Ibrahim Ducaale Suleybaan oo ka tirsan xisbiga UDUB oo aanu Waraysi Dhinacyo badan taabanaya aanu la yeelanay

 


Waxaa dhawaan magaalada Hargeisa aanu kula kulanay Ibraahin Ducaale Suleybaan,oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbul Xaakimka Udub,isla markaana degan Cariga Ingiriiska.

Waxaana aanu waraysi kala yeelanay Arrimaha Gobolka Saaxil oo uu ka soo jeedo iyo weliba arragtidiisa ku aadan Shirweynihii Khilaafka abuuray ee lagu doortay Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye oo aan weli wax heshiis ah laga gaadhin.

Ibrahim talaabo waxa kale oo uu hore u ahaan jiray Gudoomiyihii urur siyaasadeedka Sahan kaasi oo ku hadhay doorashadii golaha deegaanka
Waraysigaas oo dhamaystiran ayaa u dhacay sidan;

Su’aal: Marka ugu horsay sideed u aragtaa xaalada waqtigan ay ku sugan tahay Magaalada Berbera xarunta gobolka saaxil?

Jawaab: Magaalada Berbera Xilligan waa Xagaa oo dadku kuma badnayn,qabyo badanina waa ka muuqatay.



Su’aal: idinka jaaliyad ahaan iyo waliba qurba jooga u dhashay gobolka Guud ahaan marna ma isku daydeen in aad Berbera wax u qabataan hadii ay noqon lahayd arrimaha Bulshada oo kale?

Jawaab: Qurba jooga Gobalka saaxil waa dadaalaan laakiin ma dabooli karaan baahida gobolka ee dhan kasta ka muuqda mana qaban karaan shaqada dawladda.


Su’aal:sida aaad ogtahay waxa ka jira gobolada kale ee Somaliland gudiyo horumarineed, markaa gobolka saaxil gudidii uu lahaa maxaa hortaagan ilaa hada ee ay shaqadoodii u qabsan waayeen??

Jawaab: Maamulka Gobalka ka jira oo ah mid fadhiid ah ayaa ah mid aan diyaar u ahayn inuu dardar geliyo hawlaha gobolka iyo mid guddi toona.


Su’aal:adiga Ka Ibrahim ahaan damacaaga siyaasiga ahi ilaa heerkee ayuu gaadhsiisan yahay?

Jawaab:Aniga hankayga siyaasadeed iyo damacaygu waa ilaa kursiga u sareeya ee dalka laga xukumo, goorteeda iyo goobteeda.

Su’aal:Sidaad u aragtaa kala qaybsanka xisbiga Kulmiye?

Jawaab:Guddoomiyaha ayaa masuul ka ah kala qaybsanaanta ku timi xisbiga Kulmiye sababta oo ah nin ka mid ah murashaxiintii ku xigeenka ayuu toos ugu ololaynayaa, waxa se u il duufay raggii lama taab taanka ka dhigay ama loolan gelin waayey kursiga murashaxa Madaxweynaha.

 

 


Source:SN