Hoggaamiye ka tirsnaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

 


 

Muqdisho (TNN):- Sheekh Maxamed Siciid Atam oo hoggaaminayay xoogagga Al-shabaa b ee ka dagaalama Buuraha Galgal ee Puntland ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaal iya, isagoo manta shir jaraa'id kaga warbixiyay sababta keentay inuu dowladda isku so o dhiibo.

Atam ayaa sheegay inuu ka baxay Al-shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay wixii maanta ka dambeeyay inuu ka tanaasulay dagaalkii iyo colaaddii uu waday, sidaasna ay isla garteen dowladda Soomaaliya.

"Waxaan caddeynayaa in wixii maanta ka dambeeya aan ka baxay Al-shabaab isla mark aana aan joojiyay colaaddii aan qaybta ka ahaa; waayo waxaan in muddo ah u dul-qaad  anayay qalalaadka hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane uu ku hayo sharee cada islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Arrimo badan oo jira awgood, dhallinyarada loo sheegay in loo dagaalamay isku xukunka shareecada islaamka ma ahan wax sax ah,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Atam.

Sidoo kale, hoggaamiyahan ayaa ku eedeeyay amiirka Al-shabaab inuu weeciyay jihaad ka, isla markaana shareecada islaamka aanay isaga qaban, balse uu ogol yahay oo keli ya inuu dadka ugu xukimo si aan sax ahayn, isagoo xusay in kooxdiisa ay baneysteen dhiigga shacabka.

"Jihaadka waa cibaado diinta Islaamka ka mid ah, Axmed Cabdi Godane wuxuu ka dhigta y wuxuu isagu leeyahay, wuxuu amar ku bixiyay in laayo cid alla iyo cidii hub qaata, mid ay dilaan, mid ay xiraan mid ay dulleeyaan iyo mid isaga cararay ayay noqdeen xoogag gii Al-shabaab, dhiiga culimmada ayuu baneystay isagoo amar ku bixiyay in masaajidada lagu laayo culummada,” ayuu Atam hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlayay dagaalkii uu ku jiray ayuu sheegay in intii uu hogaaminayay ciidama da ku sugnaa Buuraha Gal-gala ay kasoo horjeedeen nidaamkii maamulkii hore ee Punt land oo uu madaxda ka ahaa C/raxmaan Faroole, hase ahaatee markii Al-shabaab ay yimaadeen lagu qasbay inuu wareejiyo hubka, taasoo uu ku xusay in ay ka mid tahay waxyaabaha ku qasabtay inuu isaga soo tago Puntland.

"Qofka ka tagay Al-shabaab macnaheedu ma ahan inuu ka baxay Islaamka, ma ahan qo fka Al-shabaab ka horyimaada inuu noqonayo qof gaaloobay, sidaa awgeed dhallinyara da waxaan leeyahay haka waan-toobeen dhibka ay kooxdaas shacabka Soomaaliyeed ku hayso; hana kasoo baxaan,” ayuu hadalkiisa kud aray Sh. Atam.

Intii uu Sheekh Maxamed Siciid Atam shirka jaraa’id qabanayay waxaan si aad ah u ilaa  linayay ciidammo ka tirsan nabad-sugidda dowladda Somalia, waxaana wararka qaar ay sheegayeen in toddobaadyo ka hor uu isku soo dhiibay dowladda Somalia.

Hoggaamiyahan ayaa lagu xusuustaa inuu sannado ka hor sheegay in xoogagga uu ma daxda u ahaa ay si rasmi ah ugu biireen, isagoo ahaa hoggaamiye si weyn dagaal ugula jira maamulkii Puntland ee uu hoggaaminayay Faroole.
 



Timacade News Desk
Muqdisho,Somaliya