Hoyga ay nabadi taalaa gobanimo u hoyataa
Akhristeyaal, 30 maalmood ayaa inaga xiga sanad guurada
markii dalkani uu dib ula soo noqday xoriyadiisa.
markasta oo sanad guuro laga soo wareego dib ula soo
noqoshada xornimada Somali landna, waxaan filayaa inay
haboon tahay inaan taariikhda dib u milicsano taariikhda
iyo tacabka dhulkan loosoo maray. Waxa kale oo lagama
maarmaan ah inaan qiimayn ku samay maxaa dalkan iyo
dadkan u kordhan mudadaa 20 sano ah ee uu xoriyadiisa
dib ula soo noqday.
Maqaalkani waa mid aan ugu talo galay inaan taariikhda
labaatankaa sano si kooban idiinku xasu usiyo,
aniga oo isku dayi doona inaan si kooban oo xaqiiqda u
dhaw, aan u soo kobo.
Ugu horeyn aan idin xasuusiyee, dalkeena Somaliland
baaxada dhulkiisana lagu qiyaasay 137600 km2, wuxuu xad
la wadaaga dalalka Itobiya, Jabuuti, Somalia iyo Yemen
oo dhinaca bada cas aynu xad kala wadaagno. Dadka reer
Somaliland waa dad isku duuban, isku qaran ah, isku dal
ah, isku dad ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, necebna
gumaystaha. Waxaan ku tilmaamai karaa shac abka ugu
gumaysiga neceb somalida iyo Geeskaba. Waxa taas
markhaati u ah dagaaladii aadka u balaadhnaa ee ay
gumaysiga iyo xukumadihii lagu hungoobay ee midowga
somaliya ay kala hor tageen.
Waxay ahayd 26 june 1960, maalintii ay dadka reer
Somaliland ka xoroobeen heeryadii gumayst aha
ingiriiska, maalintani waxay shacabka Somaliland u ahayd
maalin aad u farxad badan qof kas ta oo dareen
wadaninimo ku jirana ku dhalisay dareen jidhiidhico leh.
Maalintaas waxa xigay in dadka reer Somaliland (British
protectorate)ay doortaan inay si bilaa s huruud ah
kula midoobaan walaalohooda somaliya. Shacabka reer
Somaliland waxay ku cadaadiy een kuna khasbeen
madaxdii xiligaas ee somaliland in la dadajiyo la
midowga dadka walaalaha yi hiin ee Somalia (Italian
protectorate).
Waxyaabaha la yaabka leh ee maalmahaas dhacay waxa ka
mid ahaa, in dadka reer Somaliland gaar ahaan intii
maalmahaas hargaysa joogay ay raagsadaan midowga, ayna
dhacdayba in dad ay hayso shucuur wax wada wadaagis ay
ka daataan dayrka maxkamada goodirka magaalada hargaysa,
waxaana madaxdii uu halkaas wada tashiga ama shirku uga
socday ku adkaatay inay hawshooda sii wataan waxaanay u
xadhko xidheen inay muqdisho tagaan oo heshiiska midowga
soo sexeexaan.
Midowgii maxaa laga dhaxlay?
Kalgacaltooyada iyo wanaaga ay hayeen dadka reer
Somaliland wakhtigaas kamay helin badalke edii
dadkii ay walaalaha ahaayeen ay ula tageen. Waxay la
kulmeen xaqiraad iyo waxyaabo aan ay ka filanayn
walaalohood.
Xumaanta dadka reer somailand lagula kacay kumay ekayn
oo kaliya intii muqdisho joogtay ee waxa ay markii danbe
usoo talowday caradii ay ka yimaadeen ee Somaliland.
Wax kaleba iska dhaafoo madaxdii reer Somalia ee markaas
xilka haysey waxay isku dayeen inay kala qoqobaan dadkii
walaalaha ahaa ee Somaliland wada daganaa iyaga oo u
kala qaybqaybinaya qabiil qabiil, waxay xidhidhxidheen
dhamaan madaxdii u dhashay dadkan ee ka damqaday arintan.
Gafka iyo dhibaatada dadkan lagula kacay kuma ekayn oo
kaliya kala qayb qabin iyo isku dir ee waxaa loogu daray
xasuuq aan loo kala aabo yeelayn (genocide) oo intiisa
xooga badani socotay intii u dhaxaysay 1981-1991. waxaa
dil toogasho lagu xukumay aqoonyahankii, ciroolihii,
caruurtii hooyooyinkii iyo qofkasta oo ka damqaday
falalkaas iyo xasuuqaas waxshinimada ahaa.
Halgankii dib u xorenta dalka
Wakhti waliba waayo leh, naxariista ilaahayna lagama
quusto. Waxaa ilaahay mahadii noqotay in dad aqoonyahan,
saraakiil iyo shacab isugu jiray oo u dhashay dadkani ay
sameeyeen ururkii SNM. Ururkani waxa uu ilaahay ku
guuleeyay inuu dadkiisa ka gilgilo heeryadii gumaysi iyo
xasuu qii ku socday, dhiig badan oo daatay ka dibna,
markii dalka ka xoreeyeen mujaahidiintu ciidamadii
afweyne.
Dib ula-soo noqoshadii Madaxnbanaanida.
Nabadayntii: Kadib xorayntii dalka, waxay dhamaan
beelihii daganaa lixda gobol ee Somaliland sh ir
ku yeesheen magaalada burco 18 May
1991, iyaga oo madaxweyne iyo kuxigeen ugu
doortay C/raxmaan Axmed Cali iyo Xassan Ciise Jaamac.
Nabadaynta iyo horumarinta Somaliland kuma jogsan oo
kaliya shirkaas ee waxaa mar kale beel ihii
daganaa somaliland isugu yimaadeen magaalada
Borama bishii 23 Feb
Sanadkii 1993, waxaana mar labaad madaxweyne
loogu doortay 5 may 1994 allaha u naxariistee marxuum
Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo C/raxman aw Cali Faarax.
Daacadi ma hungowdo. Waxa ay ergadii beelaha Somaliland
mar kale 23 feb 1997 dib Madaxwey ne iyo ku xigeen
ugu Doorteen Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo
Daahir Rayaale Kaahin oo hada ah mdaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland.
Samayntii iyo u codayntii Dastuurka: 31 may 2001 ayay
ahayd maalin kale oo farxad leh oo ay dadka reer
Somaliland u dareereen u codaynta dastuurkii ugu
horeeyay ee ay si madax banaan u yeeshaan.
97% waxay dadka reer somaliland ku codeeyeen codka “Haa”
taas oo cadaynaya go’aanka ay ku gaadheen inaanay mar
kale ka suuroobayn inay si dhib yar ku galaan heeryo
gumaysi oo kale, waxa kale oo iyana taas barbar socday
nidaamka xisbiyada badan oo uu markaas Marxuum
madaxweyne Cigaal gacanta ku hayey hirgalintiisa.
Geeridii naxdinta lahayd iyo talaabadii xigtay:
Murtibaa abwaanbaa
ahayd:
Qoraxdii timaadaba, Muxuu qalinku sheekiyo, hadba qodob
la yaabliyo, mahadhooyin qorayaa.
3 May 2002, 3:00 pm ayay
mar kale dadka Somaliland ku warheleen oo idaacadaha ka
dhagayst een in Madaxweynohoodii, halyeygii nabada
somaliland Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal uu ku
geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka K/afrika oo uu u
joogay arimo caafimaad.
Inta badan shacabka reer Somaliland iyo wadamada jaarku
farta ayay dhexda ka qaniinsanaay een, waxaanay u
malaynayeen in nabada ay yagleeleen burburi doonto, mase
noqon arinku sid aas oo “Rabi iyo ragbaa u baxay”.
Marxuum Sh. Ibrahim Sh.yuusuf Sh. Madar, xaaji cabdi
waraab e iyo golihii guurtida ee nabada u lugayn jiray
ayaa warankii murugada ka gooyay dadkooda iyo dalalka
jaarka, waxay kala daabaasheen dalkooda arinka adag ee
soo foodsaaray.
Sida dastuurka dadku u codeeyeen 11 bilood ka hor
dhigayay, waxaa xilkii Madaxtinimada dalka ay golaha
guurtida ee labadaas oday ka hormuudka yihiin u dhiibeen
madaxweyne ku-xigeenii da lka oo markaas ahaa
Mudane Daahir Rayaale Kaahin halka jagada madaxweyne
ku-xigeenka uu qabtay Mudane Axmed yuusuf yaasiin.
Bilowgii Dimuqraadiyada iyo nidaamka xisbiyada badan:
Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf k uma aysan
joogin halkii uu arinku taagnaa, waxa ay sii kobciyeen
horumarkii dadkoodu hiigsanay een, waxa ay sii
adkeeyeen nabadii, waxa ay dalka ka suurto galiyeen
doorashooyinkii ugu hore eyay ee dimuqraadi ah ee
nidaamka xisbiyada badan, waxaa ugu horeysay doorashadii
golaha d egaanka oo qabsoontay 15 dec 2002, aanay
kusoo baxeen saddexda xisbi qaran ee Kulmiye Udub iyo
Ucid. Waxaa ku xigtay doorashadii madaxtooyada oo
qabsoontay 14 april 2003 oo mar kale ay dib ugu
guulaysteen Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf. iyo tii
ugu danbaysay ee baarlm aanka oo qabsoontay 29 sep
2005.
Sidoo kale waxa ay madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed
yuusuf dalka ka suurto galiyeen in la diiwaangaliyo
dadka u dhashay wadanka si loo kala garto muwaadinka
dalka u dhashay Iyo ka aj inabiga ah, sidoo kale
waxa ay diiwaan galinta ula-jeedooyinkeeda ka mid ahaa
si ay dalka uga qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal
ah.
Hana qadka Somaliland iyo kusii durkista ay kusii
siqayso dhinaca maamul wanaagu halkaas kuma dhamaan. 26
juna 2010 ayay ahayd markii ay dadka reer Somaliland u
dareereen dooradhadii afraad ee ay codkooda si xor ah
ugu kala doortaan mushaixiin ku loolamayay jagada
madaxweynaha.
Axmed Maxamed Maxamuud oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye,
Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxnaa UCID iyo Daahir
Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyhinii dalka isla markaana
mar kale u sharaxnaa xisbigiisa UDUB. Loolan iyo tartan
adag oo dhex maray xisbiyada, waxa 1 July ay gidida
dorashooyinku ku dhawaaqeen in musharixiinta xisbiyada
Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ku
Xigeenkiisa C/raxman Sayci ay ku Guulaystay Doorashadii
Madaxtooyadda Somaliland, codadka ay xisbiyadu kala
heleena waxa uu ahaa sidan:
KULMIYE
266,906 oo u dhiganta
49.59%
UDUB
178,881 oo u dhiganta
33.23%
UCID
92,459 oo u dhiganta 17.18%
Markii lagu dhawaaqey natiijada doorshada waxa Musharaxa
guulaystay iyo shicibka somaliland ba u hambalyeey
wadamo badan oo ka mid ah bulshada caalamka, waxaana
xilka loo dhaariyey 27 july 2010.
Koboca Dhaqaalaha: Horumarka Somaliland ku amaanantahay
inkasta oo uu u badan yahay dhin aca amaanka,
hadana waxa kale oo aan tusaalayaal usoo qaadan karnaa
dhaqaalaha. Inta bad an waxa uu dhaqaaluhu ku tiirsan
yahay lacagta ay qurbajoogu dibada uga soo diraan dadka
ay qaraabada yihiin.
Waxa Somaliland ka hir galay ganacsi xor ah, dhismayaal
casriga ah. Dib u dhiska dalku waa horu mar la
taaban karo oo ay shicibka dalku ku talaabsadeen. Waxay
tani amaan u tahay wadamada geeska, waana mid muujinaysa
kartida iyo hawlkarnimadooda shicibka somaliland.
Horumarka Waxbarashada: Kadib dib-ula soo noqoshadaii
madaxbanaanida, waxa maalinba maali nta ka
danbaysa soo kobcayey horumarka iyo koboca waxbarashada
Somaliland. Inkasta oo aan dhamaan dalka tacliintu
gaadhin, hadana waxa wax la taaban karo ah horumarka ay
gaadhay w axbarashadu, ha ahaato mid dawladeed ama
mid gaar loo leeyahay. Bilowga 20-kii sano ee lasoo
dhaafay, 10% ayaa caruurta fursad u helay inay dugsiyada
aadaan, halka maantana in ka badan 60% ay waxbarashada
bilaabaan wakhtigii loogu talo galay.
Guntii iyo gabagabadii, walow aanay wali Somaliland
helin citiraaf caalami ah oo ay ku gaadhi ka rto horumar
ka badan ka ay maanta gaadhay, hadana waxa muuqda dadaal
iyo horumar balaad han oo ay sameeyeen shacbi weynaha
iyo dawladu, waxaanan odhan karaa laguma khasaarin
di b-ula soo noqoshada aan maalmo kabacdi 20-guuradeeda
u dabaal dagi doono, somalilnadna waa hoyga gobanimada
iyo nabada dhulka somalidu degto.
Alla mahad leh.
Ali Sh. Axmed Sh. Ali |
|