Hooyadu waa lama huraan

 


Holland (TNN)-Shir ay isugu yimaadeen Jaaliyada Reer Soomaliland ee dagan wadanka holland Garabkiisu Dumarka, ayaa waxay kaga arrinsaden sidii wax looggu qaban lahaa dadka ku  dhib aataysan wadankeenii hooyo, sida dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin. Waxayna halkaasi isla garteen inay ka bilaabaan Cusbataalka dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee magaaladda Berbera.

Waxaa kale oo ay isla goaamiyeen in 3dii bilood mar ay shir-isugu yimaadan, si ay uga wada  x aajoodaan sidii ay wax qabakooda u sii horumarin lahaayeen, isla markaasna dadka ka  maqan loogu wargelinlahaa.

Arrintaasi oo ahayd runtii arrin aad loogu farxo ku dayosghana mudan. Marwooyinkaasi  wax ay baaq u sooo jeediyeen dhaamaan bulshada reer Soomaliland in fadhiga laaga gaco oo wixii la qaban kjaro wadankii loo qabto. Ceela uma qodna Cidina uma maqana.

 

 



Halgan Maxamed Yuusuf Buux

Timacade News Desk
Holland