Ilma Xarbi oo xidhay Xero Awr, Hargeisa
 



 

DAWLADDA Hoose ee Caasimadda Hargeisa uu hagaayo Mayor Jiciir ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay hirgeliya mashaariic horumarineed ay ka mid yaheen wadooyin laami ah ‘Paved Roads “oo isku xidha Hargeisa.

Waxa dhawaan laga bilaabay Degmada koodbuur laba jid oo lami ah oo is barbar  so cda “Parralel Paved Roads” oo isku xidha wadada dheer ee dhex marta  Xaa fadda Xero Awr iyo shacabka.

Hadaba , badhtamaha jidka cusub ee kasoo baxa Hotel Guuled, waxa dayr wayn oo bilaa sharci ah ka dhistay Ganacsade Axmed Xarbi, oo dadku u yaqaaneen “Ilma Xarbi”

Todobaadkii hore ayaa waxa xaafadda soo maray Madaxda Degmada koodbuur, iyo hawl-wadeeno calaamad cus ku xareeqaayay guryaha & dayrarka jidku qabsaday ee la duminaayo. Waxay “Dumis’ ku qoreen guryo badan sida ka muuqata sawiradda halkan ku lifaaqan.

Markii lasoo gaadhay, dayrka Ilma Xarbi ee ku dhexyaala jidka , waxa diiday in la  ca laamadiyo mulkeelaha dayrka, asagoo lasoo baxay hub, kuna hanjabay inuu  dagaal amaayo hadii dayrkeesa la taabato.

Ciidamada Dawladda Hoose, ayago tixgelinaaya amniga iyo xasiloonida way  dhaafe en oo Calaamad Cas kumay dhufan dayrka Ilma Xarbi.Dhiskii iyo hagaajintii jidkaasi gebi ahaanba wuu istaagay, shaqana hada kama socoto.

Ilma Xarbi waa ganacsato waawayn oo hanti badan ku leh caasimadda Hargeisa, w axaanay si wayn u taageeraan Xisbigga Kulmiye.Dadka xaafadda Xero Awr, waxay ilsa dhexmarayaan inuu Kulmiye ka danbeeyo jid gooyadaas.

Hadaba dadwaynaha deggan Xaafadda Xero AWr, oo baahi wayn u qaba  dhamays tirka jidkaas, waxay indhaha ku hayaan habka ay Dawladda Hoose ula dhaqmi  doon to Ina Xarbi.

Danyar badan ayaa guryaha laga dumiyay oo sharciga lala teegsaday.Bal aan  eeg no xooga iyo xoolaha Ilma Xarbi , taageeradda Kulmiye, iyo fulinta sharciga ee Dawladda Hoose.



Muwaadin Khadar Jama

Khadar.jama@yahoo.com
Jiga-Jiga Yar, Hargeisa