HOGGAAMINTA HABBOON


 


“Rag madaxdu ka halowdaa, waa marrin habaabiye.”- Af-Qallooc



Hordhac:


Hoggaaminta ayaa asal ahaan ku siman ammin dheer oo ka soo bilaabanta abuurtaankii aadamaha. Saddex haddii la noqdo, waa siduu Nebigeenii suubanaa(NNKH) ina faree, waa in mid hoggaamiye loo doortaa. Haa, hoggaamintu sidaasi bay lama huraan u tahay waayo sanku-neeflaha ayaa ah mid aan ka maarmin hab iyo hannaan kala wada, oo soo dabaala nidaam macno leh , si loo yeesho hiraal mug leh, loonna gaadho ula jeedo laga mideysan yahay. Haykalkaasina badhida salka ma dhigi karo hadaan la helin hoggaamin himilooyinka guud ee dadka mideysa.


Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa waxay dadku aaminsan yihiin - dabcan ma aha dadkoo dhan, waa se dadka hormoodka u ah isbedelka la rabo.


Marka qaybaha nolosha dhan walba laga jeedaaliyo, hoggaamintu waxay noqonaysaa ta ugu soo noqnoqodka badan. Hoggaamintuna sida dad badani u haystaan ma ah baarka ugu sareeya ee geedka hadhaca ah ee siyaasadda ee la wada hadhsanayo. Taa lidkeed, Islaamka ayaa in baray in qof weliba hawsha loo igmaday masuul ka yahay. Hoggaamiyuhu waa masuul, wuxuuna ka masuul yahay hawshiisa. Sidaasoo kale ayuuna qof kastaaba masuuliyaddi u saaran tahay. Masuuliyaduna waxay bilaabantaa maalinta uu qofku qaan gaadho, caqli iyo cudud lagu tamarin karona yeesho, ma se aha marka xil loo dhiibo amma se loo magacaabo.


Hadaba, waxaa isweydiin mudan, wax ay hoggaamintu tahay? Maxayse faa’iido u leedahay bini’aadamka? Ilaa haatan lama hayo qeexid si dhab ah isugu xoorsatay rasmi ahaan waxay hoggaamintu tahay. Lama odhan karo si hufan looma qeexin, bal se waan la helin mid dhamaan walxaha hoggaamintu ka kooban tahay meel ku weelaysa. Waxaan se la hilmaami karin raggii u hawl galay, isuna deyey inay macno qurxoon u sameeyaan.


Burns[1978] ayaa hoggaaminta ku qeexay, “ hoggaamiyaha oo ka raarida shacabkiisa abuuridda hadaf laga wada siman yahay oo ka turjumaya qiyam iyo qaneecaad, doonid iyo rabitaan, himilo iyo hiraal- ay hoggaamiyaha iyo la- hoggaamiyhuba wadaagaan.” Sidaaso kale, Daariq Suwaydaan oo isna takhasus ku leh hoggaaminta ayaa wuxuu ku tiraabay,”dadka oo lagu hago hadafka la isku halaynayo in la hiigsado.”


Dhanka kale, mufakirkii weynaa ee cilmiga maareynta, Chester Barnard, ayaa buuggiisa ‘Functions of Executive’, ku qeexay in hoggaamintu tahay: “Tayadda asluubeed ee xubno bulshada ka mid ahi leeyihiin, halkaasoo dadka kale u jihaysa fulinta hawl hannaan san leh, loonna abaabulay si miyir qabta.” Aragtidiisa caanka baxday wuxuu u sawiray sidii shaxan saddex-geesoodle ah, oo ay cidhifyada ka taagan yihiin saddex kooxood oo is xidhan: (1) Hoggaamiyaha, (2) La-hogaamiyaha(shacabka) (3) Iyo xaalada markaasi lagu gudo jiro. Saddexdan ayaa isla fal gala si loogu hawl galo ka dhabaynta himiladda guud .

Hoggaamiyahu waa hagge, waanna hoga-tusaaleeye dadka ku hanuuniya hadafka iyo yoolka la dhigtay. Wuxuu abbuuraa deegaan lagu hirgelin karo ula jeedooyin qeexan. Hadaanay hoggaaminta dadka hagaysaa jirin, hadaan hami la xambaaraa meeshaba oollin, hadaan xeerar dadka lagu dhaqaa dejisanayn, shaki la’aan bini aadnimadu madaxay dhulka daraysaa, dadkuna wuxuu yeelanayaa debiciga duurjoogta, “ Xeerka Kaynta” ee awoodu hadashana wuxuu noqnayaa mid hirgela. Kolba kii itaal is bidaa, ka kale ayuu cagta hoos mariynayaa si uu uga fushado dan gaar ahaaneed oo uu ka kale ka leeyahay: ha noqoto mid hunguri xukumo amma mid si kale ahb’e.

Marar badan ayeynu malaysanaa in hoggaamintu keliya ku xidhan tahay dhaqanka iyo debciga qof keliya oo bulshada ahi yeelan karo, oo uu ku hoggaamiyo bulshadda inteeda kale. Inkastoo taasi mararka qaar dhacdo; hadana waxaan odhan karnaa: Maya, muhiimadu halkani kuma jirto. Kama dhibcaanku waa tayadda shacabku kolba yeesho, taasi oo go’aamisa hoggaamintu halkay isugu biyo-shubanayso.

Dhan kale, sida ay ku midaysan yihiin, labada aqoonyahan ee reer galbeed, F. A. Nigro iyo L.G. Nigro, dulucda hoggaamintu waa duufsiga falalka dadka kale; tayada hoggaamiyaha dhabta ahina waa inuu dadkaasi ku qanciyo inay ku taageeraan in hiraalka la beegsanayo si hawl yar loo gaadho.Waxay se akhriste tani ina baraysaa in hoggaamintu tahay karti loo yeesho saamayn ku yeelashada ummadda, hab dhaqankoodana lagu qorqoro, si ay ugu jajabnaadan fulinta go’aanadda ka soo fula hoggaaminta.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaaminta haboon ayaa dhagaheenu ugu maqal badan yihiin mar dhawaalaba. Hal haysta ugu badan ee ay adeegsadaan dadka dhaliila nidaamyadda ka jira ‘Dunida Saddexaad’ iyo ‘Dunida Islaamkuba’ ayaa ah: habacsanaanta hoggaaminimo ee ay ku caanka baxeen. Hoggaamintu haday lahayd hu’ ay huwato, isunna asturto, milgo sarena u yeela, halkan iyo halkeerba waa lagu arad tiray. Kolkani waxay isweydiintu noqonaysaa halka ‘habaarku’ kaga dhacay hoggaaminta dunida Islaamka ah ee aynu ka tirsan nahay. Jawaabtu waxay ku kooban tahay inagoo ka hallawnay tubtii Rebigeen ina faray, tu’ aynu “wacnaan” u haysanona ka door bidnay, isla taasi danbena aan weli si fiican u qaadan, ugunna tababaran sida loo raacayo majaraheeda iyo xeerarkeeda, labadaba.Waxay arrini haddeer maraysaa halkuu X. Aadan Af-qallooc ku tilmaamay:


“Qudh kaliyoon xil lagu aaminoo qiimo laan jirine,

Haddii aanu Allaa qaaddiree qiil inoo bixinin,

Oo aanu Qaliifyo u sakharin qaata amarkeenna,

Nin walbaw xabaashaada qodo nololi waa quuse.”


Diirada aynu dulqabano sida haboon ee la inaga rabo in ay hoggaamintu u eekaato. Mar uu Nebigu (NNKH) uu la dardaarmay asxaabigii Cabdulraxmaan Al-Samura, wuxuu kula teliyey in aaanu baadi-gooban madaxnimo, haddii uu daba galana, ku waayi doono taageeradii Eebe uu siiyo kuwaan xilalka hoggaamineed aan raadsan. Mar haddiiba Islaamku halkaasi ka joogo, maxaa suurto gelin kara in qof hoggaamiye loo doorto? Jawaabtu waa mid fudud, waxayna ku af-jarmaysaa hawsha qofka u hagta xilka hoggaamineed.


Halbowlaha Hoggaamiyaha:


Waxaa dharaarta ka cad in Nebi Maxamed(NNKH) u ahaa qofkii ugu guusha badnaa ee soo mar taarikhda bini-aadmiga. Keliya ma ahayn hannad Rebbi adoomihiisa ka doortay, oo uu ku ilhaamey diin isbedel nolosha ku keentay, sida uu yidhaahdo Thomas Carlyle, bal se wuxuu ahaa tusaale nool oo loo soo diray naflaha si uu u meel mariyo fariin Eebe ka timid oo inaga baajinaysay in koonkan dushiisa ku bahalowno. Waxaynu ogaanaynaa in hoggaaminta ay ka horayso ku dayasho, qofka is biday inuu hoggaamiye noqdaa, ha sameeyo isagu ficilka intaanu amrin dadka kale. Nebi Maxamed (NNKH) waxa uu ahaa kii ku sifoobay arrimahani: runta, oofinta ballanta, taageeridda dadka tabaalaysan, geesinimada, garaadnimada, iyo ammaanada ka hore intaanu cidba kula dardaarmin.


Si dhab ah wuxuu inoo tusay tiirarka adag ee lagu qotomiyey guulahaasi uu gaadhay. Sirtu waxay ku duugan tahay silsiladdii nololeed ee Nebiga (NNKH), oo inaga haqab tiri karta baahida aynu u qabno mabdayda muhiimka ahaa ee lagu sidkay hoggaankiisii haboonaa. Run ahaantii, Nebigeenu wuxuu ahaa mid nolosha dhanka togan ka daymoon jiray, hawl kasta oo uu horkacaana waxay abuuri jirtay han sare oo ummadda Islaamka ah hagga, oo u dhaweeya hiraal kale oo nafci leh.


Dhanka kale, mar Plato la weydiiyey dadka uu u xulan lahaa hoggaanka, wuxuu ku soo koobay:’waxaan xulan lahaa kuwo beenta neceb, runta jecel, lexo-jeceladda leh, dad la dhaqanka fiican, geerridda aan ka baqan, xasuustana fiican.’


Si walba oo hadalka loo dhigay, iyo xikmad kasta oo lagu masaalayba, hoggaamintu waa inay yeelata mabdayo dhawr ah oo hagga hoggaamiyaha, si uu uga badbaado tagri fal uu ka galo masuuliyad if iyo aakhiroba laysu xisaabin doono. Maba’daydu waa in aanay iska noqon kuwo layska soo naqilay oo keliya, oo macnihii gacan-ka-qabashadu meesha aanay ka muuqan. Waa inay ahaadaan kuwo laga soo dheegtay Kutubka Alle iyo sunnadii Rasuulka. Intani hoos ku qoranina waa mid nuxur u sii yeelaysa hoggaamiyaha iyo habkiisa hoggaamineedba.


Aqoon xikmadaysan :Aqoonta dhabta ahi ma ah wax qofku qof kale ka soo guuriyo, manna ah wax loo maro dhabbooyin aan dhamaad lahayn oo daba-furan, waa se dadaal joogtaysan oo qofku sameeyo oo dhaqan iyo asluub wanaagsan dhaxashiisa. Dhab ahaan, qof kastaa aqoon waa yeelan karaa, misna heer sare ka gaadhi karaa. Bal se in xigmad aqoontu lammaanaysaa waa arrin kale. Xigmaddu waa awoodda dhabta ah ee qofka u sahasha in uu aqoontiisa ku dabaqo xaalado gaar ahaaneed oo markaasi jirta si loo gaadho natiijo midho dhal leh. Xigmadu waa jawharada hoggaamiyaha dhabta ah, waayo waa ka u xilka saaran wanaajinta aayaha ummadiisa. Hoggaamiyuhu waa inuu maskax furan ku darsadaa siduu ula dhaqmi lahaa awoodaha ku xeeran, gaadhina karaa go’aan togan oo saameeya bulshada uu hoggaaminayo.

Aqoontu xikmadaysani waa in ay hoggaamiyaha bartaa dareenadda dhabta ah, baahida joogta ah iyo duruufaha ku gadaaman dadkiisa.Waa in uu dadkiisa ka haqab tiraa waxay ka rabaan inuu u hoggaamiyo iyo in kabadanba, wuxuu aqbalaa canaanta shacabka, yeyba noqon mid uu kasbadee. Si walba oo ay tahay, aqoontu waa inay hoggaamiyaha u yeeshaa dabci naf-hurnimo. Waa inuu naftiisa u huraa dadka kale, maaha kuwo lafahooda iyo inta ku xeeran naax naaxintooda ku hawlan, balse waa kuwo intaasi ka han weyn. Meel ka saraysana higsigoodu yahay.

Garsoor xaq yaqaan: Marka la soo hadal qaado halbolaha dhiigga qaada ee hoggaaminta, waxaa maskaxdaada ku soo degdegaysa garsoor caddaaladi hagayso. Garsoorku hadaanay ku lamaanayn naxriis wuxuu ka turjumayaa ad adagay aan loo baahnayn. Naxriis aan garsoor aqoonina waxay horseeda quf iyo qalalase ku yimaada nolosha bini-aadmiga. Alle wuxuu Nebigiisa faray inuu noqdo garsoor naxriis leh waxaanu ku yidhi: (Haddii aad ahaan lahayd mid qalbi engagan dadku way kaa ag yaaci lahaayeen)[Al-cimraan].Hoggaamiyuhu waa in si fiican u adkeeyaa xadhkaha dheelitira miisaanka garsoorka, si uu u dhawro wanaaga iyo wada noolasha ummadiisa.

Markii Nebigu(NNKH) iyo asxaabtiisu Madina ku sugnaayeen, Nebigu wuxuu amaray in gacanta la gooyo nin xatooyo ku kacay. Qaar ka mid ah asxaabtiisa waxay malaysanayeen in xukunkaasi aan la hirgelin doonin mar hadduu xidhiidh qaraabnimo ka dhexeeyey ninka tuugnimada ku kacay iyo Nebiga. Nebigu(SCW) markuu maqalay arrintaasi, ayaa isagoo ka xun, wuxuu u sheegay in haddii inantiisa Faadumo dembigaasi geli lahayd, inaan marnaba laga dhaafeen, xukunkana Allena la marin lahaa. Wuxuu xasuusiyey in bulshooyinkii hore loo burburiyey iyagoo dadka maalka leh iyo kuwo baahanba xeerar u kala gaar ah lahaayeen.

Geesinimo: Qof kasta oo hoggaaminta u badheedhaa waa inuu laabta u raarido inuu noqdo tusaale hir abuura oo lagaga daydo geesinimada. Dadku waa in aanay hoggaamiyahooda moodsanin mid ka baqaya in uu waajaho khasaaraha ka yimaada go’aan qaadashadiisa. Waa inuu dhibaatooyinka waajihi karaa. Geesinimana waxaa ugu wacan inaad qadarka Alle iyo wuxuu qoray aad aaminto waayo waxaad ogaanaysaa in aanay kugu dhacayn wax aan ka ahay wuxuu Ilaahay kuu qoray.


Sowkii Xaaji Aadan Af-qaflooc lahaa:


“ Geesiga senaad weyn leh iyo fulaha seerara,

Geerida u siman sharafna way kala sarreeyaane,”



Sun ku siiye subbag sii: Ma aha xaajo sahlan in aad kasbato cadow aad ogtahay in xadhigaad xidhaba uu mandiil afdaran la daba jooga; dabadeena saaxiib aad ka dhigato. Haa, ma sahlana waayo waa arrin adag oo Ilaahay siiyo cid nasiib wacan. Alle se wuxuu ina faray in wanaag loogu abaal gudo ka xumaha ku bada. Bal ka waran kii kuu xigay markuu ku xumeeyo ee aad iska dhaafto; iyadoo aan ognahay maahmaahda ah ‘Nabar aan hadhin naxli sokeeyaa leh’? Nebigu (NNKH) intaanu samayn waxaa lagu baray Quraanka oo looga sheekeeyey sida uu Nebi Yuusuf (CS) uu ula dhaqmay walaalihiis, inaguna waa inaan barannaa, kunna dhaqanaa.Wanaag samayntu waxay raad ku reebtaa qabliga ruux debiga falay. Waxay ku abuurtaa soo jiidasho hor leh oo uu qofku kale u qaado. Marag madoon waxaa u ah siduu Nebigu ula dhaqmi jiray gaalladii reer Qureysh.

Doorashadda Awoodda Nabadeed: Colaadu ma beerto waxaan ahayn midho xun waayo waxaa lagu abqaalaa nacayb, waxaa na lagu waraabiyaa dhiigga dadka lala dirirayo. Ilbaxnimaduna inama farto ‘si-welba’ yeelka. Taasi lidkeeda oo ah in nabad wax lagu weeleeyaa ka qumman tan hore. Nebiga(NNKH) iyo ciidankiisu markay qabsadeen Maka, waxaa la hor keenay cadowaydii ugu waaweynaa ee uu dhabanka dhulka ka dhigi waayey. Waxay ahaayeen been abuurayaashii dagaalka kulul kula jiray. Nebigu wuxuu ka doortay xikmad odhanaysa ‘ha ka aargoosan , laga yaabaa in beri anfac laga helee.’ Wuu cafiyey, xoriyad buuxdana siiyey. Natiijaday dhashay waxay ahayd arrin mahadho reebtay: in dhamaan ay si deg deg ah u aqbaleen diintii Islaamka.

Tanaasulaad: Raganimada ta ugu saraysaa waa danta guud oo aad ka doorbido, kanna horraysiiso dantaada gaarka ah. Markii Heshiiskii Xudaybiya dhacayey, Nebiga (NNKH) wuxuu ku saxeexay, Maxamed, Rasuulkii Alle. Waftigii Quraysh ka socday way ka diideen, cadho badana ka muujiyeen. Nebigu ( NNKH) ismaba lurin e wuxuu si fudud ugu bedelay, Maxamed, Wiilkii Cabdilahi. Tanaasulaad in la muujiyaa maaha doqoniimo, manna aha liidnimo. Waa in dhego nugayl laysu muujiyaa marka arrimahu cakirmaan, himilo la beegsanayona jirto, waa arrinta sirta u aha hoggaaminta haboon. Waxaa si hufan arrintani u sharaxay odhaahdii Caasha ( Alle ha ka raali ahaadee ), ee ay tidhi: “ Markasta oo ay Nebiga ay la soo gudboonaato laba arrimood, wuxuu ahaa kii doorta labadda teeda fudud.” ( Al Bukhaari). Doorashada labada ka fududi waa labada ka macquulsan, ka kaasi doortana waa ka dhab sheegi karaa yoolka uu beegsanayo.

Wada tashi: Wada tashiga ayaa ah in lays dhaafsado aragtiyo si meel laysula dhigo arrin qof wax ka badan saamaynaysa. Wada tashigu waa inuu yahay ubucda hoggaaminta, si hadhow loo gurto hoobaan macaan. Wada tashigu wuxuu meesha ka saaraa kelitelisnimada; maxsuulka arrimaha laga wada xaajoodaana, wuxuu ka dhigan yahay mid dheef iyo dhibba la qaybsado. Waanna waxyaabaha hormarka ka kow ah, Ilaahayna Nebigiisa (NNKH) wuu amray (La tasho Arrinka) [Al-Cimraan] muuminiintana wuxuu ku ammaanay (Amarkooduna waa wada tashi)[ Ash-shuraa].

Diinteenu waa taasi dhiirigelinaysa is dhaafsiga aarada si fahan iyo saaxiibtinimo ka muuqato. Soomaalidu waxay tidhaa, “ Arrintaan la ruugin, waa lagu rafaadaa”. Hoggaamiyuhu waa in uu la tashadaa dadkiisa waayo waxay u muujinaysaa kalgacaylka uu u hayaa intuu le’eg yahay. Yaallaba talo-wadaagu ma aha arrin ay “Dunida Islaamku” sidii la rabay u adeegsato. Markaynu inagu iska hadalno, gacmahaa dhafoorka ku engegay! Waa taasina ta in badda in had iyo jeer madax isla wada galo, shacabkana ku xidhay qol madow oo si looga baxaa ay adag tahay. Waxaan u aanaynayaa inagoo sirtii diinteena ku jirtay hilmaamnay.




Ha hareer marin waanadda:



Waanadii Cali Bin Abii Daalib ee Maalik Ashter, Badhsaabkii Masar


‘Ogsonow Malikow! Waxaa kuu dirayaa gobol hortaa ay soo mareen hoggaamiyaal cadaalad iyo cadaalad daroba lahaa. Dadku waxay si weyn ugu fiirsan falalkaaga; sida aad adiguba u dhugan doonto kuwooda. Wey kaa hadli doonaan; sida aad adba uga hadli doontid. Ogow, dadku waxay si wacan uga hadlaan hoggaamiyihii u wanaagsanaada. Dadku waa kuwo maragga u noqonaya falalkaad samayn doonto. Hadaba, sirta dahabiga ah ee aad yeelan doontaa waa camalka wanaagsan oo aad samayso. Ka Ilaali naftaada rabitaankeeda, unna diid inay yeesho wixii loo diiday. Qalbigaaga sii shacabkaaga, kalgacayl iyo naxriisna ha kaa arkeen. Ha ula dhaqinmi sidii oo ay yihiin ma noolayaan. Hanna isa siin wixii hanti iyagu leeyihiin.



Ha odhan: ‘ Waxaan ahay keli teliye, sidaasi darteed amarkayga waa in la qaataa.’, taasi waxay kugu keeni kartaa inuu qabligaagu xumaaado, imaankaaguna hoos u dhaco. Waxayna kugu abuuraysa qas iyo qalalaase aanad maarayn karin. Marka aad awoodda hanto, haddii dhibicna ha ahaatee aad dareento calaamadaha kibirka iyo isla weynida, u soo noqo Alle, una fiirso awood Alle ee baaxada weyn ee koonkani aynu joogno. Bal eeg waxa awood iyo maamul ah haba yaratee kuma lihid abuurta sidani u dhigan. Waxay tani kuu soo celin doontaaa miisaankii caqliga, waxayna ku gelin doontaa dareen degen iyo cabsi Alle. Iska jir! Inaad marnaba ka hor timaado Allihii ku uumay, adduunkana maamulkiisa hayey, amma isu saansaan eekaysiiso, waayo Alle waa ka hoos u dhiga mid kasta oo kibir badan, oo ka badbadiya nimcada la siiyey.”



Haatan iyo dan:



‘Waxba hadalku yuu ila hugmine, waxaan ku soo hoorshay’, hoggaaminta ma aha keliya in hebelo laysu bedelo, madax ka duwan kii hore ee la arkayna meesha la fadhiisiyo. Waa se in had iyo jeer laysla meel dhigo hannaanka loo marayo isbedelkaasi, lanna sii xaadho majaraha inagu hagaya sidii aynu wada jir ugu gaadhi lahayn himilideena guud. Hoggaaminta milgaheedu waa isbedel joogtaysan. Isbedelkaasi ma ah mid hoggaamiyuhu keeno oo keliya ,sida uu hoggaamiyaha haatan ee Maraykanku halhaysta uga dhigan jiray, isaga qudhiisuna waa inuu giraanta isbedelka goortiisa raacaa. Hoggaamiyahu ma aha inuu ku dhagaxoobo kursiga misna aamino in cid isaga dhaantaaba aanay jirin. Waxaan caad saarnayn in hawl karnimida iyo hormoodnimada hoggaamiyahu kolba ay is dhinto, ilaa ay ka gaadho heerka ugu hooseeysa, ee uu hoggaamiyuhu tallax gabo. Taasaan ah sababta ugu weyn ee loo rabo in hoggaaminta isbedelkeeda la joogteeyo. Hadaba, si aanu hoggaamiyuhu ugu hore dhib mudan indhaha dadka daawanay, waa in uu maamuska loo hayo xushmeeyaa, dadkanna u sii sagootiyaa si gobanimmo ku jirto. Akhriste, sow isbedelkuba hoggaaminta ka badh maaha?



Raad raac:



1. Iacocca, L., (2007), Where Have All The Leader$ Gone?,CBI Bath Press, London, UK.

2. Shire, S. Cali., (2009), Hoggaamiye Isbedel Horseeda, Buuh Publications, Leicester, UK.

3. Xasan, M. Baashe (2008), Hal Aan Tabayey,Bashe Publications, London, UK.


 


Qallinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar
E-mail: siraskar@live.com
Kampala : UGANDA