xubintii uga mid noqon laheyd Komishanka doorashooyinka Qaranka. Kuna qaadatey xulistaa xubintaasi mudo ka badan sadex bilood, iyo loobimkii kulmiye ka galey Golaha Wakiiladda si aaney u dhameystirmin xubnaha komishanku, hadana, waxa uu wali leh dib u dhaca qabsoomida doorashadda kumiye oo diidan in uu saxeexo mudeynta maalinta doorashadu dhacayso, maalintii dib uga dhacda mudada qabsoomida doorashadu waxa ay ka go’an tahay mudada loo cayimay doorashadu in ay dhacdo 31/05/09.


Waxaan muqaalkan ku soo gunaanadayaa, in ay shacbiga somaliland ka foojignaadaan, wax kasta oo kala fogeyn kara, kalana gartaana nacabkooda iyo nasteexooda, waayo waad aragtaan hagardaamooyinka iyo hanjabaadaha joogtadaha ee hogaanka xisbiga kulmiye ku hayo qarankan curdinka ah, iyadoo sida la wada og yahay intooda badani yihiin niman aan dalkan waxba ka oolin, dana aan ka lahey, bulshaduna ka nasatey intii ay saxaadda siyaasadda ka maqnaayeen (Mood iyo Maalba), kuna nool guryo dawladeed iyo hudheelo, waxaanan u soo jeedin lahaa, hogaanka oo la ogaa inay ku caan baxeen hurinta colaadaha ay kala doortaan go’ii shaalka ahaa iyo gidaar raacii iyo Nabada iyo horumarka ka jira somaliland.
 

 

 


Sulieman Ahmed

Hargeysa, Somaliland