|
Taariikhdii SNM oo kooban
"Aniga oo safiir ka ah dalkii markaa la odhan jiray Jarmalka Galbeed
ayaa lagu dhawaaqay asaaskii SNM. Bil dabadeedna shaqadii dowladda
ayaan iska casiley "

PROFESSOR IBRAHIM MEYGAAG SAMATAR
Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo had iyo jeer
haga mustaqbalka bulshada kana duwa gefaf badan oo dhici lahaa.
Hadaba in loo hagar baxaa qorista iyo diiwaan gelinta hawshani waa
xil qaran .Bahda mareegta farshaxan waxay si sharaf leh uga codsatey
Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka SNM, ahna aqoonyahan ku xeel dheer
dhaqaalaha,siyaasada ,iwm , mudane Ibraahim Maygaag Samater inuu la
wadaago soojireenkii halgankii dib ula soo noqoshada gobanimadii
deeqda loo bixiyey ee wadanka Somaliland .Ka dib markii Bahda
mareegta farshaxan la yeelatay xidhiidh telefoon ,wuxuu si hagar
la’aaneed Mudane Ibraahim ugu soo diray qoraalkan taariikhgalka ah
isagoo kaga waramaya halgankaa . Waxaanu mudane Ibraahin (Ilaahay ha
ka abaal mariyee) ku bilaabay qoraalkiisa sidan:
A Short Summary of SNM History
Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida
makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha
jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’
lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u
ahaa maraaxil dheer oo isdaba jooga oo marxalad waliba wejigeeda,
waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay.
Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu
jiray baraarug, dareen, garasho nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga
qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay u doodaan, wax isu tusaan,
isu aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan. Waxa lama
huraan ahaa in waxaas oo dhanoo socda, haddana sirta laga qarsado
nidaamkii jiray. Taasaa keentay habka xidhiidhka reernimada.
Xidhiidhkaasi gudaha iyo dibeddaba wuu ka socday. Dibedda ayaa, sida
la garan karo, u gacan bannaanayd. Waxaa dadkii qurba-joogga ahaa
bilaabeen lajnado, gaar ahaan dalalka carabta iyo Ingriiska. Kuwii
gudaha joogayna xidhiidho hoose oo qarsoodiya ayey lahaayeen: heer
saraakiil, heer dhallinyaro aqoonyahan ah iyo heer siyaasiyiinta
maamulka ku jirtay qaarkood. Intuba dadweynaha magaalooyinkii
degaanka joogay (odayaal iyo wax garadba) xidhiidh bay la lahaayeen.
Intaasoo hawl ahna waa in la asturaa. Markii ay arrintu heer gaadhay
waa lala oggolaa inay dadkii dibeddu ku dhawaaqaan dhaqdhaqaaqa.
Aniga iyo rag kale oo ay ka midyihiin Ismaaciil Cali Abokor iyo
Axmed Siilaanyo waxaan ka mid ahayn raggii iyagoo dowlad ku-sheegga
ku jira, hawlahaa aan soo tilmaameyn gacan ku lahaa.
Muddo ka bacdi waxa ii Caddaatay inaan labada arrin (dawlad ka dhex
muuqo, hoostana abaabul liddi ku ah ka mid ahaw) la isku wadi Karin.
Waxa iyana aad u caaddatay in qof daacad ahi dawladdaa ku sii jiri
Karin. Haddii qofka daacadda ahi intii hore is lahaa wixii adigu aad
tari karto fal, illeyn dalka waa la wada leeyahaye, dembina ka
fogow, waxa aad u muuqatay markan, in ku-sii-jirka dowladda laftiisu
dembi noqon karo. Anigu markaa waxan ahaa qofkii ugu horreeyey ee,
isagoon la eryin, meeshiina laga beddelin, is casiley oo ka tegey.
Waxan marmarsiinyo ka dhigtay ilmo iga xanuunsanayey oo aan dalbaday
safiirnimo.
Aniga oo safiir ka ah dalkii markaa la odhan jiray Jarmalka Galbeed
ayaa lagu dhawaaqay asaaskii SNM. Bil dabadeedna shaqadii dowladda
ayaan iska casiley oo aan reerkaygii u raray dalka Mareykanka,
halkaasoo aan ahaa qofkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee dalbaday
magan gelyo siyaasadeed -Political Refugee. [Laba nin oo reer
koonfur ah oo iga horreeyey waxay mareen sharci kale, iyagoo
safiirro ka ahaan jiray Mareykan].
Muddo yar dabadeed dadkii abaabulka gudaha ku jiray waxa u muuqatay
inay lama huraan tahay in saraakiil loo saaro Itoobiya, si halganku
ugu gudbo marxaladda dagaalka hubeysan. Sababo taariikhi ah ayaa
go’aakaa qasbay. Waa tii horraantii 1982 kii dhallinyaradii U.F.O la
xidhay, xukumay, dabadeedna loo taxaabay jeelasha koonfur. Waa tii
dhacdadaasi hurisay gadoodkii dhagaxtuurka ee magaalada
Hargeysa.Waxa kale oo isla waqtigaas sii kordhay cadaadiskii
ciidamada talisku ku hayey ummadda, kaasoo aan ku koobnayn
magaalooyinka laakiin miyigana, siiba koonfurta iyo galbeedka
Hargeysa, ay dhib weyn ku hayeen jabhadii talisku sheeganayey inuu u
hubeeyey xoreynta Soomaali Galbeed ee aan dadka reer woqooyigu ku
jirin. Isla waayhaas waxa kululaaday isku horimadkii dowladd iyo
jabhadda SSDF, ee iyana aan dadka reer woqooyigu ku jirin, oo
soohdimaha Somalilandna saldhigyo ku lahayd.
Arrimahaas oo dhammi waxay muujiyeen haddaan dhaqdhaqaaqii SNM isu
beddelin halgan hubeysan in dadkeedii ku jiriyo ‘irmaan oodan’ oo
aan isdifaac lahayn, sahalna ka dhigaya wax kasta oo lala damco.
Itoobiyana, dabcan waxay ahayd halka keliya ee hawsha caynkaas ah
laga bilaabi karo. Labaadii sarkaal ee ugu horreeyey ee tallaabay
waxay ahayeen, Allah ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Sh. Maxamed,
oo ku magic dheer Aadan Shiine, iyo Mujaahid Axmed Dhagax. Waxa ku
xigay, Allah ha u naxariistee, Mujaahid Maxamed Cali. Waxa ku xigay
Mujaahid Maxamed Kaahin, oo maanta ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga
Kulmiye. Intaa wixii ka dambeeyey way iska daba qulqulayeen
saraakiisha baxaysay. Mana ahayn wax qof walba goonidii ugu dhashay.
Bal wuxuu ahaa arrin qorsheysan oo uu habeeyey unuggii saraakiisha
ee gudaha, kuna gacan qabteen xidhiidhadii kale ee dadweynaha,
siyaasiyiin iyo dhallinyaraba lahaa, ee aan hore u soo sheegayey.
Markii saraakiishu tallowday, dowladdii Itoobiya ee markaa jirtay
way soo dhoweeysay. Waxa ay se ka fileysay inay ku biiraan SSDF oo
ahaa ururkii uga horreeyey Itoobiya, taliskii Siyaad Barrena ka
horjeeday. Saraakiishii baxday waxay ku wargeliyeen nidaamkii
Itoobiya inay ka tirsanyihiin urur kale oo la yidhaa SNM, kuna
qanciyeen in madaxdooda siyaasadeed ee London joogta loo gudbiyo
fasaxii soo gelitaanka Itoobiya. Sidaa ayaa lajnadii London
degganayd ugu soo guurtay Itoobiya, labadii waaxood ee
dhaqdhaqaaquna( waaxdii gudaha iyo tii debeddu) isku soo kabmeen,
iyadoo mid waliba leedahay taageerayaasheeda. Dabcan dhismahoodu wuu
kala duwanaa, iyadoo ay kallifeyso mid walba duruufaheedo. Waaxda
debeddu sii fiican bay ugu habeeysnaayeen guddiyo—dalalka Gacanka
Carbeed. Ta guduhu se waxay ahayd unugyo sir ah oo hoos ahaan u
xidhiidha.
Guddigii London ka yimid waxa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil
Cabdi(Duqsi ku magac dheer) oo Allah ha u naxariistii halgankii
gobanimadoonka, xisbigii SNL, qayb Libaax ka soo qaatay, Siyaad
Barre ka horna Wasiir ahaan jiray; Allah ha u naxariistee, Xasan
Aadan Wadaadiid, Xasan Ciise Jaamac; Maxamed Xaashi Cilmi; Mohamed
Axmed Jaamac(Dableh). Shirweynihii ugu horreeyey ee si buuxda labada
waxood ee dhaqdhaqaaqu isugu yimaadeen waxaa lagu qabtay magaalada
Herer(Adari), Itoobiya, horraantii 1983 kii(qiyaasihii bisha March).
Halkaa waxa Guddoomiye loogu doortay, Allah ha u naxariistee, Sheikh
Yusuf Cali Sheekh Madar, Xasan Aadan Wadaadiidna Guddoomiye ku-xi
geen. Waxa xubnaha Guddiga Fulinta (Executive Committee) ka mid ahaa
Axmed Ismaacil Cabdi (Dugsi), Xasan Ciisa Jaamac, iyo Maxamed Xaashi
Cilmi. Waxa kale oo shirweynahaa lagu unkay Golahii Dhexe ee
SNM(Central Committee) oo saraakiisha qayb gaar ah ilaa (13) laga
siiyey. Iyaga iyo dhallintii mutacallimiinta ahaa ee gudaha ka soo
baxay waxa la qaabbilsiiyey abaabulka dadweynaha iyo dagaalka
jiidaha, halka guddiga sarena qaabbilsanaa siyaasadda debedda iyo
xidhiidhkii laamaha dhaqaalaha soo dirayey. Waxda dagaalka waxa
hormood u ahaa, Allah ha naxariistee, Mujaahid Maxamed Xaashi(ku
magic dheer Lixle). Halkaas ayuu nidaamkii ugu horreeyey ee isku
xidhnaa ee SNM ka bilowday. Siyaasadda debedda iyo ta guduhuna
noqdeen wax isku lamman oo aan kala tagganayn oo xitaa xubnaha
lajnada sare ay waajib ku noqotay inay ka hawlgalaan goobaha
dagaalka laga bilaabayey.
Waxa nasiib wanaag ahaa, oo xusid mudan, in iyadoo marti loo yahay
dowladda Itoobiya, haddana jiidda halganku ka bilaabmay (ie.
Reserved Area) aanay ahayn dal sidaa qurbe u ah, laakiin yahay meel
ururka dadkiisii deggan yahay oo uu sii hagar la’aan u marti
geliyey, la dagaal galay, sahleyna xidhiidhkii gudaha ee
magaalooyinka lal sameynaayey. Waajibaadka waaweyn ee markaa la
beegnaa halgankii waxa ay ahaayeen baraarujintta dadka, gudo iyo
debedba, bilowga xarumo dagaal, tababarka dhallinyarada dagaalka soo
gelaysa, ama ha ka yimaadaan gudaha amaba jiidaha ha laga qortee,
iyo ka-dhaadhicinta qadiyadeena adduunweynaha. Hawalahaa baaxadda
weynoo dhanna waxay ahayd in lagu qabto qaab dimoqraadi ah---taaso
macnaheedu yahay wada-tashi iyo ka qeybgal buuxa oo dadweynuhu
leeyahay. Waxay taa macnaheedu ahaa in jiidaha dagaalka, dadka
hawsha ka qayb geliyaa----hadday tahay xeryo mujaahid iyo odayaal
abaabulba--- iyagu is habeeyaan oo is-doortaan. Sidaa soo kalena
laamaha debeddu iyagu madaxdooda doortaan.Dhismaha caynkaas ahina
socdo ilaa madaxda sare. Sidaa saa lagu habeeyey dastuurkii ugu
horreeyey ee SNM ee shirweynahii Herar lagu qaatay. Sidaa saa
halganka dadkiisu ku yeeshay, naftiisana u huray. Dhaxalka caynkaas
ahi waa ka suurtogeliyey nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland
maanta ku dhaqmayso.
Beryahaa dhibihii cuslaa ee SNM la soo beegmay waxa ka mid ahaa
cadaadis debedda kaga yimid. Dowladdii Itoobiya ee martida loo ahaa
iyo kuwii kale (Yemen iyo Liibiya) ee halganka taageerayey waxay
saareen SNM culays weyn inay ku biirto jabhaddii SSDF ee ka soo
horrreysay, kana hub badnayd. SNM way ku adkaatay, iyadoo israacii
1960kii ee degdegga-ahaa aan laga macaashin, inay haddana, iyadoo
curdin ah, jiritaakeeda u hurto is-raac kale oo aan aayatiinkiisa la
garan karin, siiba marka la eego SSDF oo an ku dhaqmayn nidaam
dimoqraadiya. Sow, markaa, arrinku noqon mayo: kud ka guur oo qanjo
u guur. Iyadoo ka-dhabar-adaygaysa cadaadiskaas waxay SNM ku
qancisay dowladihii inay diyaar u tahay wada-hawlgal laakiin
isku-darsi iyo isku-milan markay timaad inay si dimoqraadi ah oo
aaya-ka-talin ah uga soo go’du xubnaha iyo dadweynaha taageeraya
labada urur. Sidaas ayey uga nabad gashay SNM marin-habow, sidaas
ayaana asaas u ahayd la-soo-noqoshada madax bannaanidii lagu gaadhay
Burco May 1991 kii.
Dabayaaqadii 1983kii ayaa Golahii Dhexe beddelay Guddigii Fulinta ee
u badnayd dadkii laamaha debedda oo ku beddelay guddi ay
hoggaamineyeen madaxdii saraakiisha ee gudaha ka soo baxay. Waxay ka
koobnayd: Marxuum Cabdulqaadir Kosaar(Guddoomiye), Marxuum Aadan
Shiine (Guddoomiye ku-xigeen), Maxamed Kaahin Axmed
(Xoghayaha-Guud), Xasan Ciise Jaamac (Ku-Xigeen Xoghaya-Guud) oo
isugu ka mid ahaa lajnaddii London. Ciidamada waxa qaabbilsanaa
guddi dagaal-gelin oo ay ka mid ahaayeen: Marxuum Lixle, Cabdillahi
Askar, Marxuum Aadan Salebaan, Marxuum Ibraahim Koodbuur iyo Xasan
Yoonis Habbane.
Mudda yar dabadeed waxa waayo-araggu aad ugu caddeeyey madaxdii SNM
wax awelba u muuqday: kasoo ah in halganku yahay mid siyaasadeed
laakin adeegsanaya dagaalka hubeysan. Waxay xaqiiqadaasi ku qancisay
in hawsha labada dhinacba aan la askariyeyn. Sidaa darteed ayaa
saraakiishii markaa madax ahaa go’aans deen in hoggannka siyaasadeed
ay dib ugu celiyaan madax siyaasadeed oo dadweynuhu doorto, meel
kasta ha ka yimaadane. Waxa qanqaabadiisa la galay shirweyne
ballaadhan oo meel walba taageerayaasha ururku isaga yimaadaan
(jiidaha dagaalka, dalka gudihiisa iyo laamaha debeddaba)
Intii hawlahaasi socdeen anoo deggan gobolka kaalifoornia
(California), oo macallin iyo ardayba ka ah, xidhiidh joogta ah
ayaan noo dhexeeyey laamahii debedda iyo madaxdii saaxaddaba. Waxan
diyaarinayey sidii SNM farac ugu yeelan lahayd USA & Kanada (North
America). Faraca London oo hore u dhisnaa waxay Guddoomiye u
doorteen Axmed Maxamed Siilaanyo, oo 1982 kii ka soo baxay dowladdii
Muqdisho. Isaga iyo aniga ayaa isa soo raacnay si aan uga qayb galno
shirweynaha. Warqadda fasaxa dal-galka (visa) markii aan ka
qaadanaynay Safaaradda Itoobiya, London, waxa dareenkayagu ahaa mid
xiiso gaar ah leh: (i) waa mar eh dadkeenna iyo jaarkeenna Itoobiya
waxa ka dhaxaysay colaad guun ah oo uu abuuray gumeysigii Yurub;
(ii) waa laba eh waxa raadkiisu qoyanaa dagaalkii 1977-78 ee labada
dal dhex maray, aniga iyo Axmedna annu waqtigaas wasiirro ka ahayn
dowladda Soomaaliyeed; (iii) isla markii hadana halgankaannu xubno
iyo madaxba ka ahayn waa ka go’aanka ku gaadhay inay lama huraan
tahay in Itoobiya la tago, iyana, dan kastaba ha la haatee, waa ta
gacmo furan innagu soo dhoweysay. Halkaa waxa ka iftiimayey bildhaan
dariiq cusub oo uu mari doono xidhiidhka labada dal iyo labada
ummadood. Waqtigaas isaga ah waxa duugga dariiqaasi noqon doono cid
sii garan karaysay ma jirin. Waayo, bani-aadmigu mustaqbalka, male
mooyee, hubaal uma sheegi karo. Marxaladda la joogo talada kula
toosan baa lagu dhaqaaqaa, duco lagu daraa, rajona aan laga quusan.
Xidhiidhkaas halganka iyo Itoobiya wuxu sahlay ka guuleysiga
taliskii Siyaad Barre; wuxuuna gun-dhig u noqday xidhiidhka fiican
ee manta dhex yaalla iyada iyo Somaliland. Itoobiya dhinaceeda waa
ta soo dhoweysay, waxna la qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ka qaxay
qaraxii dagaallada marka hore geesti woqooyiga, markii dambana
dhinaca koonfurta ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waxa weli gacan
uur ku jirto ah waxa uu ku dambayn doono doorka ay Itoobiya ka
ciyaarayso xaajada koonfureed ee qasan.
Shirweynahii loo ballan sanaa waxa la qabtay August 1984. Waxa lagu
dhammaystiray shirweynahaas, oo aan shir-guddoonshe ka ahaa,
dastuurkii SNM iyo barnaamijkeeda. Waxa la doortay Gole Dhexe iyo
Guddoomiye cusub, taasoo caado noqotay in shirweyne walba sida la
yeelo. Waxa Guddoomiyaha cusubi ahaa Axmed Siilaanyo, Guddoomiye-ku
Xigeenna waxa, isagoo weli Roma ku maqan, loo doortay Cali Maxamed
Wardhiigley (Hawiye, Murursade). Shirweynahanu wuxu kaga duwanaa
kuwii hore ka soo qaybgalka taageerayaal aan Isaaq ahayn, siiba
Beelaha ku abtirsada Hawiye iyo dirka. Waxay taasi ku suurtowday
iyada oo SNM hawl weyn u gashay inay halganka gaadhsiisu dadweyne
aan Isaaq ahayn, oo ay xarumo badan oo dagaal ka furatay koonfurta,
gaar ahaan gobollada dhexe iyo kuwa aad ba u sii jira geesta
koonfureed. Dadadaalkaa loogu jiray inaan SNM ku koobnaan Isaaq wuxu
ahaa mid soo taxan. Laamaha debeddu u may yaraysan la xidhiidhka
beelaha kale. Sidoo kale qaybtayadii guduhu dadaal weyn ayaa loo
galay arrin taasi, weliba beelaha la wadaagu woqooyinimada. Ha
yeeshee, nidaamkii taliska oo ku dhisnaa qaybi-oo-xukun (Divide and
Rule) iyo awoodiisa badan (maal, siyaasad iyo xoogba), iyo sir
ahaantii hawsha loo waday, waxay ka dhigeen hawshii mid aan midho
badan dhalin. Waxa kaliya oo lagu guuleystay waxay noqotay in
xarumihii dagaalka ee laga furay koonfurta inay ku soo hirtaan
beelaha qaar caddibnaa oo ay ka midyihiin beelaha dirka iyo kuwa
Hawiye qaarkood.
Go’aannada kale oo shirweynahaa la gaadhay waxa ka mid ahaa iyada oo
la joojiyey-qaybta soocan ee saraakiishu ku lahaayeen Golaha Dhexe.
Waxa la gartay inaan qofna derejadii uu kala yimid taliskii Siyaad
Barre SNM gudaheeda derejo kaga doonin: hadduu ahaan jiray wasiir
iyo hadduu ahaan jiray sarkaalba. Halkan qof waliba innu yahay
mujihaad, derejada halganka dhexdiisa uu ka haystaana ay tahay xilka
markaa loo dhiibo. Waxa kale oo la magacaabay wakiillo Golaha Dhexe
ka mid ah oo qaabbilsan laamaha debedda. Aniga waxa la ii magacaabay
Wakiilka Golaha Dhexee ee woqooyiga Ameerika (North America);
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) wakiilka laamaha Sucuudiga; Cali
Warsamana wakiilka laamaha khaliijka (Imaaraadka). Isla markii laan
waliba waxaya u madaxbannaanayd inay doorato guddigeeda iyo
guddoomiyaheeda gaarka ah.
Guddoomiyihii cusbaa guddidiisa fulinta wuxu ku daray, midnimada iyo
wadajirka darteed, guddoomiyayaashi ka horreeyey. Marxuum Sheekh
Yusuf Cali Sheekh Madar wuxu u magacaabay la taliyahiisa siyaasadda,
Marxuum Cabdulqaadir Koosaarna lataliyaha dhinaca dagaalka.
Ciidamada laftooda waxa madax looga dhigay Marxuum Aadan Shiine.
Talada Caynkaas ahi waxay dhidibbada u aastay dimoqraadiyadda SNM
iyo in madaxda la beddelaaba ta ka dambaysa ay garab gasho halkay
kaga bilaabi lahayd fadqalalo. Waxay noqotay dhaxal qiimo weyn ku
fadhiya, Somali landna ilaa hadda ay ka dhigatay tilmaan.
Shirweynahaa dabadii SNM waxa u bilaabmay hawlo waaweyn.
i- Waxa ka mid ahaa hawlahaas dejinta nidaam maamul oo daakhiliya.
Iyadoo la hirgelinayo dastuurka dimuqraadiga ee SNM waxa la isku
deyey in nidaam maamul oo isku xidha min goobta dagaalka ilaa laanta
debedda la dhagan geliyo. Hawshaa baaxadda leh waxna waa ka
hirgaleen, waxna wey suurtoobi waayeen. Waxa hirgalay wada jirkii,
midnimadii iyo hawlaha had iyo jeer loo wado si wada tashi iyo
dimoqraadi ah. Waxa suurtoobi waayey in ciidamadii la isku dhafo oo
laga saaro beel-beelnimada. Dadaalku ma yarayn. Dhallinta ciidamada
soo geliya waxa la siin jiray tababar mideysan. Waxa weliba la iska
deyey, ilaa bilowgiibaa, in loo kala beddelo meelo aan ahayn halkay
u dhasheen, si loo helo ciidan halgan oo ka xoreysan beelnimada. Ha
yeeshee dadaalkaa ka sokow, danbaa run sheegtay. Mujaahidiinta
ururku mushahar uma hayo, dadkaa masruufa. Adiga oo aan waxba siin
ayey naftooda u hureen inay ku dhintaan dagaalka. Markaa halka ay
kab ay gashadaan ama go’ay huwadaan ka helayaan lagama celin karo.
Halkaasina waa halka ehelka ugu dhowi joogo. Lama huraan waa cows
jilaal, danina waa seeto ayuu yidhi Ducaale Suldaan.
ii- Hawsha labaad, oo horeba loo waday, waxay ahayeed in la
ballaadhinayo siyaasadda debedda, si ururku u yeesho cod la maqlo
iyo carrab la dhegeysto. Idaacaddii Halgan, ee ku tiil Addis Ababa
ee aan la wadaagi jirnay SSDF ka sokow, waxa la xoojiyey fiidinta,
iyo baahinta iyo xoojinta laamaha debedda ee Ururka ku abtirsada.
Intii horee jirtay waxa ku kordhay laamo cusub oo caasimadaha Yurub
badankooda taageerayaashii Ururka ee degganaa ka fureen xafiisyo.
Laamahaasoo dhan waxa laga hirgelinayey baahinta ujeeddada dagaalka,
kashifidda ficillada foosha xun ee taliskii jirey kula dhaqmayey
ummadda, baraarujinta dadka qurba-joogga ah, fududeynta si ay dalkaa
ay joogaan, iyo ugu dambeyn in dhaqaale loo ururiyo dagaalka, haddii
ay kallifto sirba ha ahaadee. Hawshaas siyaasadda debedda heer aad u
wanaagsa oo midho dhala ayey yeelatay. Magaalooyinka London iyo
Washington waxa ka soo bixi jiray joornaalo joogto ah, waxa xidhiidh
lala yeeshay dowladihii shiisheeye ilaayoo la gaadhay dabaayadadii
1988kii in dowladihii taageeri jiray taliska, siiba ta Mareykanku ka
gooyaan kaalmadii.
iii- Hawsha saddexaad ee Ururku u guntaday muddooyinkaas waxay
ahayd, dabcan, baahinta dagaalka hubeysan, taasoo laba dhinac leh.
Dhinac waa baahinta jiidaha dagaalka, dhinacna waa kobcinta
dhumucdiisa (breadth and depth of the armed struggle). Geesta
baahinta waa tii horeba loo sii faafiyey. Markanse waxa la is yidhi
aad u weyneeya dagaalka koonfurta si aan dadka Isaaqa ahi ugu
keliyeysan. Runti se, dhinaca Jubbada Sare (Baarrey), Beesha Dirka,
oo aan laftaydu muddo joogay ka sokow, baahinta dagaalku geesaha
kale way kici kari wayday ilaa waa dambe.
Waxa dan noqotay, markaa, inaan la filqin awoodda yar, dad iyo
maalba, ee aad haysato, oo aad ku dadaasho kordhinta dhumucda halka
aad wax ka tari karto oo ah geesta woqooyiga. Tab iyo
xeesha(strategy and tactics) waxay isugu jirtay dagaalka gaadmada
kooxaha ah iyo mid fool-ka-fool ah ba (combination of hit and run
guerilla actions as well as some conventional operations). Dagaalka
kooxuhu miyi iyo magaallabo wuu lahaa. Waa la xusuustaa hawlahii ay
ka midka ahaayeen madax-furashadii maxaabiista ‘Mandera’ ee dhawrka
jeer ahayd iyo dagaalladii baaxadda weynaa ee lagu qaadi jiray
ciidamada taliska ee fadhiya xuduudda. Waxay ujeeddadu ahayd in la
wiiqo awoodda cadowga dhinac ciidan, isla markiina cabsi lagu geliyo
nafsadda (morale) dadka u dagaallamaya amaba si kale ugu adeegaya,
la xoojiyo dhiirranida kuwa halganka taageeraya, ilaa inta la
gaadheyo dhirbaaxada kama dambaysta ee is-hambo raacinaysa.
Gudo-gaalka ‘October-November’ 1984 ee saddax hawlood oo is-daba
taxan lagaga galay galbeedka Hargeysa, buuraha Sheekh, iyo bariga
Barco, oo taliska ku noqday naxdin iyo werwer, ciidamadiisiina
wiiqay, wuxu ahaa tababar ama tijaabo loo sii qaadanayo
dhirbaaxadaas u dambaysa. Hawlo badan oo baxaddaas leh oo ay ka mid
ahayeen hawlgalkii Hargeysa lagu qaaday madaxda ciidamada amaanka
(Axmed Aadan iyo la taliyaashii), markaasoo aan ku-meelgaadh ahaan
sii ahaa guddoomiye, ayaa muddo dheer socday ilaayoo uu ka soo galay
waqtigii shirweynuhu.
Shirkan damba waxa la qabtay horraantii 1987kii, oo Axmed Siilanyo
loogu celiyey xilkii guddoomiyaha. Waqtigaas wuxu talisku laba
jibbaaray cadaadiskii uu ku hayey dadka gudaha, siiba magaalooyinka
waaweyn oo uu ku soo rogay bando joogto ah. Waxay socotoba,
horraantii 1988kii waa tii heshiisku dhex maray labadii talis ee
Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ay Jabuuti dhex-dhexaadisay.
Heshiiskaas waxay labada talis isu ballan qaadeen in midna ka kale
jabhad ka soo horjeedda aanu gacan siin. Siyaad Barre wuxu mooday in
halkaas uu kaga dhammaanayo dagaalkii SNM (iyadoo SSDF muddo ka
horba ay shiiqday), dadkeennii gudahana waxay ku noqotay arrin
naxdin leh.
Heshiiskaas labada talis dhex maray colkayagii halganka ku guda
jiray kumuu noqon fajiciso. Waannu la soconay saadaasha. Waana loo
sii diyaar ahaa. Itoobiya waxay naga codsatay in 15km xaggeeda
ciidamada SNM loo soo celiyo. Fursaddaas iyadoo laga faa’iidaysanayo
waa tii la isku shubay gudaha. Anigu markaa waxan ku soo noqday
hawshaydii ahayd laanta Ameerika. Go’aankaa la qaatay khammaarkiisa
wuu laha, waayo xooggeenna iyo ka cadowgu wax isu dhigmayey ma
ahayn. Laakiin halkii halganku ka bakhtiyi lahaa waxa laga doorbiday
in la badheedho oo gebigiisaba loo wareejiyo gudaha dalka. Jawaabtii
taliska iyo wixii ka dhashayna waa la ogaa oo faafaahin uma baahna.
Halganka waxay u noqotay macaash weyn. Halki awel SNM ka ahayd wax
yaroo kooban, ummaddii gudaha ee soo qaxday oo dhan baa hawshii si
buuxda uga qayb gashay. Markan waxay noqotay in dagaalku xadka,
buuraha, magaalooyinka hareerahooda ilaa badda, waa meel walba eh,
uu ka socdo. Waxay dhalisay in taliskii woqooyiga aanu xukumi karin,
koonfurna, ilaa magaalo madaxda, dhaqaalihiisii, siyaasaddiisii iyo
nidaam kiisaba khalkhal galo. Waa ta dad badan oo awel aan dhiirran
jirin ay dhaqdhaaqeen. Waa ta ay saaxadda dagaalka ku soo biireen
ururro kale oo reer koonfureed sida USC iyo SPM, halgankiina aanu
maanta keli ku noqon SNM.
Waxaad i weydiiseen maalinta ay iigu naxdin weyneyd iyo maalinta
iigu farxadda badneyd labadaba. Ogaada marka hore ayaamaha caynkaasa
labada noocba, aad bay u badnaayeen oo lama koobi karo. Halgankan
mar aad faraxdo, mar aad qososho iyo mar aad naxdaaba way ku soo
marayaan, oo beryo dhanbaa adiga iyo hurdo is-waayeysaan. Haddaanse
mitaal soo qaato waxa jiray mar ay naxdinta iyo farxadduba igu
kulmeen. Waa horraantii 1989kii. Faqashtii waxay ku guuleystay inay
ciidamadeennii qaybta Hargeysa xadka Itoobiya ku soo celiso. Waa
markii ugu horreysay ee ciidankeenna ku-dhaca dagaalka (creative
initiative) lagala wareego oo la eryado. Shacbigii wuxuu wadhan
yahay xeryaha qaxootiga iyo jiidaha miyiga. Waxa waajib noqotay in
abaabul ballaadhan iyo weerarro cusub la qaado si loo waabiyo,
horana loogu sii socdo. Mar goob-dagaal (battle) laga soo noqday
ayaan booqday halkii xannaanada dhaawaca. Waxan halkaa kula kulmay
dhallintii aan laftaydu cishooyin ka hor soo kiciyey oo qaar badani
dhaawac yihiin, qaarna shahiideen. Waad garan kartaan dareenkayga
sida uu ahaa iyada oo ay weliba waajib tahay in inta hadhayna
qalbiga loo adkeeyo. Galabtii furanay idaacadda Raadiyaha BBC. Waa
war weyn oo farxad leh. Dagaalyahanno aannu bilow ka hor xeebaha u
dhaadhicinay iyo dadweynaha jiidahaasi waa kuwa dagaallo culus
galay: geesta galbeed qabsaday Saylac iyo Lowyacaddo; geesta barina
Maydh iyo Xiis. Waa ta Faqashtii, illayn baddii loo weydaaraye,
magaalooyinkii dib-ugu-guratay. Wixii noo hadhaabaa waa eryo,
hambadana salabee.
Sannadkaas 1989 waa markii koonfurna dhaqdhaqaaqa diidmada talisku
xoogeystay. Mudaharaadyada masaajidada iyo suuqyadaba laga dhigay.
Xitaa odayadii hore oo uu Madax u yahay Dr. Ismaaciil Jimcaale, waa
kuwa bilaabay xarakaddii la magac baxday ‘Manifesto’ ee ku
dhiirratay inay Siyaad Barre ku tidhaa xukunka si nabadgelyo ah uga
deg intaan daadku ku qaadin. Isna waa ka sii kordhiyey xadhigga iyo
cadaadiska, xeebta Jasiirana dhallinyarada ku laayey. SNM waxay kaga
jawabtay arrimahaas xoojinta dagaalka hubeysan iyo ka dibloomaasiga
ahba. Waa ta is-bahaysi la yeelatay USC iyo SPM, oo ay u suurogashay
inay dagaalka manta ka holciso oo ku wareejiso koonfurta. Intaasoo
dhammi iyada oo ay socdaan, inna soo gudagel waqtigii shirweynahii
caadiga ahaa (kaasoo la qaban jiray 3 dii sannadoodba mar). Markan
waxa lagu qabtay magaalo dalka ah oo xoreynsa—Balli gubadle. Waa
March 1990kii. Waxa Guddoomiye loo doortay Marxuum Cabdiraxmaan
Axmed Cali (Tuur), Anna waxa Golaha Dhexe ee doortay
guddoomiyahooda. Hadda ka hor labadaa xil waxa isku hayey hal qof.
Waxa la ahaa jabhad dagaal ku jirto oo intii awoodda la ururin karo
u baahan. Immika oo neecawdii xorriyaddu inna hayso waxa la
yaqiinsaday inay lama huraan tahay in la kala fujiy labada awoodood
ee kala ah sharci-dejinta iyo maamul-fulinta. Go’oanka kalee qiimaha
weyn leh ee shirweynahaa la gaadhay wuxuun ahaa iyadoo Guurtidii
odayada loo aqoonsaday inuu yahay Gole dastuuri ah.
Sheekadii waa inoo dhammaad, xoreyntiina in yar baa ka hadhay. Aan
ku yara hakado haddaba arrinta guurtida. Bilowgiiba SNM
dhaqdhaqaadeedu wuxu ahaa mid dimoqraadiya, talada dadkana ku
dhisan. Sidaa darteedna doorka odayada beeluhu noqoy mid lama huraan
ah. Waxay taasi si weyn u sii muuqatay markii la bilaabay dagaalka
hubeysan oo u baahan ciidan ururin, maal ururin, taageerada iyo ku
dhex dhuumashada dadweynaha. Waxa kale oo qofkii fekerayey u
muuqatay in halganku u baahan yahay dhismo laba dhinac leh oo si
waxtar ah isu kaaba: dhinaca siyaasadda casriga ah (modern
politics), iyo dhinaca hiddaha dhismaha beelaha (traditional clan
structure). Dhowr goor ayaa la isku deyey in odayada beelaha loo
sameeyo nidaam habaysan. Tijaabadii hore waxay ahay horran tii 1983
oo la sameeyey Guurti Isaaq. Tii labaadna waxay ahayd May, 1985 oo
Beelaha Isaaqo ku yeesheen shir tuulada Rabaso. Anoo guddoomiyaha
Ururka wakiil ka ah ayaan shirkaa gacan qabashadiisa oday ka ahaa,
halkaasoo iyana guddi kale lagu doortay.
Labadaa tijaababa, in kastoo laga faa’iideystay, haddana may hana
qaadin. Sababtoo ah iyadoo dowlad kale marti loo yahay, oo odayada u
aragta dadkeedii rayidka ahaa, iyo iyadoo odayadii talada beelaha
miisaanka culus ku lahaa weli ku jiraan dalka gudihiisa, taliskii
cadowga ahaa hoostiisa. Waxay arrintu innoo hirgashay 1988kii markii
dadweynahii magaalooyinku soo qaxay. Waa kuwa odayadii Beesha Isaaqu
sannadkaas ku shiray tuulada Caddaroosh, oo ku taal dhinaca
koonfur-galbeed ee Hargeysa, iskood isu habeey oo abuuray Golaha
Guurtida, Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yusuf Sheekh Madarna
Guddoomiye u doortay. Waxay odayadu u xeyteen si awoodda dadka oo
dhan loogu leylyo halganka hubeysan oo ummadduna dhaqso ugu guryo
hoyato. Waxay SNM u arkayeen odayadu dowladdoodii ay waxay soo
qabtaanba u hurayeen, amarkeedana u hoggaansanaayeen, isla markaana
ay nabadda beelaha kale lala leeyahay iyo sida wax loo wada qabsanyo
raadiyaan. Rag aan ku jiraa waxannu ka dhaadhicineynay odayada inay,
intaa hore ka sokow, xubnaha SNM u arkaan ilmahoodii u adeegayey,
iyaguna odayaal ahaan qayb weyn ku leeyihiin halka dowladnimadu ka
soo unkamayso. Sidaas ayey ku asaasmeen laba gole, oo dastuuri ah oo
siman—Golahii Dhexe ee SNM iyo Golaha Guurtiga—taladana wadaaga. Waa
aragtaan in dhaxal kaasi gun-dhig u noqday dhismaha dimoqraadiyadda
ee maanta ka jira Somaliland.
Ugu dambeyntii aan wax yar ka idhaahdo xaaladdii dagaallada sokooye
ee xoreynta dabadeed, dadka qaarna ay sabab uga dhigaan khilaaf dhex
yaallay SNM. Lama dafiro karo in khilaaf SNM dhex yaalay. Waa wax
cilmi ah, oo ninkii aqoon lehiba garan karo, in marka xisbi ama urur
keliyihi jiro in afkaarta kala duwan, tartanka ka sokow, ee caadi
ahaan qaadan lahayd qaabka axsaabta kala duwan, ay iska dhex
cabbirayso xisbigaas ama ururkaas dhexdiisa. SNM arrintaa waxay ku
sixi jirtay doodda dimoqraadiga ee dhex tiil, taasoo ay kaga nabad
gashay isku dhac gudaheeda yimaadda intii halganku socday, sida ku
dhacda jabhadu badan, haddaad taariikhda adduunka eegto.
Taa ka sokow waxa jiray sababo kale oo murgiyey arrinta, waxaana ka
mid ahaa:
i- Ciidamada xoreynta SNM oo, si kasta oo la isugu deyey in la isku
dhafo, danta halganka iyo dhismo-bulsheedka (social structure)
dadweynuhu ku kallifay inay qaab reer-reer ah u habeysmaan.
ii- Isla markii, haddana mujaahidiintii u darbanaa mabda’a SNM,
waayo arag halganna lahaa, qaabka reernimadana xidhiidhka dhexdoodu
kala mudnaa, waxay badankoodii ku shahiideen gudagalkii 1988 ee
nafhurka ahaa. Waxay inta badan dadku illooban in waqtigaa dabadii
SNM tii halganka wadday aanay ahayn tii 1988 ka hor, marka laga
reebo in yar oo madaxa, sida Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo xayn
yaroo saraakiil ah oo ka soo nabad baxay dagaalkaa gudagalka. Sidaan
horeba u soo sheegay, waqtigaa dabadii baaxadda halganka dadkii
waday—ciidamo, saraakiil iyo odayaalba—waxay ahaan ummaddii soo
baxdey 1988 oo magaca SNM huwan.
iii- Inta waxa dheer dad badanoo Isaaqa ( Beelaha kale bal daayoo)
oo halganka SNM debedda ka joogay oo xoreynta dabadeed doorkooda
siyaasadeed ciyaaraya.
iv- Sideedabana dabeecadaha halgan xoreyn ama gobanimadoon, sida
laga bartay taariikhda adduunka, waxa ka mid ah in marka cadowgu ku
horjoogu midnimada guduhu xoog leedahay; marka cadowga laga
adkaadana ay soo ifbaxaan danahii gudaha iyo afkaartii kala duwaneyd
oo keena khilaaf siyaasadeed. Khilaafkaa siyaasadeed mar wuxu noqdaa
midfudud oo lagu toossin karo wada hadal talo-wadaag (democratic
dialogue). Marna wuxu noqon karaa mid ba’an oo loo maaro waayo.
Marka intaasoo sababood la isku daro waa la fahmi karaa in isku
dhacii sokeeye ee xoreynta ka dib aan loo aanayn karin khilaaf
siyaasadeed oo madax SNM dhexyaallay oo keliya, bal loo aanayn karo
tababarka siyaasadeed ee ummaddeennu marayso oo aan weli ka xoroobin
dhismo-bulsheedkii reer guuraanimada, siyaasadda casriga sida la isu
waafajiyaana ay kacaankufkeeda leedahay. Haddii sababto khilaaf SNM
oo keliya ahayd maxaa keenay isku-dhacii dambe (1995-1997) ee ka
qallafsanaa kii hore, iyadoo SNM aanay jirinba, xukunkana wareejisay
1993 kii?
Labada isku dhacna wax lagu xallilay nidaamkii talo-wadaagga iyo
doodad lahaa ee SNM dhaxal u reebtay, hiddanheenna dhinaciisa
wanaagsaanna waafaqsan. Taariikhda kumaan maqal jabhad dagaal
hubeysa xoreynta ku gaadhay oo, iyadoon xoog lagaga qaadin, xukunka
wareejisay sida SNM. Ha jirto in SNM ku guuleysan weyday inay
muddadii halganka nidaam adag oo kala-dambeyn leh dhisto, sababo
badan, oo qaarkood aan soo sheegay awgood. Dhalliishaa waxa barbar
taalla hadii ay sidaas ku guuleysato inay suurogal ahaan lahayd inay
xukunka ku dhigto oo, beryo dabadeed loo baahdo in la iska xoreeyo,
sida ku dhacda dalalkii xisbi ama jabhad keliyahi talada haysteen.
Waxay ila tahay in dhaxalkan ay reebtay ee manta Somaliland ku
caano-malaysaa ugu roon yahay aayo-tiinka dambeeto ee koritaanka
ummadda.
Professor Ibrahim Maygaag Samatar
Tokyo, Japan.
|