Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago-weyne), oo ka tirsan urur- siyaasadeedka cusub ee UDHIS,ayaa sheegay in Xukuumadu ay gaashaanka ku dhufatay

 

Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago-weyne), oo ka tirsan urur- siyaasadeedka cusub ee UDHIS, ayaa sheegay in Xukuumadu ay gaashaanka ku dhufatay dhex-dhexaadin ururkaasi doonayay inuu ka dhex dhaliyo xisbiyada mucaaridka ah iyo dawlada Somaliland si loo soo afjaro khilaafaadka siyaasiga ah ee ka dhashay dib u dhicii ku yimid doorashadii Madaxtooyada.

Ibraahim Cabdilaahi Xuseen, oo maanta u waramayay saxaafada ayaa tafaasiil ka bixiyay wixii ay kala kulmeen gogol dhex dhexaadineed oo ururkoodu u dhigay dhinacyada siyaasada iskaga soo horjeeda, waxaanu yidhi Waxaan idiin sheegayaa hawshii dhex dhexaadinta ee aynu doonaynay inaanu urur ahaan ku furdaamino oo xal loo helo khilaafka ka yimid dib u dhaca doorashada madaxtooyada, waxa Goleyaasha Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] iyo sadexda xisbi Qaran ay na siiyeen kalsooni hase ahaatee waxa diiday dhexdhexaadintaas Dawlada Madaxweyne Rayaale.

Mujaahid Ibraahim C/Laahi Dhego-weyne, wuxuu xukuumada Somaliland ku  eedeey ay falkii ay 6-dii bishan April ay ciidanka Boolisku rasaas nool ku kala kaxeeyeen oo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamuud [Siilaanyo] oo isagoo ay galbinayeen Taageereyaal tiro badani socod ku tagayay Gurigiisa xilli ay ka dareereen xaflad lagu xusayay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM.

Waxa kale uu Urur-siyaasadeedka UDHIS ay sheegeen inay ka baxeen gogoshii ay doonayeen inay u dhigaan Siyaasiyiinta isku miciyo lisanaya ee sadexda xisbi Qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.


Hadalkaa Mujaahid Ibraahin ka dib ayaa waxa saxaafada loo qaybiyay Warsaxaafadeed,uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Ururkaasi,Isagoo dhamaystirana waxa uu dhignaa sidan:

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:-

“Gogol-fidintii UDHIS ee Khilaafka Siyaasiga ah Xalka loogu raadin lahaa oo Xukuumaddu is hortaagtay.

Ururka wadaniga ah ee UDHIS oo ah mid ka madax-banaan saddexda Xisbi iyo Xukuumaddaba, ayaa isaga oo walaac iyo baqdin weyn ka qaba khatarta iyo burburka ka iman kara is-maandhaafka siyaasiga ah ee ka dhashay dib-u-dhigista soo noqnoqotay ee wakhtiga doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa iyo kordhinta ka daba-timaadda muddada Xafiisyadooda ay sii joogayaan. Ayaa isaga oo gudanayaaya waajib waddani ah oo gogol u fidiyay Xukuuumadda, labada Gole ee sharci-dejinta, Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Gogol-fidintaasi, iyada oo UDHIS ay qanaacaad buuxa ku qabto waddada ay Somaliland ku caana maashay oo ah wadahadal iyo wada-tashi, in lagaga gudbo wixii caqabado inaga horyimaadda iyo iyada oo UDHIS aaminsan inay tahay dhex-dhexaad aan dhinacna u janjeedhin, waxa kaliya ee ay danaynaysaana tahay Maslaxadda Ummadda, waxa kale oo UDHIS ay marti-qaaday Odayaal iyo Aqoonyahanno reer Somaliland ah, kana mid yihiin Abwaanada Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) iyo Pr-da ay ka mid yihiin:- Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Dr. Cabdisalaan Yaasiin iyo Pr. Saleebaan Axmed Guuleed, labadii Madaxweyne ku-xigeen ee hore Muj: Xasan Ciise Jaamac iyo Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj: Xasan Guure Jaamac. Waxa noo qorshaysnaa Culimo-awdiin, Sharciyaqaano iyo Xubno ka socda Akaadamiyadda nabadda.

Waraaqihii Marti-qaadka ee gogosha markii la gaadhsiiyay saddexda Xisbi iyo Xukuumadda, waxa ay dhammaantood muujiyeen Xukuumadda mooyaane niyad-wanaag iyo ogolaansho. Waxa ay UDHIS kaga codsatay dhammaantood inay joojiyaan wax kasta oo dhibaato keeni kara, sida Muddaharaadka iyo Ciidanka oo loo adeegsado si aan sharciga waafaqsanayn. Waxaanu u mahad-naqaynaa Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo si hagar la’aan ah nooga aqbalay codsigaa.

Haddaba, maalintii 6-dii April, maxaa dhacay?

Waxa saddex Xubnood oo u UDHIS ahi, waxay goob-joog ka ahaayeen oo ay arkeen Ciidamo Boqolaal ah oo hor dhooban Xaruntii KULMIYE ee Hargeysa. Waxa fajiciso noqotay in ay Ciidamadu Rasaas huwiyaan dadweynihii iyo Madaxdii ka soo dareertay Xafladdii lagu Xusayay maalintii SNM la aasaasay si nabad ah. Rasaastaasi waxay sigtay, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo, dadna waabay ku dhaawacmeen. Isla maalintaa waxa ay Xukuumaddu xidh-xidhay Madaxdii KULMIYE ee Berbera. Waxa iyana qas ka dhacay Xarunta KULMIYE ee Burco.

Waxa nasiib-darro ah, in isla maalintaas ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku, Gaas ku kordhiyaan holicii khilaafaadka ee lagu hawlanaa in la bakhtiiyo, markii ay raaceen go’aankii Golaha Guurtida iyo Digreetadii Madaxweynaha ee cayimaysay 27-ka September 2009.

Waxa ayaan-darro ah, in UDHIS oo iyadu is xilqaantay, Gogol-dhigaasna lahayd, dedaal badan iyo wakhtina u huray sidii uu kulankaasi u dhici lahaa, inay Xukuumaddu si cad oo badheedh ah u diiday arrinkaasi inuu dhammaado, iyada oo abaabushay Shir ay iyadu leedahay oo ay wadato, soona xulatay oo iyadu ay kaantaroolayso, UDHIS-na waxay xaaraan u aragtaa, inay waxaas oo kale ku dhex-milanto.

Haddaba UDHIS, waxay go’aansatay inaanay ka qayb-qaadan Shir cid dawladda dhinaceeda ahi hogaaminayso. Waxaanu mar labaad u mahadnaqaynaa Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo si sharaf leh nooga aqbalay Marti-qaadkayagii.

Mahad oo dhan Illaahay ayaa iska leh.

Guddoomiyaha Ururka UDHIS.

Ururka Dimuquraadiyadda iyo horumarinta ee Is bedal-doonka Somaliland.”
 

 

 

 



TogdheerNews