Horumarinta Gobolka Gabiley iyo kaalinta uga bannaan
Qur ba-Joogga...W \ Qortay: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha
Degaanka Gabiley)
Dhammaan Akhristayaasha Sharafta leh waxaan idinku
salaamayaa Salaanta Islaamka.
Maqaalkaygan gaaban waxaan jeclaan lahaa inaan si kooban
ugaga hadlo kaalinta ay Qurba-Joo gu ku leeyihiin guud
ahaanba horumarinta dalka hooyo, waxaanan si gaar ah ugu
falanqayn doo naa kaalinta kaga aaddan ee uga bannaan
Qurba-Jooga ka soo jeeda Gobolka Gabiley horumarin ta
Gobolka.
Waxaan aaminsanahay in Dareen Garasho oo Togan iyo
Damiir wadaninnimo uu Bulshada u diro inay horumar ku
tallaabsadaan. Sideedaba, Ummaddii horumarka jeceli waa
kuwii isku boorriya ee isku baraarujiya inay
horumariyaan Bulshadooda, Degaanka, Degmada, Gobolka iyo
Dalka ay u dhasheen. Qof ahaan waxaan qirayaa in guud
ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland ay kaalin muuqata
oo laxaad leh ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta
dalkeena. Ha noqoto lacagaha tooska ah ee ay
Qurba-Jooggu bil walba soo diraan, ha noqoto dib u
dhiska guryihii dumay ama kuwo cusub oo ay dhisaan,
goobaha ganacsiga, Huteellada waaweyn, Warshadaha,
Jaamacadah a iyo goobaha kale ee waxbarashada iyo
waxyaabo kale oo badan. Isku soo wada duuboo doork a
Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarinta Dalka iyo Dadkaba
waa mid aan la iska indho-tiri karin, waxana lagama
maarmaan inay halkaa ka sii wadaan kaalinta ay ku
leeyihiin Horumarinta Dalka.
Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu
hodansan JSL marka dhan kasta la eego. Ha noqoto tiro
dad iyo aqoon, duunyada xoolaha, dalagga beeraha ama
khayraadka dabiiciga ahba. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid
yahay gobollada ugu dakhliga badan ee Qaranka JSL u soo
xereey a cashuuraha ugu badan ee hawlaha qaranka lagu
maamulo. Dhinaca kale, Gobolka Gabiley waxa ku yaalla
Irridda Ganacsiga ee Geeska Afrika ugu muhiimsan (Tog
Wajaale), taasoo ah laf-dhaba rta ganacsiga u kala gudba
JSL iyo dalweynaha Itoobiya.
Haddii aan u soo noqdo nuxurka maqaalkaygan oo ku
saabsan kaalinta uga bannaan Qurba-Joog ga Gobolka
Gabiley sidii ay uga hawl-gali lahaayeen ama uga
qayb-qaadan lahaayeen Horumarin ta Gobolka Gabiley;
maanta dalkeena Jam. Somaliland, waxa muuqata in
Qurba-Jooggu yihiin kuw a la isku dhaafay ee ay isku
dhaafeen Horumarka ka socda Gobollada JSL. Gobolkii ay
Qurba-Joo ggiisu si dhab ah ugu hawlgaleen ee ay si
wadajir ah ugu guntadeen horumarkiisa, wuu ka horre eyaa
dhinac walba Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu hagradeen.
Sidaan isleeyahay, Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay
Gobollada JSL ee ay Qurba-Jooggiisu ugu tirada iyo
aqoontaba badan yihiin Qurbaha. Qurba-Jooga ka soo jeeda
Gobolka Gabiley waxay u badan yihiin dad iyagoo aqoon
leh oo da’ yar Qurbaha u dhoofay. Anigu Xildhibaan ahaan
waxaa n is leeyahay, malaha Qurba-Joogga u dhashay
Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay qayb-qaad an,
ugumay hawlgalin amaba ugumay guntannin (intii
itaalkooda ah) inay wax ka qabtaan baahiy aha baaxadda
leh ee ka jira Gobolka Gabiley.
Haddaba, markaan eego tirada iyo tayada aqooneed ee ay
leeyihiin Qurba-Joogga ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee
ku nool dacallada dunida iyo sida aanay uga qayb qaadan
ama aanay xil isaga saarin Horumarinta Bulshada
Gobolkooga, waxaa ii muuqata oo aan dareemayaa inay
jirto dhalliil iyo hagrasho weyn oo dhankooda ah. Waxa
xusid mudan oo aan doonayaa inaan hoosta kariiqo in
Haweenka Qurba-Joogga ah ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley
ay yihiin kuwa kaliya ee intii itaal kooda ah ka qayb
qaata taageerada iyo horumarinta bulshada Gobolka. Kuwa
aan muuqooda iyo magacoodaba la haynin ama aan ka
muuqanin kaalintii kaga aadanayd Gobolka waa Ragga
Qurb a-Joogga ah ee u dhashay Gobolka Gabiley.
Dabcan, way jiraan Ururro Samafal iyo Shakhsiyaad ka soo
jeeda Qurba-Joogga Gobolka Gabiley oo iyagu mar walba
xil iska saara sidii ay uga qayb qaaadan lahaayeen
horumarinta Bulshada ku nool Gobolka. Waxaan halkan ku
xusayaa oo aan tusaale wanaagsan u soo qaadanayaa Ururka
Samafalka ee Gardo, Ururka Haweenka Gob. Gabiley ee
Khayriya, Ururka Walaalaha Arabsiyo iyo Ururka Haweenka
Nomad. Waxa kale oo iyadna jirta oo ii muuqata oo aan
dareemayaa in Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley
ayna haba yaraatee wax maal-gashi ah ku samaynin
Gobolka, sida goobo ganacsi, huteello, warshado iyo
meherado kale oo Bulshada Gobolka u abuuri lahaa fursado
xagga shaqada ah.
Waxaan is leeyahay malaha haddii ay Qurba-Joogga Gobolka
Gabiley dareemaan oo ay gartaan xilka iyo waajibaadka ka
saaran Gobolka iyo Bulshadooda, oo ay la yimaadaan
dareen iyo cudud midaysan; waxay Gobolka ku soo kordhin
karaan waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ah
Horumarinta Bulshada Gobolka Gabiley. Tusaale ahaan:
a) Qurba-Jooggu waxay keeni karaan taageero dhaqaale oo
midaysan taasoo lagu horumarinayo Adeegyada Asaasiga ah
ee Bulshada Gobolka Gabiley, sida: Waxbarashada,
Caafimaadka, Wax-soosaarka Beeraha, Adeega Biyaha,
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iwm.
b) Qurba-Jooggu waxay soo kordhin karaan aragti, fikir
iyo xirfado cusub oo lagu dabbaqi karo horumarinta
Gobolka Gabiley, maadaama ay soo arkeen dalal kale oo ay
ka soo heleen waayo-aragnimo iyo khibrado durugsan.
c)
Qurba-Jooggu waxay ku noolaayeen ama ay weli ku
noolyihiin oo ay la soo dhaqmeen umado iyo dawlado
horumaray, waxayna fahmayaan sida Horumarinta Bulshada
loo maamulo iyo sida Dawladda wax looga helo.
d) Qurba-Jooggu waxay fursad u heli karaan inay la
xidhiidhaan hay’adaha iyo ururrada Bulshad a caawiya ee
ka dhisan magaalooyinka ama dalalka ay ku noolyihiin
taasoo ay uga faa’iideyn kar aan horumarinta Gobolka
Gabiley.
Waxaan maqaalkaygan ku soo af-meerayaa hadallo guubaabo
ah oo toos ugu socda Qurba-Joog ga u dhashay Gobolka
Gabiley, Rag iyo Haweenba, waxaanan walaalayaal idin
leeyahay: Karti ba a la isku dhaafee kaalintiinnii baa
bannaan; Ifkaa wax laysu taraaye Aakhiro wax la isuma
aha! Qurba-Joogga Gobolka Gabilayow, Adduunyaduna Hir
weeyee, Heerkee baad ka joogtaan?? Yaad ka sugaysaan
inay Bulshada Gobolkiina Horumariyaan !!??
Wa Billaahi Tawfiiq, < Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi ><
Golaha Degaanka Gabiley>
|